"Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo dhaliil kulul u soo jeediyay Xukumada sheegayna in madaxweynahu faraha kula jiro Barlamaanka”:





 

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Inj. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Madaxweyne Rayaale uu dalka ku maamulayo hab-qabyaaladeed, isla markaana uu jiro gacan-haadis qabiil oo uu ku kala soocayo Xildhibaanada Xisbiga UCID kaga jira Golaha Wakiillada, sidaana wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyay TV-ga madaxa banaan ee Hargeisa Cable TV.

Guddoomiyuhu waxa uu kaga hadlay waraysigaa xaallada guud ee waqtigan dalku ku sugan yahay, iyo hanaanka maamul ee Madaxweyne Rayaale, oo uu ku tilmaamay mid ku fashilmay hoggaaminta waddanka.
Mar uu ka hadlayay gobolada bari ee dalka, waxa uu sheegay in Cabdillaahi Yuusuf uu samaystay khariirad uu sheegay inuu ku hantiyayo dhinaca badda ilaa Karin, oo gobolka Sanaag oo dhan uu qaatay, halka uu ilaa Bali-dhiig-na ka sheegtay. .

Inj. Faysal Cali Waraabe, waxa uu intaa ku daray in dhul muhiim ah, oo ay ku jirto gaasta dabiiciga ahi uu ka mid yahay dhulka haatan Somaliland aanay ka talin. “Sidaa darteed, waxa muuqata in Rayaale ku guuldaraystay inuu ummadan hoggaamiyo, oo waxtar la’aantiisiina ay isu bedeshay inuu shaki galayo inuu dalkan daacad u yahay iyo inkale, oo anigu shaqsiyan aan u qaatay inuu hoosaasinayo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID..

Waxa uu sheegay in haatan ay dalka ka taagan tahay shaqo la’aan baahsan, isla markaana uu xukunka dawliga ahi ku soo ururay gacmo tiro yar, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Xukunkii wuxuu ku soo ururay Rayaale iyo hal nin oo kale. Markaa waxaan ka baqayaa in mar haddii camal la’aantii badatay, gaajadi badatay, nabadgelyadu inay xumaanayso. Waad ogtihiin maalintii dhawayd waxa kacay nimankii askarta ahaa, waxa kacay nimankii macalimiinta ahaa, shacbigu wuu kacay, waxaan ka yaabayaa in shacbigu ku kaco, haddii aanu Madaxweynuhu la iman qorshe cad oo horumarineed.”.

Inj. Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlayay Golaha Guurtida iyo mudada loo kordhiyay, waxa uu yidhi; “Hadda waxa weeye sharci kasta oo Barlamaanku inay Guurtidu eegto, Guurtidiina intooda badani waxba ma akhriyaan. Markaa nin ka mid ah Guurtida oo aan waydiinay marka sharci Barlanaanku [Wakiillada], maxaad qabataan? Wuxuu yidhi; ‘Madaxweynaha ayaanu ula tagnaa inta aanu meesha iska dhigno, ayaanu nidhaahnaa, miyaanu soo daynaa sharcigaa mise waanu qabanaa?”
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in aanay kala caddayn hawsha Madaxweyne .

Rayaale, isla markaanu aanu kala garanayn Madaxweyne iyo Wasiir midka uu yahay. Waxaanu xusay inay wanaagsan tahay dhaqdhaqaaqa ictiraaf raadinta Somaliland, balse aanu muuqan dedaal ay xukuumada talada haysaa ugu jirto arrintaas. “Way wanaagsan tahay arrintan maanta la bilaabay, ee waxa weeyaan, horta waxba umay hagaageen haddii aanay helin (caawin) dadkii reer Somaliland ee meelahaa degenaa. Laakiinse waxa weeye, haddii halkaa laga sii wado way fiican tahay, balse xafiiskii wadi lahaa hawsha ee Waasaradda Arrimaha Dibadu ma shaqaynaysaa? Maya weeye, laakiin, Rayaale ma Madaxweynaa, ma Wasiirka Khaarajigaa, ma Ra’iisal Wasaaraa?” ayuu yidhi Inj. Faysal Cali Waraabe. Isla markaana wuxuu intaa ku daray in aan Somaliland la aqoonsan doonin inta uu dalku kala maqan yahay. “Dal aan xuduudiisii haysan cidina ictiraafimayso.”.


Guddoomiyaha xisbiga UCID, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu kala qaybinayo Golaha Wakiillada. Wuxuuna taas bedelkeeda ku sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay tixgelinta iyo habka dhismaha asxaabta qaranka. “Waxaanu leenahay Madaxweyne ayaad tahaye, Barlamaanka daa, oo qabyaalada ka daa, oo qorshe maamul soo hordhig Wasiiradaada, si ay ugu shaqeeyaan, oo dowlad meel-mara oo tayo leh soo dhis,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraabe, waxa uu taageeray hadal kasoo yeedhay Madaxweyne-ku-xigeenka, kaas oo ku saabsanaa in talo qaran laga yeesho xaallada guud ee dalka. Isla markaana waxa uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin kula taliyay inuu wax-qabad muuqda sameeyo.





Our porpose is PEASE, our password is FREEDOM, our aim is QUALITY
 

Milgaheennu waa NABAD, Furaheennu waa Xorriyad, mabd'eenu waa TAYO
 

 

Ucidprty cadami

 



Go back to the main page