Somaliland Today: Challenges and Opportunities.
S E M I N A R




Falkenberg (ucid) Magaalada Falkenberg ee ku taal dacalka xeebta galbeed ee dalka Sweden ayaa waxa ka dananay codad qurux badan oo ay lahaayeen hablo yar yar oo si qurux badan loogu soo labisay, uuna si cad uga dhex muuqanayey midabada calanka Somaliland ee casaan, caddaan iyo cagaar.

Haddaba dhacdadani waxay ka mid ahayd seminar si heer sare ah loo soo agaasimay oo sabtidii shalay ahayd 11-ka oktoobar ka dhacay magaalada Falkenberg.



Seminar-kan oo ahaa. Somaliland Today: Challenges and Opportunities.
Waxa ka soo qayb galay dad u dhashay dalka Sweden oo dhawr jeer hore u booqday Somaliland iyo ururo samafal ah oo mashaariic ka wada Somaliland.
Ugu horrayntii waxa seminarka furay Eng.Nasir Xaaji Cali Shire oo ah Guddoomiyaha Jaalliyadda Somaliland ee magaalada Falkenberg, ahna Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee yurub oo martida iyo ka soo qayb galayaasha ku soo dhaweeyey seminarka, una rajeeyey in seminarka ka soo baxaan talooyin wax ku ool oo ka turjumaya magaca uu xanbaarsan yahay.
Mar labaadkii waxa lagu soo dhaweeyey mikirifoonka wakiilka Sharafeedka Jamhuuriyada Somaliland ee Sweden Mr. Xuseen Wadadyare. Wuxuuna si ballaadhan uga warbixiyey la soo noqoshada xornimadii iyo farqiga u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia.
Soo dhawayn tan la mid ah waxaa isna halkaa ka soo fidiyey Duqa magaalada Falkenberg Mr. Bill Andersson oo erayo soo dhawayn iyo dhiirigelin isuga jira soo jeediyey.



Martida seminarka isugu timi oo gaadhaysay illaa 100 oo isugu jira Swedish iyo jaaliyadaha Somaliland ee ku filiqsan dacalada Sweden ayaa waxa dareenkooda si la yaab leh u kiciyey mar keliya markii ay hoolka seminar-ka soo galeen koox hablo iyo wiilal isugu jira oo ku labisan calanka Somaliland, tasoo sacab iyo sawaxan lagu soo dhaweeyey. Waxaanay haalkas ka qaadeen heesta “Somaliland dadkayga ……. Somaliland dalkayga”…
Hablahaas oo aan weligood arag Somaliland, isla marakaana da’doodu u dhaxayso 7 - 11 sano, waxay si macaan oo xusuus reebtay u qaadeen oo kale heeso afka sweddish-ka ahaa oo aad loola dhacay.

Dabadeed, waxa halkaa warbixintii u dambaysay ee xaaladda dhabta ah ee Somaaliland ka soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mr. Faisal Cali Waraabe oo isaga si gaar ah seminar-kan loogu casuumay.
Mr. Faisal wuxuu faafaahin xoog leh ka bixiyey waxa Somaliland u qabsoomay iyo himilooyinka ay higsanayso iyo waxayaabaha ay u baahan tahay in laga taageero.

Xubnaha ajnabiga ahaa ee shirkan ka hadlay si ballaadhan oo qoto dheer una sheegay waxay Somaliland qabsatay ayaa waxa ka mid ahaa:



1. Mr. Peter Kool oo xubin ka ah Golaha degaanka magaalada Gothenburg, isla markaana ka tirsan xisbiga Folk party. Wuxuu halkaa ku soo bandhigay filim uu ka soo qaaday doorashooyinkii ka dhacay Somaliland oo uu ka soo qayb galayaasha ugu soo bandhigay sida ay Somaliland ugu bislaatay diimoqraadiyadda iyo dadka reer Somaliland oo safaf dhaadheer taagan 5:30 aroornimo illaa 6:30 galabnimo. Mr. Peter wuxuu ku dheeraaday maraaxilkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay.
2. Mr. Håkan bergström oo ah weriya wax ku qora wargeys caan ah oo ka soo baxa magaalada Falkenberg oo isuguna tegay dhawr jeer Somaliland, kana mid ahaa goobjoogayaashii caalamiga ahaa ee ka qayb galay doorashooyinkii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Mr. Håkan wuxuu madasha ka caddeeyey inuu saaxiib run ah la yahay Somaliland.
3. Mrs. Barbara oo ku hadlaysay afkii Mariane Skoog oo ka socotay dugsiga Gårdsten International School oo hore booqasho ku tagtay Somaliland. Isla markaana dugsigan lala soo walaaleeyey dugsiga Cali Ibraahim ex. Biyo dhacay ee ku yaalla magaalada Hargeysa. Waxaana ay bishan Octobar diyaar u yihiin inay mar kale ku laabtaan Somaliland.

Ururada dhinaca samafalka ahaa waxaa ka hadlay goobtaas:

1. Somaliland Registration System oo ah urur wada hawl aad u ballaadhan oo ah sidii dadka reer Somaliland loogu samayn lahaa nidaam casriya oo suga tiro koobka doonyada, diiwaan geliyana dadka, sameeyana kaadhadhka aqoonsiga. Waxay tilmaameen in loo baahan yahay in waddo kasta oo magaalooyinka somaliland dhex martaa la magaceeyo, loona samaynayo guri kasta tiro. Ugu dambayntana la dhigaayo kombiyuutarro waaweyn oo dadka lagu diiwaangeliyo goob kasta. Kuwaas oo sahlaya statistics-ka Somaliland si loo qorsheeyo harumarka mustaqbalka. Waxaana u hadlay Eng. Abdi Abdillahi oo ah aqoonyahan ku xeel dheer dhinaca “computer science-ka”. Waxaa la socday Mr. Sven-olov Engström oo hawshan la wada.
2. Somaliland Nordic Relief oo ah urur ay ku bahoobeen jaalliyadaha Somaliland oo Sweden. Wuxuuna mashruuc la wadaa Sooyaalka Burco, wuxuuna dhawaan bilaabi doono mid loogu tala galay dhakhtarka dadka maskaxda ka jirran ee magaalada Berbera. Waxaana u hadlay Mr. Axmed Baxnaan oo ah guddoomiyaha ururka.

Waxaa iyana xusid mudan Mrs. Ifraax Aadan yuusuf oo ka mid ah madaxda golaha degaanka magaalada Växjö ee dalka Sweden ay seminar-kan ka soo qayb gashay, kana soo jeedisay erayo kooban. Mrs. Ifraax waa gabadh aqoon yahan iyo siyaasiyad ah una dhalatay Somaliland oo ku jirta xisbiga Vänster party.



Ugu dambayntii waxaa halkaa lagaga dhawaaqay ururka saaxiibtinamda Somaliland iyo Sweden oo Mrs. Guje Pragert Guddoomiye looga dhigay. Halkaasna erayo kooban oo ay ka jeedisay waxay ku tilmaantay xilka la saaray iyo inay si niyadsami ah u gudan doonto.

Tv-ga Somaliland ee Stockholm ee dalka Sweden oo qayb laxaad leh ka qaatay seminar-kan ayaa isna ka qayb galayaasha u soo bandhigay filimkii “The ambassador” ee hore looga sii daayey TV-ga dalka Koonfur Afrika.
Filimkan wuxuu si qoto dheer uga warramayaa xaalado kala jaad ah iyo dhacdooyinkii kala dambeeyey ee Somaliland.

Runtii seminar-kan wuxuu xusuus ku reebay ka soo qayb galayaashii oo aad ula dhacay, waxaana lagu soo koobi karaa talooyinkii laga soo jeediyey:

1. Waxa la xusay in Gobolada sanaag iyo sool bari xoogga la saaro sidii ay uga dhici lahaayeen doorashooyinka baarlamaanka ee soo socda. Arrintani waxay wax weyn ka taraysaa sidii maamul adag oo tayo leh loogu samayn lahaa goboladaas. Isla markaana dhinaca horumarka ay usoo gaadhi lahaayeen qaybaha kale ee Somaliland.
2. In si dhakhso ah loo joojiyo xeerka saxaafadda ee imminka horyaalla baarlamaanka. Waxay arrintani wax u dhimaysaa magaca iyo sumcadda ay Somaliland ka heshay caalamka ee ay ku leedahay dhinaca saxaafadda xorta ah.
3. In xoogga la saaro sidii aqoonsiga Somaliland marka hore looga dhaadhicin, loogana midho dhalin lahaa wadamada Afrika, gaar ahaan kuwa geeska Afrika.
4. In Somaliland xoogga saarto wershadaynta dalka sidii ganacsi xor iyo dhaqaale buuran ay u abuuran lahayd, maadaama aan imminka hay’adaha UN-ta aanay toos u maal gelinayn dalka.
5. In la sii wado tubta nabadda ee ay Somaliland ku caano maashay, lagana shaqeeyo illaalinta nabadgelyada dalka.
6. In seminar-kani noqdo mid joogto ah oo sannad walba la qabto sidii meel la isugu keeni lahaa awoodda Somalilanders-ka, loogana midho dhalin lahaa.
7. In la adkeeyo oo la dhiso ururka saaxiibtinimada Somaliland iyo Sweden ee lagu dhisay seminar-kan.



Nabad iyo Caano.

cadami,

Stockholm, sweden

 



Go back to the main page