Justice and Welfare Party (UCID)

 


Shirweynihii Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) oo maanta lagu doortay hoggaankii xisbiga

Hargeysa, Somaliland (UCID)



(Shirweynihii 2aad ee xisbiga UCID oo maantii lagu soo gabagebeeyay Guriga Shaqaale ee Hargeysa, laguna doortay hoggaankii Xisbiga)

UCID 2006-07-28 ( JUMHUURIYADA SOMALILAND )
Republic of Somaliland



--------------------------------------------
Xisbiga UCID Oo Doortay Hogaankiisii Sare & Shirweynihiisiii Labaad Oo lasoo Gebo-gabeeyey Xisbigs Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland (UCID), oo maalmihii u danbeeyey uu shirweynihiisii labaad uga Xarunta Hayada shaqaalaa dawlada ee Magaalada ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Madaxda hogaanka Sare xisbiga ee shanta sanno ee soo socota.

Guddi farsamo oo loo xilsaaray soo xulida xubnaha talada xisbiga hayn shanta sanno ee soo socda ayaa ergooyinka maanta soo hordhigay xubnahan, waxayna sheegeen in markii ay waafajiijiyeen shuruudaha iyo waajibaadkii xubnaha ay soo magacaabeen ay si wadajir ah u soo wada xuleen oo shirweynaha u soo bandhigeen, waxayna soo xuleen xubnahan soo ku qoran:-


Guddoomiyaha Xisbiga: Eng. Faysal Cali Waraabe
Guddoomiye-xigeenka 1aad: Xildh. Axmed Cabdi Siciid
Guddoomiye-xigeenka 2aad. Dr. Maxamed Cismaan Fadal
Xoghayaha Guud: Maxamed Xasan Baashe
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud: Xildh. Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi
B. Waxa kale oo ay idiin soo jeedinayaan in Guddoomiye-xigeenka 3aad loo daayo Guddiga Fulinta.


Ka dib markii guddida farsamo ee xisbiga UCID ergooyinka shirka u soo gudbiyeen masuuliyiintii ay soo xuleen, ayuu Ku Xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa oo ka mid ah mudanayaashii doorashadii golaha deegaanka uga soo baxay Xisbiga UCID, isla markaana ka mid ah guddida uu ergooyinka ka socday inay cod u qaadan meel marinta soo jeedintooda, waxaanay dhamaan xubnihii ka soo qeyb galay shirkaa ku waafaqeen mawqifkooda, manay jirin, manay jirin cid diiday.


Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo doorashadiisa ka dib aanu ka wax ka weydiinay aragtidiisa ku wajahan xilkan dib loogu doortay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, "aad baan ugu faraxsanahay in dib la iigu soo doorto Gudoomiyenimada Xisbiga UCID, waxana ii muuqatay in laga gudbay qabyaaladii loona gudbay dimuqraadiyada dalka ka hirgashay, waxa Mandate la noo siiyey inaanu halgankii ay SNM dalka ku xoraysay halkii ka sii wadno, waxaan amaanada la ii dhiibay u gudan doona si wadaniyad iyo daacadnimo ku jirto, ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu gacanta Xisbiga UCID soo geliyo hogaanka dalka". ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xisbiga UCID.



Shirweynaha labaad ee Xisbiga UCID, waxa laga soo saaray go\aamo wax ku ool ah oo loogu talo galay inay ansixiyaan Golaha Dhexe Xisbigu, waxayna u dhignaayeen sidan:-

Ansixin laba jago oo cusub:

i. Guddoomiye xigeenka 3aad QODOBKA 17AAD
ii. Xoghaye-ku-xigeen QODOBKA 17AAD
Ansixin qodobo Xeerka lagu kordhiyey:

iii. In shirarka Golaha Dhexe la qabto sanadkiiba hal mar, halka uu markii hore ka ahaa lixdii biloodba hal mar QODOBKA 14AAD

iv. In shirweynaha shantii sanaba mar la qabto halka uu ka ahaa afartii sanoba mar QODOBKA 10AAD

v. In Tirada Guddiga Fulinta laga dhigo 33 halka ay ka ahaayeen 25 QODOBKA 15AAD

vi. In Tirada Golaha Dhexe laga dhigo 151 halka uu markii hore ka ahaa 121

vii. In Golaha Dhexe iska dhex doorto 3 xubnood oo hanti-dhawr ah.


Shir-weynaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka (UCID), waxa lagu soo bandhigay warbixin dheer oo si qoto dheer uga hadlaysa sooyaalkii taariikheed ee xisbiga iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maraysa, waxqabadkiisii iyo qorshaha xisbiga ee mustaqbalka.



 



 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM