"Xukuumadda Somaliland Ma’aha mid Hadalkeeda la Rumaysan ”:





 

Helsinki (UCID)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali-waraabe, ayaa ku tilmaamay xukuumadda Madaxweyne Rayaale mid aan hadalkeeda la rumaysan Karin, isla markaana caadaysatay magacaabista guddiyo aan waxba ka soo bixin.

“Dawladda [Somaliland] ee haddu ma aha xukuumad hadalkeeda la aqbali karo. Dhowr guddi ayaa hore loo magacaabay, halkee ayey ku dambeeyeen? Guddigii baxsashada Xabsiga Hargeysa, guddigii dhacdadii Dumbuluq iyo guddigii fadeexaddii Cusbitaalka, intaa midna waxba lagama hayo; beentaada hore runtaada dambe ayey wax u dhintaa….” Sidaa waxa yidhi Faysal Cali-waraabe, oo xalay khadka telefoonka Jamhuuriya ugu warramayey isaga oo jooga magaalada Helsinki ee xarunta dalka Finland.

Guddoomiyaha UCID oo ka hadlayey aragtida xisbigiisa ee ku wajahan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo dareenada cusub ee dalka ku soo kordhay, waxa uu yidhi; “Horta waan ka xumahay in arrimahan hadda socdaa ay ku soo beegmaan waqti ay kuwo la mid ahina ka socdaan Xamar [koonfurta Soomaaliya]. Waayo, waxay u ekaanayaan kuwa xaggaa ka socday. Culimadeenuna waa in ay isku kalsoonaadaan oo dhibaatadu maanta oo keliya ma taagnayne in ay ka hadlaan ayey ahayd, iyaga oo ku hadlaya maskax xor ah.” Faysal Cali-waraabe, oo tacliiq ka bixinayey guddiga qaran ee Madaxweyne Rayaale u magacaabay xallinta mushkiladaha qaran ee dalka soo food-saaray, waxa uu yidhi; “Annagu UCID ahaan waannu soo dhoweynaynaa magacaabista [guddiga qaran], horena KULMIYE iyo UCID-ba intaa waxaannu lahayn Madaxweynaha waar talada dalka badso.”

Waxa kale oo Guddoomiyuhu meel adag iska taagay baaqyada ku wajahan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee muddooyinkan dambe ka socday dalka, “Wax beel la yidhaahdo ma jirto, dalkuna xisbiyo ayuu leeyahay. Dadka [beelaha] ku adeegsanaya waxaannu leenahay waxa jira goleyaal la soo doortay, kuwaas ayaana beelaha iyo dadkaba metela.”

Ugu dambayn, Faysal Cali-waraabe oo ka jawaabayey shaqsiyan waxa uu kula talin lahaa Madaxweyne Rayaale, waxa uu yidhi; “Madaxweynaha waxaan kula talin lahaa in uu gogol qaran fidiyo, taas oo lagaga arrinsado duruufaha siyaasadeed ee dalka ka jira. Shacbiga Somaliland uma baahna in kolba lagu mashquuliyo wax aan jirin iyo qof baa wax loo geystay, ee waa in la oggaado oo la soo baadho duruufaha nololeed iyo xaaladaha dhabta ah ee ka jirta jeelasha dalka oo dhan.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo hadda dalka ka sii maqnaa ku dhowaad laba bilood, waxa uu muddadaas socaalo kala duwan ku tegay waddamo ka tirsan qaaradda Yurub iyo dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qaybgalay shir-sannadeed lagaga hadlayey arrimaha Somaliland, kaas oo uu soo qabanqaabiyey ururka SOPRI oo ay ku bahoobeen qurbo-joogga reer Somaliland.

 




Our porpose is PEASE, our password is FREEDOM, our aim is QUALITY
 

Milgaheennu waa NABAD, Furaheennu waa Xorriyad, mabd'eenu waa TAYO
 

 

Ucidprty cadami

 



Go back to the main page