Hanqaltaaga Cumar Arte iyo Siyaasadda S/Land ma
is Dabooli karaan?

Posted to the web Sun, 27 Oct 2002 18:18:57 -0500 Mohamed Aden Omer .



Mudane Omar Arte muran kama joogo inuu ahaa siyaasi ka muuqday dawladihii soo maray Somalia oo dhan. Gaar ahaan waa nin qayb weyn ka qaatay muujinta dawladdii Somaliyeed ee Siyad Barre. Haddaynu u noqonno mawduuceena kor ku xusan Siyad ka dib, Mudane Cuma Carte waxaa loo magacaabay oo uu noqday Raiisal Wasaaraha Somalia. Muddo ka dib waxaa shirkii ugu horreeyey ee dib u heshiisiinta Somaliweeyn lagu qabtay Djibout dhamaadki 1991.

Shirkan waxaa ka maqnaa Somaliland oo iyadu markaa ka madaxbanaatay dawladdii Somalia. Shirkan waxaa guddoomiye ka ahaa Abdirisaaq X. Xuseen. Ku xigeen kiisana waxa ahaa Marxuun M. Xaaji Ibraahim Egaal. Waxaa Shirkan qallinka lagu duugay qoddobadan

1) In Somalia ay mid tahay.
2) In aanay WAXBA ka jirin madax banaanida Somaliland.

Waxaa isla shirkan Somaliland LIDDIGA ku ahaa madaxbannaanideeda Cumar Carte loogu doortay in uu noqdo Raiisal Wasaaraha Somalia. Cumar wuxuu u gudoontay jagadaas si rayn rayn iyo farxad badan leh. Maalintaa laga bilaabo odaygeenna Cumar muhiimadiisa koowaad ee shaqo wuxuu ka dhigay in madaxbaannida Somaliland aanay taabbo gelin marnaba. Wuxuu geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay, una tafo xaytay sidii marnaba Somaliland aan looga aqoonsan iyo sidii uu Somalia ugu soo dari lahaa mar labadaad. Wuxuu warbaahinta adduunka sidaynu wada dhagaysanay ka baahiyey in khalad ay tahay go'aan qaadashada iyo goonni isutaagga Somaliland, tallaabana adduunku ka qaaddo, cadaadiyaanna si ay ugu noqdaan Somaliweyn.
Waxay tallaabooyinkaa Cumar qaaday iyo rag badan oo siyaasiyiin u dhashay Somaliland ahi ay keentay in dib dhac weeyni ku yimaaddo Ixtiraafka Somaliland, oo aanay S/land yeelan cadow kale oon ahayn siyaasiyiinteeda. Xilligan aynu ka hadlaynaa ee Cumar ina weeraray waa xilligii ugu adkaa ee dadka reer Somaliland soo wajeha intay taariikhda jireen. Wuxuu ahaa xilli dadku ka koobnaa burbur dhaqaale, dhimasho, dhaawac, iyo agoommo.
Wuxuu ahaa xilli dadku u baahnaa taageerro iyo taakullayn ay ka helaan dadkeeda gaar ahaan waxgaradka uu cumar ka mid ahaa iyo kiwii kale ee la mid ahaaba.

Maanta oo dadkii iyo dawladdiiba ay meel wanaagsan oo lagu soo hirto taaganyiin, miyeynu ku qanacnaa damaca madaxnimo doon ee Cumar? Misse inna qabataa? Waxay dadku yidhaahdaan
"Nin dharaar xun kaa tagay adoon dhiman wax kuu sheeg."
Fadlan waxaan jecelahay inaad ka soo jawaabtaan wixii ra'yi ah ee aad ka qabtaan. Waxaan jecelahay inaan idin la wadaagno doorka soo socda qoraalladii iyo odhaahyadii laga qabtay Cumar Arte markii uu ololaha dumista Somaliland ku jiray.


For comments or questions about this ARTICLE please contact:
Qore: Ahmed M. Galbeedi And M. A.Omer.