Gudoomiyaha Barlamanka SL Oo Kulan La Yeeshey Xubno Ka Tirsan Barlamanka Sweden :
Gudoomiyaha Golaha
wakiilada Somaliland mudane Abdirahman Mohamed Abdilahi oo kulan la yeeshay
xubno ka tirsan gudiga arimaha debeda ee golaha baarlamaanka Sweden, kadibna
cashosharaf gudoomiyaha loogu sameeyey gudaha guriga baarlamaanka Sweden.
Gudoomiyaha golaha sharcidejinta Somaliland mudane Abdirahman Mohamed Abdilahi
ayaan maanta aqalka baarlamaanka sweden kula kulmay xubno ka tirsan gudiga
arimaha debeda iyo xidhiidhka caalamka ee golaha baarlamaanka Sweden. Kulankan
oo ay daadahaynaysa Marwo Cicilia Wigström oo xuban ka ah gudiga arimaha dibeda
iyo xidhiidhka caalamka ee golaha baarlamaanka Sweden kana tirsan xusbiga
Liberaalka Sweden (Fp), ayuu gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland muda
Abdirahman si buuxda ugaga waramay xildhibanadaas xaalada Somaliland.
Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyey ee madaxda qaranka Somaliland ay layeeshaan
gudiga arimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamka ee golaha baarlamaanka Sweden ayaa
ahaan mid aad u xiiso badan oo labada dhinac si kalsooniyi kamuuqato isu
xogwaraysteen.
Gudoomiye Abdirahman Mohamed Abdillahi waxa uu xildhibaanada uga waramay
horumarka ay bulshada reer Somaliland ku talaabsatay mudadii yarayd ee laga soo
wareegay dib ulasoo noqoshadii madaxbaanida Somaliland. Doorashooyinkii is
dabajooga ahaa ee Somaliland ka qabsoomay ee sida xorta, xalaasha iyo
nabadgelyada ah udhacay ayuu gudoomiyuhu uga waramay gudiga. Sidoo kale
gudoomiyuhu waxa uu xildhibaanada u sheegay in shacabka reer Somaliland aad uga
xunayhay inaan bulshada caalamku gacan ka siinin talaabooyinkaas wax ku oolka ah
ee ay ku talaabsaadeen.
Gudoomyihu waxa kale oo uu gudiga arimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamka ee
golaha baarlamaanka Sweden ku wargeliyey in ay shacabka iyo madaxda reer
Somaliland ka go,atahay gooni isutaagu iyo la soo noqoshada madaxbanaanidoodu.
Gudoomiyuhu wuxuu gudiga u cadeeyey in aanay habayaraatee gorgortan marna gelayn
qadiyada gooni isutaaga Somaliland. In umada reer Somaliland ay ka go,antahay
inay u halgamaan masiirkooda, qadiyadooda oo aanay sina uga daalidoonin
go,aankood muda kasta oo ay ku qaadato.
Sidoo kale gudoomiyaha golaha sharcidejinta Somaliland mudane Abdirahman Mohamed
Abdilahi waxa uu ka codsaday kuna booriyey shacabka iyo madaxda Sweden inay ku
ixtiraamaan shacabka reer Somaliland go,aankood islmarkaas gacan ka siiyaan
sidii ay ku gaadhi lahaayeen qadiyada gooni isutaaga.
Marwo Cicilia Wikström iyo xildhibaanadii kale waxay gudoomiyaha iyo xubnihii la
socday u sheegeen siday ugu faraxsanyihiin inay la kulmeen gudoomiyaha golaha
wakiilada Somaliland. Waxay kaloo xildhibaanadu cadeeyeen inay waxbadan oo aanay
hore uga ogayn somaliland ogaadeen maanta sidoo kale ay waxyaabo badan oo si
qaldan loogu sheegay jiray maanta xaqiiqdoodii helaan. Waxaanay balanqaadeen
inay warbixinta iyo codsiga gudoomiyaha iyo shacabka reer Somaliland ay
gaadhsiindoonaan dhamaan gudiga arimaha debeda iyo gudiyada kale ee golaha
baarlamaanka swedenba.
Ugu danbayntii gudoomiyuhu waxa uu aad ugu mahadnaqay xusbiga Liberaalka Sweden
oo ah xusbigii casuumada u fidyey gudoomiyaha, sidoo kalena hore waxyaaba wax ku
ool ah oo lataabankaro hore ugu qabtay shacabka iyo dalka Somaliland.
Gudoomiyuhu waxa uu isna dhankiisa u fidiyey xildhibaanada casumaad waxaanu ka
codsaday inay yimaadaan Somaliland oo ay indhahooda ku soo arkaan horumarka
layaabka leh ee ay shacabka Somaliland gaadheen.
Markii shirka oo qadar saacado ah socday dhamaadayna waxaa gudoomiyihii iyo
xubnihii shirka ku wehelinaayey loo daadaheeyey qaybta cashosharafyada ee golaha
baarlamaanka Sweden, halkaas oo casuumad heersare ah loogu diyaarieyey
Gudoomiyaha iyo xubnihii la socday. Halkaasna waxaa ka bilaabmay kaftan iyo is
xogwareysi farxad iyo caloolfayoow badan laga daalacanaayey.
Ibrahim Ali Adan (Fp)
Our
porpose is
PEASE,
our password is
FREEDOM,
our aim is
QUALITY
Milgaheennu
waa NABAD,
Furaheennu waa
Xorriyad,
mabd'eenu waa
TAYO