War saxaafadeed Magacaabis Xil:



Justice and Welfare Party (UCID)

 




’THE RIGHTS WE ENJOY REFLECTS THE DUTIES WE OWE’’




February. 28th, 2006. London, Uk.
Ref: Ucid/Eur/UK/0001/15/06.

PRESS RELEASE :

Ujeedo: Xilal  Magacaabis

 

Og: Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka Ucid

Og: Xoghayaha Guud Xisbiga Qaranka Ucid

Og: Gudoomiyaha Europe Xisbiga Qaranka Ucid

Og: Gudoomiyaha & K/Xigeenka Ucid UK





Anagoo tixraaceyna (tixgelina siiney) talo bixintii Gudoomiyaha iyo G/Xigeenka Ucid UK, lana tashaney qaar ka mid ah madaxda sare ee Xisbiga Ucid, Waxa aanu magacawney Xilka soo socda:

Ahmed Mohamed Mire (Waqaf ) – Gud./Xigeenka (2aad) Ucid UK.

Ahmed waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa. Waxbarashadiisii Sare waxa uu ku qaatay Waddanka Guddihiisa iyo waddanka UK (B.A Horumarinta Bulshada – Community development).
Ahmed waxa uu ku noolyahay London UK; waxa u khibrad shaqo oo qoto leh ku leeyahay horumarinta bulshada, taas oo uu ku shaqeeyo la taliye arrimaha bulshada gaar ahaan waxbarashada.

Waxaan dhammaan ka codsanaya beelweynta Ucid (gaar ahaan UK) in ay la shaqeeyaan; ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu xilkaas u fududeeyo.

 

Aamin. Ilaah baa Mahad leh.

 

Viva Somaliland ! Guul iyo Gobanimo!!

 

Eng. Mohamed A. Balayah

G/Xigeen Ucid Europe

London, UK



Ucidprty cadami

 



Go back to the main page