Siyaasada
guud ee xisbiga ee ku wajahan caafimaadka dalka waxaa u sal ah
daryeelka guud ee caafimaad "General Health Care Policy".
Waxaa
ku waajib ah kuna qasab ah dowlada sidii qof kasta oo muwadin
Somaliland ahi u heli lahaa daryeel caafimaad. Waa wajibka dowlada
saaran in ay xilqaado ruuxii la soo caadeeyo in aanu tabar iyo awood u
lahayn in uu iska bixiyo kharashka dawada. Dowladu waxay ka mas'uul
tahay dhismayaasha hoygaga caafimaadka sida xarumaha lagu daryeelo
hooyada iyo dhalaanka "Child and Mother Health Centres" iyo
xarumaha dhexe ee caafimaadka (Health Care Centres) in ay ka hirgaliso
dhamaan dalka heer gobol, degmo iyo tuulaba.
Qaab u
shaqeynta xisbiga dhinaca caafimaadka (General programme of work) xisbiggu
isaga oo tix raacaya distoorka dalka eegayana qaabka daryeelka
bulshada qodobkiisa 28 naad. Xisbigu aragtidiisa dhinca caafimaadka
iyo hab u shaqeyntiisuba waa sida tan:-
Is
Bedelka Caafimaadka ee Somaliland (The changing context of
Somaliland Health)
Labaatankii sanno ee u danbeeyey Somaliland waxay
soo martay marxalado aad u adag. Waxaa isbedel weyni ku yimi aasaaska
caafimaadka tayo iyo tiro labadaba. Waxaa kaloo isbedel ku yimi
cuduradda dalka oo ay ku soo biireen cuduro cusub iyada oo kuwii horay
u jireyna ay aad u fideen labaatankaa sanno. Dhinaca dhaqan bulsheedka
iyo dhaqaalaha Somalilandna hoos u dhac wayni ku yimi. Xisbigu isaga
oo yamxeerinaya arrimahaasi oo dhan.
Xisbigu wuxuu u arkaa caafimaadku in uu yahay
saldhiga xaqa shakhsiga (Health is a Fundemental Human Right).
Xisbigu isaga oo xaqa shakhsigu u leeyahay
caafimaadka amaba qaadaya wuxuu ku shaqayn doonaa stratejiyada ku
haboon oo sida tan ah: -
Stratejiyada
la raacayo caafimaadka (Strategic directions of Somaliland Health)
Ujeedadda xisbigu waa in uu dhisaa bulsho caafimaad qabta la
dagaalamaana cuduradda. Si xisbiggu u gaadho ujeedooyinkiisa, waxa uu
raacayaa afar stratejiyo qeexan. Stratejiyada koowaad
- Hoos u dhigid dhimashada xad dhaafka ah, bukaanka iyo naafowga,
gaar ahaan dadka aad danyarta u ah sida reer miyiga. (Reducing
excess mortality, morbidity and disability, especially in poor and
marginalized population)
Stratejiyada labaad.
- Kor u qaadid hab nololeedka caafimaad ku dhaqanka ah iyo hoos u
dhigid arrimaha khatar galinkara caafimaadka kuwaas oo ka iman kara
dhinaca deegaanka; dhaqaalaha iyo hab dhaqanka bulshdeed (promoting
healthy lifestyles and reducing risk factors to human health that
arise from environmental, economic, social and behavioural causes)
Stratejiyada sadexaad.
- Kobcin ama sameyn hab caafimaad oo sugga sinaan hor umarineed kana
jawaaba baahidda dadweynaha ee xaqa ah kuna salaysan qiimo lacageed
suurtagal ah. (developing health systems that equitably improve
health outcomes, respond to people's legitimate demands, and are
financially fair).
Stratejiyada afraad.
- Saabid qaab siyaasadeed oo dhisaysa jawi abuura hab caafimaad
horana u qaada nolol bulsheedka, dhaqaalaha iyo degaanka (framing an
enabling policy and creating an institutional environment for the
health sector, and promoting an effective health dimension to
social, economic, environmental and development policy).
Afartaa Stratejiyood way isku xidhan yihiin.
Caafimaadka dadkana hore lama daryeeli karo haddii mid kaliya la
adeegsaddo. Caafimaadku ma aha wax dukaan laga soo iibsan karro,
lamana miisaami karo oo kiiloo ama mitir caafimaad ma jiro. Sidaa
darteed waxa uu la amba qaadaa dhaqaalaha, aqoonta, cuntada nafaqada
leh, hab caafimaad ku dhaqanka, biyaha, hoyga, nabada, iyo degaanka
nololeed ee mujtamacu uu ku noolyahay.
Xisbigu wuxuu xooga saarayaa saddexda cudur ee
dilaaga ah , Qaaxada, Kaneecadda ama duumo, iyo cudurka halista ah ee
HIV/AIDS.
Caafimaadka hooyooyinka iyo dhalaanka, (Child &
Maternal Health)
Caafimaadka maskaxda (Mental Health)
Cuduradda
aan la is qaadsiin (non-communicable diseases) sida kansar, cudurada
qalbigga, Kaadi-Sonkorowga iwm. Cunto fayow (Food Safety)
dhiig fayow (Blood Safety) iyo hab caafimaad oo gaadha (Health System)
bulshada, sida caafimaadka aasaasiga ah (Primary Health Care) halkii
ay bogol qof ku nool yihiin. Xisbigu wuxuu xoogga saarayaa in dawo
tayo lihi dalka soo gaadho aanu aasaaska u dhigo warshad dawo samayn.
Dawo xumi way ka
khatarsantahay daawo la'aan.
Qaab
u shaqeynta xisbiga ee degaanka Somalilaand waa dal bad, buuro, oogan
iyo dhul hawd ah ama daaqsi ilaahay siiyey. Hase ahaatee dadku wali
waa ka qatan yihiin waana ka agoon ka faa'iideysigga waxa uu ilaahay
siiyey. Degaan waxa uu xisbiggu ku macneynayaa waxa uu dadku ku
noolyahay sida, biyaha, dhulka dushiisa waxa yaal (Flora and Fauna),
hawada, buuraha, iyo wada jirka ama isku tiirsanaanta noolaha iyo
waxaan nooleyn (Ecosystem).
Somaliland
wali lama jaangoyn dhulka daaqsinka iyo ka beeraha. Lama maarayn
dhulka macdan ka soo saarka iyo kan dal xiiska. Lama jaangoyn lamana
taswiirin (Cartography) isu soo ururinta tuulooyinka ama inta ay
magaaloyinku ku eekaanayaan sanadka 2050.
Dhinaca
biyaha nadiifta ah , Somalilaand bogolkiiba shan qof ayaa caba biyo
nadiif ah 5%, dhinaca musqulaha bogolkiiba laba ayaa musqul ama
beytalmay leh. Dhinaca kheyraadka dabiicigga ah ee Ilaahay ina siiyey
haddana aan ka qatanahay waxaa ka mid ah wax aliyaalo iyo wixii bad ku
jira iyo xeebaha. Dhinaca dhulka waxaan ka qatanahay midhaha caadiga u
baxa sida madheedhka, hobhobta, dhafaruurta, faraxuunsho, gaceyro,
like, tamayuluq, himir, iyo dhamaan dheecaanadda ay dhirtu soo deyso
sida xabagta, milmisha.
Xisbiggu
wuxuu la fajacsanyahay, tii oo sannad walba uu roob da'o, dooxyadda
dalka oo lagu qiyaasay ilaa sagaal kun siddeed bogol iyo lixdan (9860
doox), biyaha maraana lagu qiyaasay isku celcelin Shan Boqol oo Bilyan
oo foosto sannad walba haddana aan ka haraadanahay waa wax lagu qoslo.
Xisbiggu wuxuu xooga saarayaa in dooxyaddaa dalka
la xidho waxaanu u sameyn doonaa wakaaladda dooxyadda isaga oo la
kaashanaya wasaaradda hawlaha guud. Bulshada reer Somalilandna ku
dhiiri gelin doona habka ay uga faa'iideysanyaan khayraadka badda iyo
barigaba.
Xisbiggu wuxuu jaangoyn ku sameyn doonaa dhulka ku haboon beero iyo
kan daaqba.
Xisbigu
wuxuu daryeeli doonaa degaanka sida dhirta iyo ugaadha.
Xisbiggu isaga oo fahamsan deegaan la'aan waa dad la'aan, wuxuu
bulshada iyo dhammaan waxbarashada ku baahin doonaa habka daryeelka
degaanka iyo ka faa'iideysigiisa.
Xisbiggu wuxuu fiiro gaar ah siin doonaa reer miyiga oo baahi biyo iyo
baad ka taaganyihiin . Wuxuuna xisbiggu eegi doonaa dadka dalka iyo
xooluhu in uu degaanku qaadi karro tiiyoo uu tirakoob ku sameyn doono
dadka iyo xoolahaba.
Dhinaca
xooga ama quwadda ama shidaalka (fuel energy) dadka Somaliland wuxuu
shitaa xaabo, wax dhir ah oo la beeray looguna tala galay shidaal ma
jiro, xisbiggu wuxuu eegi doonaa isu dheeli tirka baahidda shidaalka
iyo kobcinta dhirta ama shidaal raadis kale.