Xildhibaan Khadar Ambassador oo booqasho shan (5)
maalmood qaadatay ku tagay magaalada Helsinki ee dalka Finland ayaa kula
kulmay dadweynaha reer Finland ee halkan ku dhaqan iyo labada guddoomiye ee
Golaha Wakiilada iyo Xisbiga UCID. Aminta safarkani ayaa ku beegnayd muddada
fasaxa Golaha Wakiiladu ku jiro halkaas oo uu Khadar qayb kamid ah fasaxiisa
ku kala bixiyey dalka Finland. Ugu horeyntiiba Khadar Ambassador waxa lagaga
hortagay madaarka waxaana soo dhaweeyey dadweyne aad u tiro badan iyadoo si
farxad leh loogu soo dhaweeyey Helsinki. Khadar waxa uu ku degey hudheel ku
yaalla badhtamaha
magaalada Helsinki.
Khadar intii uu joogay Finland waxa uu la
kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxman M. Cabdillahi (Cirro) iyo
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Sarkaal sare oo ka tirsan
UNDP qaybta mashaariicda, shirkado ganacsi iyo dadweyne fara badan.
Bulshada reer Finland ee halkan ku dhaqan iyo
madaxda kaleba waxa uu Khadar uga

xogwaramay wadanka iyo waayihiisa isaga oo
tilmaamo ka bixiyey caqabadaha hor yaalla horumarka dalka isla markaana
qurbajoogga ku dhiirigeliyey in ay wadankooda u hagar baxaan wax badanna ay u
qaban karaan ee aanay is ogeyn. Hadallada guubaabada ah ee Khadar ku tiraabay
waxa kamid ahaa khudbad kooban oo uu ka jeediyey casho-sharaf ururka
Somaliland Community u sameeyey oo dad aad u fara badani kasoo qaybgaleen
isaga oo yidhi, "ma aha inaynu ilawno niyaddii iyo ujeedadii asaasiga ahayd ee
aynu qurbaha u nimid….. qofna
niyaddiisa kumay jirin qurbaha ku noolow ilaa inta aad ka dhimanaysid ee
ujeedadeenu waxay ahayd laba midkood, wax ka baro kedibna wadankaagii la tag
oo ku anfac iyo wax ka dhigo oo wadankaagii la tag oo wax ku qabso".
Xildhibaan Khadar oo dadku u arkayeen nin isagu qurbaha ka xoogsaday
wadankiisana wax ugu qabtay isna wax ka qabsaday ayay dadku si xiiso leh u
dhuuxayeen talooyinkiisa ku wajahan
qurbajoogga.
Xildhibaanka oo ganacsade ah, ujeedooyinkiisa
may ka maqnayn inuu la kulmo shirkado ganacsi waxaana uu la kulmay shirkado ka
ganacsada tamarka, cuntada iyo guryaha qiimaha jaban. Labada Guddoomiye iyo
Khadar waxay ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha xisbiga UCID iyo talo
isweydaarsi guud oo ku saabsan marxaladda wadanku marayo. Maalintii salaasadii
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Warabe ayay dalxiis ugu wada baxeen
dalka Sweden waxaana ay iska waraysteen
xaaladda dalku marayo iyo sidii xaalka dalka sidan looga hor
marinlahaa iyaga oo kusoo laabtay Helsinki maalintii khamiistii iyadoo isla
maalintaana Khadar u dib ugu dhoofay dalka UK. Safarkan Khadar ayay dadka qaar
ka sheegeen waxyaalo aan jirin iyaga oo rabay inay dareen aan jirin abuuraan
xildhibaanka iyo labada guddoomiyena ku sheegay Saddexan wax gaara isla og.
UCID Media
ucidinfo@gmail.com