Gabay.
Samakaab Muxuu deero dili???


Waa ciid oo waxoogaa madaddaalo iyo falanqayan xaaladda dalkeennii ka jirta, waa laga hadli karaa bay ila tahay. sheekada aan badka la imi waxa sheegi doona gabayga e ciddii danaysa maansadaay waa kuu furan tahay inaad wax ka tidhaa..

Maansadani waxay soo baxday November 25.2003. Waxanay ka hadlaysaa waayaha
werwerka leh iyo ceeryaamada hadhaysay dalkeennii Somaliland.
Waxanse kaga gammaa -- gobeey, liic oo ha jaabin!!! --
Akhris wacan,

Mahad Allaa leh.

--------------------------------------------------------------------------

SAMAKAAB MUXUU DEERO DILI ???

Maansadu sansaan bay rabtaa       lagu sar-gooyaaye
Surinkeeda qudhi waa xaqoo          loogu saabulo e
Ninka been sabaalaynayey             saqaf la jiidhaaye
Lama seego goortaan u boxo yoolka seerka lehe
Marka aan saloolaba darbaa           wiishka sii sudhane
Bal aan saafo caawana tixay          sumadday laabtaydu    

Sannadkii ku dhaafaba dhacdaa        lagu sifeeyaaye
Saddex laba kun goortuu kor maray   taxane sooyaalku
Ninkay sawtka ugu hiilisay ee           saartay guradeeda
Ee sacabka lagu qaabbilee               shaalka lagu sooray
Durba surinkii waakaa ag-maray        xeerku saanyedaye
Saddexdii wasiir ee golaha                sawt ku mari waayey
Iyagoon sexeexii dadkiyo                  sidan awooddooda   
San-dulley ku joogaan kursiga           saakadaa faxane         
Sadataal warkii lagu ballamay            yoolka laga siibye
Samakaab hadmuu deero dili             seetada u jiidye ???

Ummad yahay surmigu daashadee     loo sid-tirin waayey
Waa sigib tir-kaagii waxaan                kuu sawirayaaye
Duri lala sunsumayaan arkoo maasha waan sariye
Sidii yoy jidkii tahay siraad oo la sara joogo
Safka loogu jiro daarta weyn               wada saloognaanta
Sodonkaba dar baa taagan oon           subax habsaameyne
Surma seegtadaydii miyaa                 soodhka igu aastay?

Intay suul-dhabaalaha dahsoon           wadato seenyaalka
Seef laba afluu daaran yahay              socodka qaarkiiye   
Suul-daaro kuu dhuumataa sababta naanayse
Soof-daran habow loo kasiyo               seere godobeed dhe
Saadaal horl-oo curad ahiyo sahan carruureed dhe
Ummad seegtay marinkay lahayd       saymo galiddeed dhe
Seenyaale laba eefa iyo                      soobir taladii dhe

Soddonkii horaa igaga tegey                soo gal iyo keene
Maantana sansaankan arkaa               waa sidii abide
Markaan seexday baa layla helay        xeel sinsaara ahe
Ka sikaday tubtii geyn lahayd              seere nololeede
Inan seer-ma weydada u horo              layga salabeeye
Samakaab muxuu deero dili                suubbin-waa marine

Ummad yahay surmigu daashadee       loo sid-tirin waayey
Waa sigib tir-kaagii waxaan                 kuu sasabayaaye
Sahal bay dar weli moodeyaan             saymihii shalaye
Innay sigaty oon gaws libaax               holac ka soo saarray
Ilaa saaka qaar baan ogeyn soo gelleytiyahe
Salka looma dhigin Xaashiyow             sahanna waa wayde
Haddii eebbeheen kugu simoo             kuu sikhiray guusha
Inad sacabka uun dhigato oo               saxato mooyaane
Surma seegto loogama fadhiyin           suuxiyaa duriye
Ma sideedlahaan fuutiyaa fooradda iseejay?

Sees adag haddaad dhigan lahayd    kuma saloosheene
Sumaddaada kii aan qaderin              surinka loo dooray
Ee shalay sallaan kaad kor tidhi         siibay lugihiisu
Sahwi inu mar kale kugu dagaa          waa saqiirnimo e
Silbashada hantaaqda ah durtaba shiishka lagu saarye
Sodog iyo intaan laysku xidhin           sayga inantiisa
Sollo kale ayey maanta gelin              soone miinaato
Oon silic ku nool yahay mar kale        daawe lagu saarin..

Waa sigib tir-kaagii waxaan                kuu sasabayaaye
Ummad yahay surmigu daashadee      loo sid-tirin waayey
Kol haddii suldaan iyo wasiir               saarku wada taabtay
Ummad yahay samboorshuhu watee   siidhiga u yeedh-shay
Ummad yahay sahwigu leexiyee         soortu wada qaadday
Ummad yahay sadqaysee sharciga     xididdada u siibtay
Ummad yahay saluugtee xoorriyad      siigo kaga dhuuntay
Sumcad iyo miyaa laga dallacay         seeto iyo qoolba ?
Salakhsiga miyaa loo ballamay           ceeb ku saxan waaga?

Ninkii seexday buu dibi dhalaa weli siciisiiye
Mar haddii sokeyiha is-dhalay             layga kala soocay
Sarartay ka qoomeen durtaba             siinnaddaan dhaqaye
Sanaag iyo dhulkaagii mudnaa            soolba laga caagye
Siqi waaye oo may yab
yaban
            giibna soo dhigaye
Ma sawaaxil baa looga iman                Dahir sugi waaye?

Ummad yahay surmigu daashadee     loo sid-tirin waayey
Waa sigib tirkaagii waxaan                kuu sawirayaaye
Inu sahanku weyd yahay dusena       midab silloon yeeshay
Sanqashada kalaa kuu caddeyn        saylacdaa dagane
Sarsarriigga sacab been tunkiyo        geeda sare waabku
Waa waxa il-duuf kugu salliday          saydh-sha caanaha e
Mar hadduu sagaalluhu bursado         yeegna socon waayo
Amma uu subbeehigu dalbado         saajinkeed dhimaye   
Ma sabbaysay waa caadadeed          inay siqiirtaaye !!!

Afartaa digniin sooca iyo                   sadarro waayeel dhe
Sumaddii run sheeg lagu yiqiin           siiqad nololeed dhe
Afar kalena waa sawt yaroon              sax ugu faalloday

Sirri daari baan ahay warsaday           soo jireennada e
Sunne iyo sharciba waa ka dibed        siidhigaa baxaye
Inta nabadda sicirkeedu yahay       seeto qaban mayso
Eey sudhatay tuubbada in yari            sahay wixii yiillay
Ku salaaxi maysaan dalnimo              saani loo dhoqo e
Sicir barar aqoontii galiyo                   sun iyo laan-deyr dhe

Waa sigib tirkaagii waxaan                 kuu sawirayaaye
Dadku wuu surmiyey oo haddana        way sarseermeene
Saddex baa u dheer toban                  intay sirirsanaayeene
Sakatiga daan-laydii ku dhacay           sabaraddaa qoontay
Salladdooda madhan baahidiyo           sabiga gaajaysan
Iyo diir sideedii kuwaa muruqa siibaaya
Uma kala sokeeyaan sharciga           meesha loo sudhaye
Sinnaantii maxaa lagu neecee            laysu kala soocay?

Cadli baa simoo xoojin lahaa              sees horloo adage !!!
Systam iyo maxaa looga tegey          dabar xumaan suusha?
Maxay saaka uga maagayaan            seetadiyo qoolka?
Sansaankii xisaabeed maxuu baanka uga siibtay?
Wadhatada sadkeedii maxaa             Fadhatadii siiyey ??
Maxaa saban-xumaad kaa in go'an     samada gaadhsiiyey??
Hanti-dhawr maxaa saaqayuu            hawl u sugi waayey?

Waa sigib tirkaagii waxaan               kuu sawirayaaye
Sal-fudayd wixii lagu cugtaa              waa sanduuq madhane
Siraad kaan Cabdow beegsadee        laygu simi waayey
Siniintiisu Waataa hadduun             saaqday qaar badane
Inu soodhka dari waan ogaa              saan caddaaluhuye
Mar haddaan raggii taajka siday         hawl u sara-joogsan
Oo aan farsamo loo samayn              lagu sar-goynaayo
Inay si'ikaraan baanay garan              saanjad boob-yaduye    
Haddaan saama-jiidkiyo la deyn         sadaqa raadcaynta
Oo anay sunnaha iyo sharciga faralka soomaynin
Ha sabbayso waa cadadeed               inay siqiirtaaye

Hadal lama sudhnaadee murtida        waxan ku soo ooday
Sirta nolosha jeeroon ka dayo            maragga soo-yaalka
Inaan suul dhabaaluhu dhaqayn         siistay oo ogiye
Suubaan salaaxaa idilay                   saafi waa nabare
Miyaa wiil simaamka u qabtiyo saajac laga waayey?

Salligiyo hadday kaashadaan sadarka yaasiinka
Sama talisku wuu garan lahaa           saarka loo tumo e
Bal miyey siraadkii shidaan               saxalka maydhaayey
Oo ugu sar-gooyaan runbaa               soori oo dhiqiye       ??????

Runi waa wehel

Ali Adam Awaleh
aliawaleh@yahoo.com         

Ucidprty.