Waxaan rug ku taala Magaalada la yidhaa SIDE ee ku taal Dalka Turkiga ka akhriyay buug la qoray 1540AD oo ka sheekaynaya Magaalada Saylac oo markaa ahayd Casimada JSL. Buuggu wuxuu ku socday Maayorka Magaalada oo la odhan jiray Xuseen. Xuseen fikirkiisii wakhtigaasu, wuxuu ahaa sidii bulshawaynta Somaliland loogu adeegi lahaa, iyada oo aan magacyo iyo qoybo lagu samayn.






Codsi ku socda Xisbaga Kulmiye.

Salaan qiimo badan dhamaan muwaadiniinta Somaliland. Runtii waxaan aad iyo aad u jeclaystay in aan talo kooban u soo jeediyo Xisbiga Kulmiye. Waxaan doonayaa in aan taladayda ku koobo oo kaliya sadex qodob oo aanan halkan ku soo wada qaadi doonin wakhtiga awadii.



1. Xisbiyada qaranka maxaa looga fadhiyaa?

2. Sidee indhaa Caalamku u arkaan Somaliland?

3. Hanka iyo higsiga muwaadinka Somaliland waa sidee?

Aniga oo aan qoralkayga dheerayn doonin, si akhristuhu aanu ugu daalin ama u lumin dulucda talada. Waxaan ku bilaabayaa: qodobka ugu horeeya. Labada qodob ee kale waxaan ka dhigan doonaa mar kale.

1. Xisbiyada qaranka hogaaminta bulsho waynta Somaliland uga fadhido:


Dadka reer Somaliland waxay soo mareen siyaasaddo kala gadisan, laga soo bilaabo 1530 - Ottoman Empire oo dadku ahaa markii ay ugu nolol iyo xadaarad wanaagsanaayeen, marka loo eego wakhtiga iyo waayaha dunida ee markaa jiray. Qarnigaa 15 waxaa uu ahaa qarnigii dadka reer Somaliland ay ugu yeedhi jireen mahdiga oo sida imika ku qoran kutubta gabowday ee taala rugaa kutubta ee Istanbul aad ka dheehan karto. Waxaan rug ku taala magaalada la yidhaa Side ka akhriyay buug la qoray 1540 oo ka sheekaynaya magaalada Saylac oo markaa ahayd Casimada Somaliland. Buuggu wuxuu ku socday maayirka magaalada oo la odhan jiray Xuseen. Xuseen fikirkiisii wakhtigaasu, wuxuu ahaa sidii bulshawaynta loogu adeegi lahaa, iyada oo aan magacyo iyo qoqob lagu samayn. Waxaa kalmadihiisa ka mid ahaa sheekh, shariif iyo kuwa mugdiga ay kaga jirto nolol maalmeedku (waxaan u maleeyay tuugta in uu u jeedo, iwm) in xukunkiisu u dhaxeeyo caadilna u wada yahay, hadafkuna yahay in noloshooda iyo fikirkooda sare loo qaado, taasoo runtii ku dhisnay siyasadda Ottomankii wakhtigaa.


Intaasi waa iga yara xusuusin taariikh hore. Haddaan ku bilaabo xogtan aan ka ururiyay muwaadiniinta Somaliland dhexdeeda aniga oo eegaya, Xisbiyada qaranka maxaa looga fadhiyaa?". Bulsha waynta Somaliland waxay uga fidhiyaan xisbiyada qaranka qodobada hoos ku qoran:



Dadku wuxuu doonayaa:


Hogaan ku dhisan u dhaxayn muwaadiniinta oo dhan

Hogaan noloshooda mustaqbalka u horseeda wanaag

Hogaan bulshawaynta dhex dhiga muxibo iyo wax wada qabsi

Hogaan xaq soor ku dhisan oo dadka u dhaxeeya

Hogaan bulshada isku mila oo tusa dantooda

Hogaan abuura is aaminid

Hogaan kaska dadka sare u soo qaada xag kasta

Hogaan dadka u horseeda dhaqaale xorow qof waliba noolaan karo

Hogaan keena daba kawarwar laan siyaasadeed, aqooneed iyo dhaqaale

Hogaano keena tartan siyaasadeed oo nadiifa iyo xalaala iyaga dhexdooda

Hogaano marwalba ka heshiisa danta dalka iyo dadka (Denta Guud)

Madaama bulsha waynta Somaliland ku sifeeyeen aragtidooda qodobadan sare iyo qaar kale oo badan. Maxaa looga baahan yahay Xisbiyad qaranka Somaliland?



Waxaa looga baahanyay:


Masuuliyiinta dadka hogaaminayaa in ay ahaadaan qaar aqoon u leh xilkooda, Qabyaaladi ka reebantay

Masuuliyiinta dadka hogaaminayaa in ay arkayaan mustaqbalka fog, Qabyaaladi ka reebantay Masuuliyiinta dadka hoigaaminayaa in aanay u soo galin siyaasada hunguri ee ay hadaf u soo galaan

Masuuliyiinta dadka hogaaminayaa in ay kobciyaan Demoqraadiyada, Qabyaaladi ka reebantay

Masuuliyiinta dadka hogaaminayaa in ay ka reebnaadaan hadalhaynta Qabyaalada

Masuuliyiinta dadka hogaaminayaa waa in ay la yimaadaan rajo mustaqbal.
Runtii intaa waxaan uga Socdaa waxaa dhawaan bulsha waynta Somaliland ka xumaatay in xisbi siyaasadeedka Kulmiye qaar ka mid ah afkooda laga maqlo qabyaalad iyo reer hebel baa noo soo galay. Waxaa dhawaan dhacday in masuuliyiinta Kulmiye qaar ka midi ku hadaaqayeen reer Hebel baa noo soo galay ama reer Hebel waxaanu iyana u diray fariin.

Bulshawaynta Somaliland waxay sas ka qabtaa qabyaalad Kulmiyana inta uu afka kala waxo in qabyaaladi ka soo baxdaa waa ku gaf dalka iyo dadka. Aniga oo og in Xisbi Qarameedka kulmiye ay ka buuxaan dad badan oo runtii og danta

Hadaan tusaale u soo qaato dhacdadan u danbays ee Hargeisa ka dhacday waa laga yaabaa inta dad u yimaadeen madaxda Kulmiye qaar ka mida ah in ay yidhaahdeen waxaanu nahay reer Hebel oo waanu idinku soo biiray. Waxaa dadkeenu uga fadhiyaa Kulmiye iyo Axsaabta kaleba in ay dadka saxaan oo ay u hogaamiyaan dariiqa wanaagsan ee loodoortay. Waxaa ku haboonayd Kulmiye in ay yidhaahdaan ma tihidin qabiil ee waxaad tihiin hebel iyo hebel.

Halkaa waxaa ka muuqata in aqoonta madaxdaa qabiilka horbooday aanay ahayn qaar ku sifoobay aqoon ahaan madaxda Bulsha waynta Somaliland sugayso. Kulmiye waxaanu uga fadhinaa inuu dhagta ka calaamadiyo kuwaa noocaas ah.

Hadaan tusaale u soo qaato naftayda oo aan anigu isbarbar dhigo Masuuliyiinta kulmiye ee ku hadaaqay kalmado ka soo horjeeda masuuliyada ay dalka u hayaan. Waxaan soo qaadanaya tusaalahan.

Hadii uu shaqada iigu yimaado qof ama dhawr qof oo aan masuul u ahay iina keenan wax ka baxsan waxaan masuulka ugu ahay; waa in aan is hortaagaa kuna hogaamiyaa xaga saxa ah una sheegaa waxa la higsanyo iyo meesha loo socdo. Iga rumayso hadaan u dhaqmo sida masuuliyiinta Kulmiye qaar ka mid ah oo kale aroorta ku xigta waxaan waayayaa shaqadayda oo waxaa laygu qaadaya "xil qaloocin iyo xirfad laaan".

Waxaan ka codsanyaa oo aanu marti uga nahay xisbiga Kulmiye in ay joojiyaan qabyaalada ka soo baxaysa afka qaar ka mid ah xubnahooda. Bulsha waynta reer Somaliland waxay u Hanwaynyiin Xisbiyada oo ay uga fadhiyaan Tartan xalaala,

hogaamin fiican iyo hagid toosan. Si loo gaadho hadafka xilka loogu igmaday.

Engineer: Abdi Abaillahi Ibrahim

Gudoomiyaa Xubnaa Europe Xisbiga UCID


Sweden

a_privat2@hotmail.com


Engineer: Abdi Abaillahi Ibrahim
Gudoomiyaa Xubnaa Europe Xisbiga UCID Sweden
a_privat2@hotmail.com


 

 

Ucidprty cadami

 



Go back to the main page