Justice and Welfare Party (UCID)

 


Shirweynihii Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) oo maantii labaad ka socda Guriga shaqaalaha

Hargeysa, Somaliland (UCID)



(Warbixin ku saabsan shirweynihii 2aad ee xisbiga UCID oo maantii labaadka socda Guriga Shaqaale ee Hargeysa)

UCID 2006-07-28 ( JUMHUURIYADA SOMALILAND )
Republic of Somaliland



--------------------------------------------
Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Somaliland (UCID), ayaa galay Maalintiisii labaad, iyagoo ergooyinka ka soo qeyb galay shirkaasi oo ka kala yimi Gobolada Dalka iyo laamaha xisbiga ee debadda ay ku falaanqeeyeen warbixinno ku saabsan goobihii ay ka yimaadeen.

Shirweynaha labaad ee Xisbiga UCID, waxa lagu gorfeeyey arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka siyaasaddeed ee xisbigu ku shaqeyn doono shanta sanno ee soo socda iyo xulashada hogaanka sare ee Xisbiga, Golaha Fulinta iyo Golaha Dhexe.

Ergooyinka ka soo qeyb galay shirkaas ayaa ku falaanqeeyey madasha maanta hawl qabadkii Xisbiga ee shantii sanno ee laga soo gudbay, iyadoo lagu qiimayn doono Madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee Xisbiga wax qabadkoodii.

Waxa shirka maanta aad uga wada muuqday badiba madaxda xisbiga Ucid oo maanta iyaga oo ku kaliyaystay iyaga iyo xisbigooda oo qudha, iyada oo shalay furitaankii lagu marti qaaday xisbiyada Kulmiye iyo Udub.


Waxaana ka dhex muuqaday shirka ilaa bilowgiiba gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland mudane Cabdiraxamaan Cirro oo isagu ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga Ucid, isla markaasna ah mudane xisbiga Ucid uga soo baxay gobolka Saaxil, waxa lagu wadaa ilaa dhammaadka shirka in uu ka qayb qaadan doono, isla markaasna waxa lagu wadaa maalinta berri ah in lagu dhawaaqo hogaanka sare ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka iyo masuuliyiinta kale.


 



 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM