Justice and Welfare Party (UCID)

 


Shirweynihii Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) oo maanta Guriga shaqaalaha ka bilaabmay

Hargeysa, Somaliland (UCID)



(Warbixin ku saabsan shir-Weynihii 2aad ee xisbiga UCID oo maanta July 25 ka bilaabmay Guriga Shaqaale ee Hargeysa)

UCID 2006-07-25 ( JUMHUURIYADA SOMALILAND )
Republic of Somaliland



--------------------------------------------

Shirweynahii labaad ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland UCID ayaa saaka wuxuu si toos ah uga bilaabmay hoolka weyn ee guriga haayadda shaqaalaha dawlada, waxaa ka soo qayb gallay 350 Ergay, 250 Ergay waxay ka kala yimaadeen gobolada iyo degmooyinka Somaliland, halka 100 Ergayna ay ka yimaadeen dalka dibadiisa.

Shirweynahani oo saaka u muuqday mid si habsami ah oo aad u qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha wakhtigani ee Xisbiga UCID Mudane Eng. Faysal Cali Waraabe, marti sharaf ka kala socotay labada Xisbi ee kale KULMIYE iyo UDUB, oo ay kala horkacayeen Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale, Guddoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiiladda iyo marti sharaf ka socotay ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland.


Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ay Ag Fadhiyaan Masuuliyiinta Labada Xisbi qaran ee kale

Waxaa ugu horayn khudbad ka jeediyey Shirweynahani guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirweynahani Xisbiga UCID, Mudane, Professor Maxamed Fadal oo sheegay in ergooyinka ka soo qayb galay shirweynahani ay iskugu jiraan guddida dhexe, iyo xubnaha Xisbiga UCID ee dalka dibadiisa iyo gudahiisa, Mudane Fadal wuxuu sheegay in Shirweynahani Xisbigu ku dooran doono Guddoomiye, laba guddoomiye ku xigeen iyo Musharaxa M/weyne Ku xigeenka, Xoghayaha guud ee Xisbiga, iyo 151 xubnood oo noqon doona golaha dhexe ee Xisbiga.

Waxaa, isaguna khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey shirweynahani Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Mudane Faysal CaliWaraabe, wuxuu aad u amaanay ugu horayn guddida iyagu qaban qaabisay shirweynahani, wuxuuna ka waramay milgahii taariikheed ee hannaanka dimuqraadiyadda iyo dimuqraadiyadaynta Somaliland, wuxuuna si xeel dheer u ammaanay habkii Xisbiga UCID uga qayb qaatay hannaankaasi oo uu ku tilmaamay mid taariikhda dunida galay.

Mudane Faysal Cali Waraabe, wuxuu ka hadlay xaaladda ku geedaaman Geeska Afrika, gaar ahaanna wajiga cusub ee ay gashay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, isagoo taasi ka hadlayana wuxuu yidhi:

"Walaalayaal sidaynu ognahay dalkani ayn jaarka nahay ee soomaaliya waxaa muddo badan ka holcaayey masiibooyin, kuwaasi oo dhawaan u muuqday in ay xooga degeen, kadib markii maamulkii Magaalada muqdisho uu gacanta u galay niman wadaaddo ah oo yidhi diinta ayaanu ku xukumayna, dhawaan qaramada midoobay waxay sheegtay inay ka khafiifinayaan cunaqabatayntii dhinaca hubka ee saarnayd gayigani, waxaana ay taasi u muuqata khatar weyn oo mandaqadda guud ahaan ka soo if baxaysa, C/laahi yuusuf oo la hubeeya, wuxuu khatar ku yahay maaha wadaadda Muqdisho qabsadaye, wuxuu ku socda waa inaga, waa kii Laas canood inaga qabsaday ee aynu ogayn, waxaanan leenahay oo annagu aanu qabna in haddii caalamku taasi fuliyo oo ay ogaadaan in khatar ay mandaqaddani madaxa la galayso" ayuu yidhi Mudane Faysal Cali Waraabe.

Mudane Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu ugu baaqay Xukuumadda iyo dhinacyada siyaasadda ee Somaliland inay u diyaar garoobaan colaad cusub oo uu sheegay inay kaga soo socoto Cabdilaahi Yuusuf, dhinaca kale ee Maxaakiimtana, wuxuu u sheegay in ay iyaguna ku jiraan niman Madax banaanida Somaliland qodax ku tahay oo aan inna ogolayn.

Dhinaca kale Waxaa isaguna khudbad dheer oo aad u soo jiidatay ka qayb galayaasha shiweynahani madasha ka jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuuna ku ammaanay Mudane Siilaanyo Xisbiga UCID dedaalka ay muujiyeen, wuxuu sidoo kale ka hadlay xaaladda mandaqadda, gaar ahaanna ciidamada Ethiopianka ah ee la sheegay inay galeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna magaalada Baydhabo ee sheegaya inay gacan siinayaan Cabdilaahi Yuusuf. Mudane Siilaanyo isagoo taasi ka hadlaya wuxuu yidhi:

"dalkani aynu dariska nahay, waxaa ka bilaabmay waji cusub, hasa ka bilaabme, waxaa jirta khatar weyn oo dhammaanba mandaqadda ku soo food leh. Dawladda Ethiopia, iyadoo xaq u leh inay iska difaacdo wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda, iyadoo xaq u leh inay difaacdo xuduuddaheeda, kana foojignaanaysa khatar kasta, haddana waxaan , qurux badnayn ciidamada Ethiopianka ah ee la sheegay inay hore u galeen xuduudka, waxaanu leenahay sida aanay Ethiopia u jeclayn in xuduudkeeda la soo galo, ayaanay u qurux badnayn in lagu xad gudbo masiirka ummad kale, waana xaaran, waxaananu kula talinayna walaalahayo Ethiopia oo innaga ay inaga dhexayso saaxiibtinimo, xidhiidh sokeeye iyo iskaashi inay dib u eegaan tallaabadaasi" markii Guddoomiye Axmed Siilaanyo uu weedhahaasi afkiisa ka yidhi, waxaa lagu soo dhaweeyey sacab iyo masrax aad u saraysa.

Shirweynahani Xisbiga Caddaaladda iyo daryeelka (UCID) ayaa wuxuu socon doona muddo 3 maalmood ah oo labada gelinba ay ergooyinku shaqayn doonaan.


 



 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM