Xisbigu Waxa uu Ballan qaadayaa:
12.1 Ilaalinta nolosha qofka (Life sustenance).
12.2 Xafidaada Nabadgelyada (Security).
12.3 Mabsuudnimo shakhsi ah, dhisida niyada dadka
(Social and selfsteem).
12.4 Ilaalinta Xuquuqda iyo Xoriyad (Rights and
Freedom).
Ilaalinta nolasha qofka, waxa uu xisbigu ku
dadaalayaa una taagan yahay sidii uu u heli lahaa muwaadin kasta Cunto,
Hoy (Food & Shelter), biyo nadiif ah, dhar iyo cafimaad.
Xafidaada\Nabadgelyada (Security) dhawrida iyo
gacan siinta qofka markuu dhaawacmo, hanan kariwaayo quutal
daruurigiisa, waayo hantidiisa, fursadii uu wax ku qabsan lahaa iyo
xuquuqdiisa.
Xuquuqdiisa iyo Xoriyada waa in qofku xaq u yeeshaa
in uu talada dalka iyo nolashiisa si toos ah iyo si dadbanba "directly
and indirectly" gacan ku yeesho, xaq u yeesho in uu yeesho hanti,
xaq u yeesho in shaqeeyo iyo in u xaq u yeesho in uu badbaadiyo
hantidiisa. Waa in shakhsigu xor u yeesho in uu u socdaalo meeshii uu
doono, dago meesha uu doono, laakiin xor uma laha inuu ka baxo Diinta
Islaamka. Waa waajibka Rabaani ah iyo Distuuriga dowlada, Difaacdo
Diinta Islaamka hubsana Muslinimada muwaadinka.
Mabsuudnimada shakhsiga, waa inuu ku nolaado nolol
sharaf iyo karaamaba leh, waa inuu naftiisa ku kalsoonaado, xuquuqda
dadka kalena dhowro.
Xisbigu wuxuu illaalin doonaa, adkayn doonaa,
horumarin doonaa, dimuqraadiyada iyo sharafta iyo karaamada qofka ee
ILLAAHAY KU MANAYSTAY cidna ka qaadi karin. Wuxuu ixtiraamidoona
xoriyatul qawlka iyo saxaafada madaxa banaan, isla markaana wuxuuna u
dulqaadan karin waxii Diinta Islaamka iyo Nabigeena suuban wax u
dhimaya. Xisbigu wuxuu soo dhaweeyay xoriyada qofka tii aan wax u
dhimayn bulshaweynta. Marna lagama sareyn karo rabitaanka shakhsiga ka
bulshaweynta.
Xisbigu wuxuu sameyn doonaa gilgil buuxa oo dhan si
loo cidhib jaro dhaqan xumadii laga dhaxlay Soomaliya iyo hab
maamulkii ka soo jeeday Fashigii Talyaaniga. Wuxuu xisbigu u
barbaarindoonaa bulshada sidii ay gac-mahooda wax ugu qabsan lahaayeen,
una yeelan lahaayeen Dhaqan Shaqo, isla markaana u dhibsan lahaayeen
Shaqo la'aanta iyo Shaxaadka.
Xisbigu wuxuu u taagan yahay sidii loo dhisi lahaa
bulsho ku nool Qaran iyo dowlad ku abtirsata dhaqanka iyo mabaadiida
Islaamka "VALUES AND PRINCIPLES OF ISLAM". Xisbigu wuxuu u
taaganyahay sidii loo heli lahaa mujtamac iyo bulsho:
- Karti leh, "Efficiency",
- Bulsho siman, "Social Justice".
- Bulsho xor ah "Free Society and freedom to choose
Politically and Economically".
Xisbigu wuxuu ilaalindoona daryeelka iyo Danta Guud
ee Bulshada "The Welfare and General Interest of the
society", isagoo isla markaa dhowraya xoriyada iyo danta khaaska
ah, "Freedom and Rigths of the Individual", wixii aan Diinta
iyo xuquuqda bulshada wax yeelayn. Waxa la ilaalin doona hantida iyo
xoriyada shakhsiga iyada oo isla markaana la daneynayo danta guud ee
mujtamaca. Wuxuu Xisbigu ilaalindoonaa nolosha iyo daryeelka dadka
nugul ee bulshada (Vulnerable Segment of Society).
Xisbigu wuxuu u taaganyahay sidii loo dhisi lahaa
Qaran Daryeel (Welfare State). Qaran isku cel-celiya dakhliga ummada
"Distribute and Redistribute the Income", ka ilaaliya in
bulshada dabaqyadeeda lahaansho kala-tagin si loo helo mujtamac cidna
ka khasaarin. Si loo xoojiyo xoriyadda shakhsiga xisbigu wuxuu ka
shaqeyn doonaa sidii dadka loogu heli lahaa shaqo. Maadaama wax
la'aanta iyo shaqo la'aantu ay ku abuurto qofka habrasho iyo xoriyad
darro wuxuu xisbigu la' dagaalami doonaa shaqo la’aanta "Unemployment".
Xisbigu wuxuu u taagaanyahay hirgalinta Demogradiga
Islaamka, taas oo ka saraysa tan reer galbeedku ku dhisan yahay.