Xisbigu wuxuu hirgalin doonaa, Haddii Alleh
Yidhaahdo siyaasadda dhaqaalaha ee suuqa xorta ah (Free Market Economy),
isagoo isla markaana aan faraha ka laabanayn siyaasadda dhaqaalaha una
ogolaanayn inuu habka faraka-qaadka ah (Laise Faire) uu hirgalo.
Xisbigu wuxuu hirgelin doonaa kuna dadaali doonaa inuu sameeyo habka
dhaqaalaha ee loo dhan yahay (inclusive policy) tiiyoo muwaadin
kastaba oo Reer Somaliland ahiba uu heli doono saamigiisa dhaqaale.
Si dalka la isugu xidho dhaqaalihiisana lawada
wadaago, wuxu xisbigu u hawl geli doonaa in muddo shan sano ah uu
isku-xidho magaalooyinka waaweyn ee gobolada iyo degmooyinka oo dhan,
isagoo samayn doona wadooyin laamiya iyo kuwo caro-tuul ah,
islamarkaana hor marin doona garoomada diyaaradaha, dekadaha iyo
khadka isgaadhsiinta ee telefoonada, wuxuu xisbigu daryeeli doonaa
dadka hanan kari waayey maalin-nololeedkoodii sida, dadka waaweyn,
kuwa aan cid lahayn, iyo dadka laxaadka la’.
Wuxuu xisbigu u hawl geli doonaa ugu horayn
waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee daryeelka bulshada isagoo kaalin
laxaad leh ka qaadan doona ogaanshaha, iyo la socodka arimaha
dhaqaalaha siyaasadda, bulshada, tacliinta, isgaadhsiinta iyo
guud-ahaanba kor u qaadida wacyigelinta bulshada.Wuxuu kaloo xisbigani
ka shidaal qaadandoonaa ugu horeyn baahida bulshada oo ay ugu horayso
saddexda "H"da ka kaca sida, Hoyga, Hunguriga iyo Huga oo
asaas u ah daryeelka bulshada.
Maadaama uu dhaqaalaha uu ku fadhiyo xoolaha nool
dadkeenuna u badan yahay Reer guuraa, xisbigu wuxuu gacan weyn siin
doona kobcinta daryeelka iyo dhaqaaleynta Reer-guuraaga, isagoo u hawl
geli doona siduu u furi lahaa baanka horumarinta Reer-guuraaga (Rural
Development Bank). Si looga ilaaliyo dadka Reer-guuraaga ah iyo
Beeralayda ah ee ku soo qulqulaya magaalooyinka waaweyn. Wuxuu xisbigu
hirgalin doonaa siyaasado ballaadhan oo ku waajahan horumarinta miyiga
(Rural Development) taasoo iska hor istaagi doonta in dadku ku soo
qamaamo magaalooyinka.
Xisbigu wuxuu ku talin doona in la sameeyo
Wasaarada Bulshada iyo Horumarinta Awooda Bini’aadamka (Ministry of
Social and Human Resources). Wasaarada oo la socondoonta bahida
mujtamaca dan-yarta ah isla markaana ka shaqayn doonta horumarkooda
iyo kor u qaadista waxbarashadooda iyo caafimaadkooda. Waxa la dhisi
doona Hay'ad madax banaan oo ku tiirsan aqoonyahaniin sare oo dusha ka
ilaaliya la socodka wasaaradaha (Monitoring Committee) ilaaliyana
tayadooda iyo kartidooda. Gudidu waxay soo saari doonaan war-bixin
sanadeed ku saabsan shaqada iyo habdhaqanka wasaaradaha, hay’adaha
dalka iyo wasiirada dowlada iyaga oo isla markaana soo jeedindoona
talooyin iyo talaabooyin ku haboon.
Waxaa ku wajib ah dowlada in ay ku dhaqmaan
talooyinka gudida. Isla markaana ka qaadaan talaabooyin ku haboon
madaxda warbixintu u sheegto, waxtar la’aantooda amaba cadaalad daro
iyo musuqmaasuq. Wuxuu noqon doonaa warbixin qiimayndoota wax qabadka
hay’ada dalka siiba kuwa dowlada.
Xisbigu wuxuu ka digtoonaan doonaa in dhaqaalalaha
la iskugu-soo ururiyo caasimada iyo magaalooyinka waaweyn ee gobolada,
waxaanu xooga saari doonaa sidii loo kobcin lahaa, loona hor-marin
lahaa dhaqaalaha magaalooyinka yar-yar. Inagoo Illaahay inagu
manaystay xeeb dheer, hase ahaatee dhaqan ahaan aanaynu ka
faa`iidaysan, wuxuu Xisbigu ku dadaali doonaa sidii loo horumarin
lahaa magaalooyinkeena xeebaha ku yaala, loona samayn lahaa meherado
iyo mashaariic ku xidhiidha kheyraadka badda, xisbigu wuxuu baadi
dooni doonaa habkii uu u kabi lahaa kaluumaysatada, beeralayda, iyo
xoolo-dhaqatada si dadku ugu laabtaan hab dhaqameedadoodii.
Xisbigu wuxuu hirgalin doonaa siyaasadda abaabulka
mujtamaca si looga faa´iidaysto bulshada, loona mideeyo isla markaana
loo faa´iideeyo, wuxuu markaa Xisbigu samayn doonaa waxbarasho
Qiimajeedu (Value) sareeyo iyo wacyi galin iyo baraarujin joogto ah (Education
& Public Awareness) Xisbigu wuxuu sameyn doonaa siyaasad furan oo
uu kula dhaqmi doono shacbiga iyo dawladaha jaarka ah, isagoo soo
dhaweyn doona saaxiibtinimada dawlada dalka Itoobiya oo aynu wadaagno
dal iyo dadba.
Wuxuu Xisbigu dhiiri galin doonaa in dalka aynu
deriska nahay ee Geeska Afrika gaar ahaan Ethiopia, in lala wadaago
mashaariic lagu horu marinayo dhulka loo yaqaano (Hawd and Reserve
Area) ee soonaha shanaad. Xisbigu wuxuu maalgelin weyn ku samayn
doonaa dekeda Berbera si ay u noqoto deked ay ka faa'iideystaan
wadamada Bariga Afrika ee aan bada lahayn, isagoo iskaashi la yeelan
doona dalalka Eeshiya, gaar ahaana Hongkong oo aqoon dheer u leh
isticmaalka dekedaha.
Inagoo ku jirna casriga loo yaqaano Casriga
Tiknoolejiga wuxuu Xisbigu ku dadaali doonaa sidii dadka
Reer-Somaliland ay u baran lahaayeen IT isgaadhsiinta casriga ah,
isagoo maalgelin badan gelin doona Jaamacadaha Somaliland, Dugsiyada,
samayna doona Macahadyo cilmi baadhiseed, xisbigu wuxuu samayn doona
magaalooyin u khaasa cilmiga Tiknoolajiga oo xisbigu soo jeedin doono
in laga dhigo (High Technology Centre) ama xarunta cilmi-baadhista
cusub.
Xisbigu wuxuu xooga saarayaa siduu u soo saari
lahaa jiil cusub oo Reer-Somaland ah oo ku qalabaysan cilmigan cusub,
isagoo islamarkaana ka shaqayn doona, siduu u sahli lahaa bulshada
Somaliland inay xidhhiidh la yeelato Farsamada iyo isgaadhsiinta cusub
ee Internet-ka.
Xisbigu wuxuu dadaal lama huraan ah u geli doonaa
sidii uu u yarayn lahaa ama u joojin lahaa isticmaalka Qaadka
mustaqbalka isagoo isla markaana olole wacyi gelina ku samayn doona
guud ahaan bulshada sidii ay uga fogaan lahaayeen wax alla wixii
khatar Diineed, caafimaad maskaxeed iyo jidheedba u geysanaya oo loo
fahamsiiyo dadweynaha wixii horumar iyo waxqabadba u keeni kara.
Xisbigu wuxuu si lagama maarmaan ah xooga u
saarayaa sidii Bulshada Reer-Somaliland u fahmi lahaayeen wacyiga iyo
wergelinta xilligan casriga ee aan ku jirno, taasoo keenaysa
tiigsimaad nolol hor leh iyo wax soosaar dhab ah oo loo midaysan yahay,
taasina waxay tilmaamaysaa tallaabo hor leh oo loogu gogol xaadhayo
horumarinta iyo la socodka waaqiciga dunida iyo lafgalkeeda.
Xisbigu wuxuu marwalba tixgalinayaa xoogaynta habka
dhaqan-dhaqaale iyo horu socodka dhaqaale kasoo ka ambaqaadi doona
xalaaleynta dhaqaalaha wanaagsan ama isku dhafan (Mixed Economic) iyo
xaaraamaynta dhaqaalaha xun ee xakamaysan (Monopoly). Xisbigu wuxuu
daaha ka furayaa soona bandhigi doonaa qaab casriya oo ku wajahan
siyaasadda dhaqaalaha oo looga faa´iidaysanyo wax soosaarka bulshada,
isla markaana la xoojinayo casriyeynta wax soosaarku ka kooban yahay
sidii looga shaqayn lahaa loogana faa’iídaysan lahaa khayraadka
dabiiciga ah ee dhulka iyo manaafacaadkiisa kala duwan.
Xisbigu wuxuu dhiirigelin doonaa madaxbanaanaynta
dhaqaale ee gobol, degmo, iyo tuuloba, isagoo xor uga dhigi doona in
degmo kastaaba ay qorshaysato siyaasadeeda kobcinta dhaqaalaha, una
madax banaanaato in ay urursadaan canshuurahooda, islamarkaana ay
dawlada dhexe kobcin doonto wixii ka badan awoodooda. Xisbigu wuxuu
diyaarin doonaa qorshayaal cusub oo lagu soo celinayo baadkii iyo
doogii iyo sidii loogaga hortegi lahaa xaalufka iyo nabaadguurka,
waxaana laga shaqayn doonaa sidii si buuxda looga faa’iideysan lahaa
roobka iyo biyaha dalka, lagana horjoogsan lahaa in biyahaasi ku
qulqulaan bada, waxa kale oo xisbigu gacan weyn ka geysan doonaa dib u
dhiraynta dhirta iyo ilaalinta kaymaha.
Wuxuu xisbigu ku dadaali doonaa dib u soo celintii
ugaadha iyo duur-joogta, taasoo la samayn doono seero lagu ilaaliyo
ugaadha iyo kaymo u gaara (Conservation).
Iyadoo dalkeenu ku caan baxay dhaqanna u noqotey in
dhaqaalaheenu ku tirsanaato xoolaha oo keliya iyo suuq kaliya wuxuu
xisbigu dadaal u geli doonaa siduu u samayn lahaa ilo dhaqaale oo kala
duwan islamarkaana suuqyo kale duwan loo heli lahaa kuwaas oo haynaan
loo sameyn lahaa. Xisbigu wuxuu hirgelin doonaa, dhiirigelin doonaa,
horumarin doonaa khayraadka dalkeena, ka beriga iyo ka badaba, waxaa
kale oo xisbigu maal-gelin doonaa soosaarida shidaalkeena iyo macdanta
dhulkeena ee Ilaahay inagu manaystay islamarkaasina wuxuu horumarin
doonaa Beeyada iyo Fooxa ee ka buuxa gobolka Sanaag.
Xisbigu wuxuu dhiirigalin doonaa samaynta warshado
Hilib iyo qaar Kaluun si aynu ula tar-tano wadamada kalluunka iyo
xoolaha dhoofiya.
MAAL-GELINTA SHISHEEYE
Xisbigu wuxuu dhiirigalin doonaa soona dhawayn
doonaa maalgelinta shisheeye isaga oo diyaar gareyn doona sharciyo iyo
xaalad dabacsan oo soo jiidata maalgelinta shisheeye. Xisbigu wuxuu
xooga saari doonaa sidii loo dhiirgelin lahaa dhoofinta wax soosaarka
qaranka isagoo soo saari doona sharciyo lagu yaraynayo cashuuraha
alaabta la dhoofiyo, si ay uga faa´iideystaan uguna dhiiradaan
tijaarta wadaniyiinta ahi.
Xisbigu wuxuu hirgelin doonaa isticmaalka
waxsoosaarka qaranka (national production) isagoo isla markaa aan
lumineyn tartanka alaabta shisheeye, tiiyoo kor loo qaadi doono ama
laga shaqayn doono kor u qaadida tayada iyo tirada alaabta wadaniga
ah.
Xisbigu wuxuu ku dadaali doonaa in dadka ka bedelo
habkii ku dhisnaa wax soo dejiska (Import) una jihayn doono siyaasad
ku dhisan wax dhoofin "Export", si loo kobciyo dhaqaalaha
wadanka. Si loo helo loona hirgaliyo qorshahaasi dhaqaale, wuxuu
xisbigu samayn doonaa Wasaarad Maaliyadeed oo adag kuna qalabaysan
khubaro ku xeel dheer dhaqaalaha iyo Bangi Dhexe oo madax banaan.
Labada hay’adood oo xilkoodu ahaan doono
ilaalinta iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland kaasoo wax weyn ka
bedeli doona horumarka siyaasada dhaqaale ee bulshada. Dawladu waxay
dusha ka ilaalin doontaa suuqa dhaqaalaha iyadoo u dayn doonta in uu
iskii u rog-rogmo isla markaana aan gacmaha ka laaban doonin inuu
fakado, tiiyoo markii loo baahdo gacan kooban saari doonta, marka loo
baahdana xakamayn sahlan isticmaali doonta.
In kastoo xisbigu dhiiri-gelin doono lahaanshaha
gaar-ahaaneed hadana ma jiraan wax ka mamnuuci doona in dawladu
yeelato Hay´adaha ay u aragto inay faa’íido ku jirto in dawladu
yeelato.
Maalgelinta shisheeye wuxuu xisbigu ka ilaalin
doonaa inay khatar ku keento degaanka iyo dhaqanka islamarkaasina
waxay kaloo ka ilaalin doontaa in shirkadaha shisheeyuhu ay
dhiigmiirtaan shaqaalaha wadaniga ah, iyagoo u qeexi doona qiimaha u
yar ee mushahareed ee lagu shaqayn karo.
Xisbigu wuxuu kaloo dhiirigalin doonaa inay
samaysmaan ururo shaqaale oo ilaaliya danaha shaqaalaha wadaniga ah,
xisbigu wuxuu xooga saari doonaa si uu ilaalin lahaa heerka
nabadgelyada ee shirkadaha shisheeyaha si ayna khatar u gelin
caafimaadka iyo nolosha shaqalaha wadaniga ah.
Xisbigu wuxuu kaalin xoog leh uu ka gaysan doonaa
sidii uu u kala dooran lahaa shirkadaha dhabta ah ee si wax ku ool leh
ugu qabanaya dalka iyo kuwa kale ee lugooyada iyo wax qabad la´aanta
wada, sidaas darteed waxa lagama maarmaan ah in ururku ku hawlanaan
doono sidii maalgelin badan looga heli lahaa debedaha iyadoo loogu soo
dabaalayo wax ka qabashada wadanka.
Xisbigu waxaa kale oo uu la dagaalami doonaa
musuqmaasuqa, qaraaba-kiilka, eexda, mid toosan iyo mid dadban,
ficiladaas oo dhaqaalaha naafayn kara. Waxa la samayn doonaa hay’ado
u qalabaysan la dagaalanka xatooyada xoolaha dadweynaha iyo waxyeelida
dhaqaalaha.
Waxa la samayn doonaa in la shaqaaleeyo dad ku caan
ah daacadnimo, islamarkaana khibrad u leh hawlahooda, iyadoo xul adag
lagu samayn doono dad ka shaqaynaya ilaha dakhliga dalka, tiiyoo la
baadhi doono aqoonta shakhsiga, damiirkiisa, diintiisa, balwadiisa iyo
hab-dhaqankiisa (Life Style).
Xisbigu wuxuu u hawl geli doonaa sidii dhamaan loo
shaqaaleysiin lahaa muwaadiniinta Reer-Somaliland, ee aan hawlgabka
ahayn, iyadoo markastana xirfadooda kor loo qaadi lahaa si ay ula
socdaan isbedelka Tiknoolajiga (ee siyaasada Waxbarashada ee xisbiga).
Ugu dambayn wuxuu xisbigu dadaal u geli doonaa
sidii Somaliland looga dhigi lahaa quwadda dhaqaalaha ee Afrikada Bari
(Economic Power House of East Africa). Iyadoo xeebaheena Saylac,
Lughaya, Xiis, Maydh iyo Laas-qoray laga hirgelin doono dekedo carsi
ah, dekadda Berberana looga dhigi lahaa badhtamihii baayacmushtariga
ee Bariga Afrika (Hup of East Africa).
Inagoo ka faa´iideysaneyna bogcadeena Ilaahay
inagu abuuray, waxaynu ka shaqayn doonaa sidii Somaliland u noqon
lahayd Biriijka isku xidha Eeshiya, Afrika, Yurub iyo Amerika.
Wuxuu xisbigu ku dadaalii doona in muddo shan sano
dexdood ah laga simo sidii dadka ku nool magalooyinka waweyn iyo kuwa
yar-yar loo siin lahaa biyo nadiif ah. Si loo yareeyo cudurada
shubanka iyo dhimashada caruurta reer Somalinad.
SIYAASADA WAXBARASHADA EE XISBIGA
Si loo dhiso Bulsho hanaanka barnaamijka xisbiga,
isla markaana dhista mujtamc iyo dal casri ah wuxuu xisbigu galindoona
dhaqaale badan waxbarashada dalka. Xisbigu wuxuu ku dhaqaaqii doonaa
in loo helo waxbarasho ilma-kasta oo reer Somaliland ah, ugu
dambayntana waxa xisbigu ku dadaali doonaa in qasab laga dhigo
waxbarashada ilaa fasalka sideedaad.
Xisbigu wuxuu u taaganyahay sidii loo hirgalin
lahaa waxbarasho ka soo jeeda dhaqanka diinta Islaamka, taas oo qofka
ka dhista dhinaca Imaanka, Islaam ahaan, qof ahaan, taas oo qofka
horumarisa bartana nolasha fiican iyo habkaa toosan ee mujtamaca kula
noolaan lahaa kuna ilaalinlahaa xuquudiisa iyo waajibka ka saaran
ilaalinta iyo difaaca Diintiisa iyo Dalkiisaba. Xisbigu wuxuu u taagan
yahay sidii dalka looga hirgalin lahaa waxbarasho ku salaysan wax
soo-saar iyo tignoolajiga cusub. Tacliin aan ku fadhiyin wax ku cun ee
ku salaysaan wax ku kordhi, waxbarasho tayo iyo tiraaba leh.
Xisbigu wuxuu u taagan yahay sidii looga hirgelin
lahaa waxbarashada dadka heer tuulo, degmo iyo gobolba. Xisbigu wuxuu
ka shaqayn doonaa sidii waxbarashada loo gaadhsiin lahaa reer guuraaga,
iyadoo la samayn doono waxbarasho ka mas’uul ah waxbarashada reer
guuraaga. Waaxda waxa laga dhigi doonaa waaxda ugu mushaharka badan
wasaarada, iyada oo dhinaca kale macalinku ka mid noqon doono dadka
degaanka lana bari doono howshan deegaanka, uu noqon doono shaqaalaha
ugu mushaharka badan Somaliland.
Xisbigu wuxuu ka dhigi doonaa waaxda waxbarashada
reer guuraaga mid socota (Mobile Education Unit). Waaxdaas waxa lagu
qaabili doonaa qalabka waxbarashada ee casirga ah iyo macalimiin si
gaar ah loo soo tababaray. Xisbigu wuxuu xooga saari doona sidii wax
loo bari lahaa ilma-kasta oo reer Somaliland ah meel kasta ha joogee.
Xisbigu wuxuu u taagan yahay in Jahliga laga dhameeystiro Somaliland
sida ugu dhakhsaha badan si looga baxo Faqriga iyo Baahida oo ah
hooyada xumaanta iyo dhanbiga.
Xisbigu wuxuu hubin doona waxbarashada caruurta ka
soo jeeda guryo hanti yar iyo dadka laga tirada badan yahay. Waxaa la
caawindoonaa caruurtaas waxbarasho bilaash ah, lacag la’aan ah,
marka la hubiyo in wax la’aantu ka dhab-tahay. Isla markaa waxa
dawlada ku waajib ah in ay tiro cayiman u banayso Jaamacada iyo
meelaha waxbarashada sareba caruurta faqiirada iyo dadka laga
badanyahay.
Xisbigu wuxuu ku dhaqaaqi doonaa sidii loo
casriyayn lahaa farsama yaqaaniinta dhaqan sida (traditional skills)
tumaalaha iyo kabatolayaasha, loogana saari lahaa magac xumadii badaw
nimo ee sarneed.
Xisbigu wuxuu sameyn doonaa barnaamijyo iyo
mashaariic u gaar ah horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo hoy’ga
mujtamaca laga badan yahay ee hore loo yasi jiray. Waxaa laga shaqayn
doonaa sidii loogu abuuri lahaa isku kalsooni iyadoo dinaca kalena la
hormarin doono hantidooda iyo wax lahaanshahooda. Waxaa la qaadi
doonaa olole diineed oo sharaxaysa ka soo horjeedka Diinteena Suuban
ee yasida muslimiinta iyo dadkaba guud ahaan.
Xisbigu wuxuu dhiiri gelin-doonaa waxbarashada
furfuran ee aan ku soo ururin hal meel (Decentralized Education
system). Tiiyoo Waxbarashada sare ee dalka aan hal meel amaba laba
meelood lagu soo koobayn, Gobol kastana waxa laga hirgalindoonaa
waxbarashda sare ee ku haboon, isla markaa waxa la sameyn doonaa
magaalooyin u khaas ah Cilmiga Cusub iyo Tiknoolajiyada. Xisbigu wuxuu
samayn doonaa Machadka Tiknoolajiga "Institute of
Technology", kaas oo khaas u noqon doona horumarinta Sayniska iyo
Cilmiga Cusub. Xisbigu wuxuu uu ugu deeqi doonaa lacag badan si loo
dhiiri galiyo cilmi barayaasha Somaliland.
Si looga saaro mugdiga bulshada, xisbigu wuxuu
xooga saari doonaa barashada Kitaabka Kariimka iyo Xadiisyada Rasuulka
SCWS. Si loogu ababiyo caruurta Somaliland Diintooda iyo Sunaha Nabiga
suuban SCWS, xisbigu wuxuu casriyayn doonaa mal-caamadaha Qiraanka,
iyada oo la tababari doono macalimiinta isla markaana mushahar loo
qori doono.
Xisbigu wuxuu xooga saari doonaa sidii loo dhisi
lahaa Dugsiyada Farsamada si looga maarmo farsamayaqaaniinta
shisheeyaha ee ka qaada shaqada muwaadiniinta Somaliland. Waxa la
diyaarin doonaa dugsiyo wax lagu baro shaqaalaha, shaqaalihii
mutaystay shahaado dugsi, ay wajib noqondoonto xaqna u lahaandoonto in
mushaharka loo kordiyo isla markaana la dalacsiiyo.
Xisbigu wuxuu samayn doonaa machadyo takhasus ah oo
shaqaalaha aqoontooda kor loogu qaado, wuxuu maalgalin weyn ku
samayndoono dugsiyada lagu baranaayo horumarinta xoolaha iyo reer
guuraaga.
Xisbigu wuxuu hirgalindoona barnaamijka iyo habka
waxbarasho ee furfuran, tiiyo degmo kastaba ay xaq u yeelandoonto
talada dugsiyada. Waxa hagida iyo go’aamada dugsiyada wax
lagasiindoonaa waalidka ardayda iyo duqeyda degmada
Xisbigu wuxuu ku talindoonaa in lakala saaro
dugsiyada wiilasha iyo gabdhaha, tiiyo aynu soo marnay dhibaatadeeda
iyo khasaaraheeda, isla markaana diinteenu ina farayso, wajibna inagu
ah in aynu raacno. Waa wajibka dowlada siiba Wasaarada Waxbarashada in
ay hubiso in hablaha iyo inamada si siman waxbarashada u helaan, si
loga hortago dhaqankii hablaha aanay tacliinta loo wada keeni jirin.
Waxaa iyadana ah masuuliyad wasaaradaha, Diinta, Waxbarashada iyo
Caafimaadka ka hortaga iyo joojinta Gudniika Fircooniga ah.
Waxaa xisbigu u taaganyahay sidii wax loo bari
lahaa, caruurta INDHA IYO DHAGAHA LA'. Waajib culus oo khaas ah ayaa
ka saaran dowlada iyo bulshadaba sidii wax loo bari lahaa dadka
laxaadka la’ iyadoo loo samaynayo dugsiyo iyo meelo waxbarasho oo u
khaas ah.
Waxbarashada dalka waxaa ka masuul ah dowlada,
meelaha waxbarashada sida mal-caamadaha, dugsiyada, jaamacadaha iyo
meelaha cilmi baadhista oo dhan waxay hoos iman doonaan dowlada. Waxaa
la ilaalin doona tayada waxbarashada iyo casriyaynta habka waxbarasho.
Si aanay u soo bixin dugsiyo mujtamac wanaagasanyahay amaba laga aduun
badan yahay iyo dugsiyo kuwa aduunka badan. Waxaa lagu dhaqaaqi doona
sidii loo tirtiri lahaa aqoon-darada, tiiyoo la samayndoono waxbarasho
dadka waawayn. Waxaa lagu xidhi doonaa shaqaalaha wax qorka iyo wax
akhriska si loogu qasbo waxbarashada.
Xisbigu wuxuu xoojin doonaa, dadka degaanka si ay
gacan ugu yeeshaan talada waxbarashada ubadkooda iyo wadida dugsiyada
degmadooda. Xisbigu wuxuu culays saari doona sidii ardayda Somaliland
loo bari lahaa taariikhdii madoobayd ee ka soo martay midawgii
Somaliland iyo Somaliya. Xasuuqii maamulkii Siyaad Barre ee
adeegsanayay dadka Somaliya ay u gaysteen dadka reer Somaliland. Si
aanay mar dambe ugu dhicin mujtamaca Somaliland in ay qaataan
talaabadii qaladka ahayd ee 60kii, waxaa lagu nuux-nuuxsan doona kala
duwanaanta dhaqan iyo caado ee bulshada Somaliland iyo Somaliya.
Xisbigu wuxuu dhiirigalin doona waxbarashada diinta
Islaamka tiiyoo maclinka diintu ka mushahaaro badan doono maclimiinta
kale. Waxa qasab noqon doonta in ardaygu shahaadada heli doonin hadii
aanu gudbin madaada diinta.