Xisbigu
wuxuu u taaganyahay sidii dalku u yeelan lahaa CIIDAN QARAN oo Quwad
leh kuna qalabaysan Hubka Casriga ah, si aan dalka loo badin loona
hawaysan in laga dhamaysto heshiisayo habrasha ah, oo dalka u dan
ahayn.
Axdiga ciidanka Qaranka waxa u saldhig ah hab
difaaca Qaran oo ka baxsan kana maqantahay siyaasada weerar iyo ku xad
gudub dalalka jaarga ah. Ciidanka Qaranku wuxuu ka mas'uul noqondoonaa
sugidda xuuduudaha dalka: Barri, Bad iyo Cirba. Waxaa ciidanka Qaranka
laga xuli doonaa dugsiyada waxbarashada iyaydoo si gaar ah loo madhan
doono ardayda askariga ah iyaadoo lagu soo jiidan doono nolol fiican.
Xisbigu wuxuu u taaganyayhay sidii ciidanka Qaranku
u noqon lahaa mid lagu faano loona kala baratamo ka mid noqoshadiisa
iyo ka howl galkiisa. Ciidanka Qaranka waxaa laga dhigi doonaa ciidan
caan ku ah Asluub iyo Karti, ciidan xor ah kana maqan loolanka
siyaasada dalka. Ciidan Qaran oo aqoomeed (Professionals). Waxaa la
soo afjari ciidankii ku dhisnaa askar aan waxna qorin waxna akhriyin
(Illiterate Soldiers).
Tirada ciidanka waa la soo koobi ugu badnaan waxaa
laga dhigi ILAA LABAATAN KUN (20,000). Waxaa kor loo qaadi aqoontooda
iyo tababarkooda. Ciidanku wuxuu isha ku hayn doonaa Tignolajiga Cusub
iyo Hubka Casriga ah ee wakhti kasta socda.
Waxaa la dhisi doona Jamaacda amaba Kuliyad ciidaan
oo casri ah kana howlgalaan macalimiin ku xeel dheer cilmiga
Milatariga oo ka soo jeeda muwaadiniin iyo Ajnabiba. Waxaa Xisbigu ka
shaqayndoonaa in ciidanku aanay baran oo kaliya isticmalka hubka
Casirga ah ee la bari doono sida loo sameyo iyo sida u sameeysanyahay.
Waxaa xooga la saaridoona sidii dalkeenu u yeelan lahaa warshado
wadani ah oo soo saara qayb ka mid ah baahida qalab ciidan.
Ciidanku kuma ee kaan doono difaaca dalka ee wuxuu
si hagarla’aan ah uu ku howl gali doonaa horumarinta dalka iyo
casriyayntiisa. Ciidanka waxaa loo samayn doonaa guryo iyo goobo u
gaar ah. Waxaa laga ilalaalin doonaa in ciidanku ku ekaado aqoonta
dagaalka oo kaliya ee waxaa loo samayndoonaa xirfado kala duwan si ay
gacan uga gaystaan horumarka dalka.
Ciidanka Qaranka ee Somaliland waxaa loo tababari
doonaa sidii uu gacan uga gaysan lahaa ciidamada QM (UN) ee ka hawl
gala nabad ilaalinta dalalka ay ka taagan tahay qaab siyaasadeed.
Ciidanka Qaranka Somaliland waxaa ka xaaraan ah in uu ku duulo dal
kale hadii aanay khatar galin jiritaanka iyo nabad gelyada dadka reer
Somaliland. Ciidanka Somaliland waxaa ku waajib ah in uu kaga dabo
taga meel walba wixii khatar galiya Qaranimada dalka iyo nolosha iyo
daganaanshaha ummadda.
Ciidanka Qaranka waxaa lagu xoojindoonaa barashada
DIINTA Islaamka iyo Shucaaceeda, waxaa loo tababri doonaa sidii uu
ciidanku u ilaalin lahaa asluubta iyo dhaqanka Islaamka isla markaana
talaabo uga qaadi lahaa sidii loo horjoogsan laha wixii sumanaya
Diinta Islaamka.
Maadaama shariicada Islaamka iyo Distuurka
Jamhuuriyadu yahiin hay’ada dalka ugu saraysa, ciidanka iyo madaxda
dalkuba waxay ku dhaaran doonaan "Ilaalinta iyo Difaaca
shareecada Islaamka iyo Distuurka."
Ciidanka qa’raanku wuxuu ka mas'uul noqondoonaa
ilaalinta iyo daryeelka noloshii halgamayaashii SNM iyo carruutooda.
Waxaa Ciidanku qori doonaan taariikhdii Mujaahidiintii ku shahiiday
xorayntii dalka iyo tiradoodii.
Xisbigu wuxuu soo jeedin doonaa in maalin qiimo leh
oo la xuso lagana dhigo malintii 27kii May 1988. Maalintii SNM-to
weerarka geesinimada leh ku samaysay ciidamadii Faqashta ee deganaa
magaalada Burco. Wuxuu xisbigu soo jeedin doonaa in loo bixiyo
maalintaas Malintii Guusha (Victory Day).
Wuxuu Ciidanku samayn doonaa meelo lagu xanaaneeyo
agoonta ciidanka iyo lacag u gaar ah sidii ay u shaqayn lahayd
goobahaasi. Ciidanku wuxuu xaq u yeelan doonaa in uu yeesho meelo wax
soo-saar si ay u kabaan kharashkooda guud iyo baahidood badan.
Ciidanka Qaranku wuxuu lahaandoonaa Hay'ada
Sirdoonka ee Ciindanka "Military Intelligence Agency"
Hay'adaa masuuliyadeed waxay noqondoontaa soo ururinta iyo raadinta
tayadda iyo sirta ciidamada dalalka dibada ee noqonkara cadowga
Somaliland. Waxaa si fiican loogu qeexi doonaa shaqada hay'ada warqad
rasmiya marka la aasaaso.
Ciidanka Qaranka waxaa si rasmiya loogu dhigi
doonaa taarikhdii mujaahidiintii dib u xoreeysay Somaliland. Waxay
noqondoontaa in ay qasab ku noqoto barashada taariikheed ee
mujaahidiinta ciidanka qaraanku. Wuxuu xisbigu dhiirigalindoonaa lacag
badanna u qoondayndoonaa cilmi baadhista arimaha milatariga, si loo
helo ciidan leh culimo ku xeel dheer sayniska "military
researchers".
Askarta ciidanka qaranka waxaa la baridoonaa
adkaynta midnimada dalka, difaac diinta Islaamka iyo ilaalinta
xuquuqda bini-aadamka. Waxaa la baridoona karaamada ILAAHAY ku
manaystay Bini-aadamka iyo sharafta uu mudanyahay.
Waxaa lagu barbaarindoona ilaalinta xoriyatul
qowlka iyo qaranimada dalka. Waxaa laga fogayndoonaa wax alaaliyo
wixii wax u dhimaya sharafta dadka iyo dalkaba.