Kulankii shalay iyo Soo dhaweyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka somalilad ee Birmingham:







Wefdigii ka socday Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hogaaminyey Guddomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, uu waheliyo Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ee UCID Enj. Faisal Cali Faarax ayaa shalaygalab

oo bishan March aheyd 11ka kula kulmey Jaalliyada degan magaalada Birmingham qolka Ciyaaraha eek u yaala Balsaal Heath halkasoo ay isugu yimaadaan dadweyne aad u tiro oo isugu jirey dhaliyaro, odayaal, waxgarad iyo aqoonyahano.

Kulankaasi oo ahaa mid aad loo soo agaasimiyey waxaa wafdigaa halkaasi hadalo

iyo ereyo soo dhoweyna ka jeediyey dad fara badan oo kamidaa kuwii shirkaasi kasoo qeybgalay. Waxaana kamid ahaa odayaashii halkaasi ka hadlay Mr. Jirde Ugaaslabe oo ku hadlayey magaca jaaaliyada Somaliland ee Birmingham wuxuuna kusoo dhoweeyey wafdiga salaam isagoo ka wakiila dadweynaha Birmingham. Waxaa kaloo iyana kamida madaxdii halkaasi ka hadashey wakiilada u fadhiya Birmingham Xisbiga Udub Maxamad Cabdi Sheekh (Xirsi), Kulmiye Cabdoo Aayar iyo UCID Wacays Baalbaal oo usoo jeediyey wafdiga erayo soo dhoweyn iyo dardaarana.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye ee UK Mr. Maxamuud Raage oo tilmaamey shaqada ballaadhan ee lasoo gudboonaatay Golaha Wakiilada ee JSL; wuxuuna tilmaamay heerka nolosha dadweynaha Somaliland iyo inay lama maarmaan tahay in laga hortago inay samaysmaan dabaqado nololeed aad u kala sareeyaa.

Kadib waxaa halkaasi ka hadlay oo ereyo gaaban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faisal Cali Faarax waxayna hadalkiisu isugu soo biyo shubtay sida ay lagama maarmaanka u tahay midnimada iyo wada shaqeynta dadweynaha reer Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay tan kaliya ee horumar lagu gaadhi karo. Eng. Faisal wuxuu tilamaamay inaanay Xisbiyada Kulmiye iyo UCID aanay ku heshiinin makrii ay la dooraneyey Guddoomiyekuxigeenada Baarlamaanka inay ku waxyeeleeyaan dalka haseyeeshee ay doonayaan inay wax ku toosiyaan oo ay yeeshaan awood ay joojiyaan marka khaladaad xukuumada ka yimaado. “ waxaanu ku heshiineay taakuleynta iyo horumarinta shacabka Somaliland. Waxaanu dooneynaa dawlad shaqeysa, baarlamaan xambaarsan siyaasad cad “ ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID. Eng. Faisal isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu yidhi “ waxaanu dooneynaa xukuumad wanaagsan, lacag mideysan (mid qudha ah) iyo xuduuda oo la gaadho.

Waxaa dabadeed khubadii qaatay Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamad Cabdillaahi oo si hufan uga warrramahay xaalada dalka guud ahaan, isagoo taataabtay dhinacyada nabadgalyada, dhismaha, iyo abaaraha hadda saameeyey meelo kamida dalka . Mudane Cabdiraxmaan waxaa kaloo ka warramay xidhiidhka ka dhaxeeya baarlamaanka iyo dawlada oo ku sheegey inuu meel wanaagsan marayo iyo guddiyada kala duwan ee loo saarey inay u hawlagalaan dhinacyada dejinta xeerhoosaadyada iyadoo loo saarey guddiyo u hawlgala arrimahaasi. Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada waxyaabaha uu tibaaxay waxaa kamid ahaa ballanqaadka Madaxweynaha JSl Mudane Daahir Riyaale Kaahin ee dib u shaandheynta xukuumada iyo magacaabida xukuumad kooban oo tayo leh; taasoo uu ballanqaaday Madaxweynuhu. Mudane Cabdiraxmaan waxaa kaloo carrabka ku dhuftay sida xukuumadu uga fakireyso sidii wax looga qaban lahaa lacagta shilin Somalida laga isticmaalo gobolada ay kamida yihiin Togdheer, Sool iyo Sanaag , looguna bedeli lahaa shilinka Somaliland.

Mar wax laga weydiiyey Guddoomiyaha Barlamaanka magacaabida degmooyinka faraha badan ee qorshe la’aanta lagu sameeyey, wuxuu sheegey inay arrintaasi

wax ka jiraan haddana loo hawlgelayo sidii sharci looga soo saari lahaa degmooyinka

aan kasoo bixi kareynin shuruudaha looga baahan sida tirada dadweynaha, dhaqaalaha degmada iyo goobta ay ku taalo. Mar wax laga weydiiyey doorashada Golaha Guurtida Somaliland wuxuu sheegey inay ka danbeyn doonto muddo 12 (laba iyo toban) bilooda tan Golaha Wakiilada.

Kadib waxa dadweynihii kulankaasi kasoo qeybgalay Guddomiyaha weydiiyeen iyagoo sii wata su’aalaha heerka wadashaqeynta baarlamaanka iyo xukuumada, kala shaandheynta ciidamaha qalabka sida , booliska iyo ilaalada; miisaaniyada dalka; tirada degmooyinka faraha ka batay aan cilmiga ku dhisneyn. Waxaa kaloo Guddoomiyaha la weydiiyey xeerarka hadda qabyada; mushkilada dhulka ka taagan; dhaqdhaqaaqa dekeda Berbera iyo cashuuraha. Dadweynaha ood moodo inay aad ugu soo diyaar garoobeen su’aalaha waxaa kaloo ay tilmaameen sida loogu baahan yahay soo dhoweynta iyo waxqabadka mujaahidiinta dalka usoo halkgamay; wuxuuna Guddoomiyuhu u sheegey dadweynaha inaan la halmaamin ee dawladu hadda ugu dartay miisaaniyad gaadheysaa ilaa 10 (toban) milyuun oo shilinka Somaliland sidii wax loogu qaban lahaa dadkii dhibaatooyinku kasoo gaadheen dagaalkii lagu xoreynayey dalka gaar ahaan taakuleynta agoonta. Arrimaha kale ee la weydiiyey waxaa kamida ahaa musuqmaasuqa iyo waliba aafada qaadka ee ku baahdan dadweynaha.

Waxaa kaloo wafdgia la weydiiyey sababta ay madaxda Somaliland ay safaro dibloomaasiyadeed ugu kala bixin waayeen wadamada Afrika bacdamaa aqoonsiga Somaliland si xoogan ugu xidhan yahay ogolaanshada xubnaha ku jira Ururka Midowga Afrika; halka ay hadda u gaalaa baxayaan Yurub iyo Ameerika; wuxuuna Mudane Cabdiraxman sheegey inay kaalin firinfircoon la hayo arrintaasi; xidhidh wanaagsanaa ay Somaliland la leedahay wadamo badan oo Afrika.

Mudane Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada wuxuu ku booriyey Jaaliyada Somaliland ee Birmingham inay kaalintooda ka qaataan dhismaha, ololeynta aqoonsiga , dhaqaalaha iyo waxbarashadaba dalka hooyo. Mudane C/raxmaan waxaa kaloo ka codsaday dadweynihii faraha badnaa ee hadalkiisa dhageysanayey inay ka qeybgalaan

siyaasadda dalka iyo doorashooyinka taasoo ku tilmaanay inay kaalin weyn ka qaadaneyso wacyigelinta , ogaanshaha iyo horumarinta dalka.

Wafdigu waxay isla shalay fiidnimadii u ambabaxeyn magaalada Shefield.


Keise Ege, (Dhambaal)




Ucidprty cadami

 



Go back to the main page