GUDOOMIYE KU XIGEENKII 3:AAD EE
XISBIGA UCID OO IS CASISHEY
Hargeysa (UCID) Gudoomiye
xigeenkii 3:aad ee xisbiga UCID Marwo
Aamina-Milgo X. Maxamuud Warsame ayaa
sheegtay inay iska casisahay xilkaasi iyo
xubinnimadii guddida fulinta ee xisbiga UCID.
Waxaanay sidaas ku sheegtay qoraal ay shalay
u soo gudbisay warbaahinta, iyada oo intaas
ku dartay in ay is casilaaddu la xidhiidho
danno shakhsi, madaxda xisbiguna ay ka
aqbaleen codsigeeda is casilaadda ah,
qoraalkeeduna wuxu u qornaa sidan:
Waxaan warbaahinta
Somaliland la socodsiinayaa in aan iska
casilay xilkii gudoomiye xigeenka 3:aad iyo
xubinnimadii guddida fulinta ee aan u hayay
xisbiga UCID, sababta aan xilka isaga casilay,
waa arrin la xidhiidha danno shakhsi.
Waxaan kale oo la
socodsiinayaa warbaahinta in ay madaxda
xisbigu iga aqbaleen codsigaygii, ahaa in aan
xilalka aan u hayay UCID iska casilo.