Xisbiga UCID Oo Sagootin Iyo
Mahadcelin U Diraya Guddoomiye-xigeenkii Hore Ee Xisbiga Marwo
Aamina-Milgo:
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee (UCID) waxa uu sagootin iyo mahadcelinba
u dirayaa Marwo Aamina Maxamuud Warsame (Aamina-Milgo) oo ahayd
guddoomiye-xigeenkii xisbiga tan iyo markii lagu doortay shirkii golaha dhexe ee
xisbiga badhtamihii sanadkii 2004kii ee magaalada Burco. Aamina-milgo oo xisbiga
UCID aanuu marnaba ilaawaynin kartideedii, aqoonteedii iyo dedaalkeedii ayaa
waxa Aamina lasoo gudboonaatay arrin looga baahanyahay in aanay kamid noqonin
xisbiyada siyaasadda kuna wajahan ururrada madaniga ah (civil society).
Dhammaan hogaanka xisbiga oo guddoomiye Faysal Cali Waraabe ugu horeeyo ayaa
Aamina-Milgo uga mahadcelinaya dedaalkii dheeraa iyo halgankii ay lasoo gashay
xisbiga iyada oo qayb weyn kulahayd taariikhda xisbiga iyo guulaha uu soo hooyey
Illaahayna waxay uga baryayaan inuu ku asturo hawlaha ummadda ay u qabanayso.
Markasta waxaanu ku hanweynahay in meeshii ay gashoba isbedel khayr leh ku
samaynayso Aamina-milgo. "Marwo Aamina-Milgo waxay hormood ka tahay dumarka ugu
ixtiraamka badan Somaliland waxqabadkeedii xisbiga gudihiisa waanu tebidoonaa
laakiin waxqabadkeeda wadanka ku wajahan ma tebidoonno", ayuu yidhi Gudoomiye
Faysal isaga oo la hadlaya xubnaha xisbiga ee caalamka ku fidsan.
UCID MEDIA
Finland
ucidinfo@gmail.com
Ucidprty cadami