UDUB WAA ARAGTEENE DADWEWNOOW UCID DHEH.

 

Waa salaaman tihiin idil kiinba.
Akhristoow inkastoo biyo diid baddan iyo walaac ka muuqdo doorashooyinka ka
dhici doona S.land billaha foodda inagu soo haya, waxaad hadana arkaysaa in
walaaca la garab waddo olole taageero doon ah oo Urur waliba u xaytay
kasbashada dadka. Qof walibana wuxuu xaq u leeyahay in uu taageero Ururkii
uu is yidhaahdo waxa ku jirta danta bulshada. Aniguna waxaan marka hore
taageerayaa,dhiirri gelinayaa dhammaan Ururada mucaaridka ah. Si gaar ah
waxan u raacsanahay UCID aniga oo ka hor gaynaya UBUB waxaan tiriyay geeraar
gaaban. Ku soo dhawoow akhriste.


Ololaa soconaayee
Ka aloosmay dhul keena’ee
Ubad kaad dhilli doontiyo
Aayahaaga ku saabsan
Ayaanta foodku yimaado
Ikhtiyaarka cod kaaga
Idil keed ba Asxaabta
Keed ku maaminaysaa?

UDUB waa aragteeno
Sagaal baa arrin kiisa
Amakaag iyo yaab
La adkaysanayseenoo
Ugbaad soo bixi waayo
Ayro kuu dhalli waydaye
Eedda guudka ka saara oo
DADWEYNOOW UCID DHEH.

Adhigii furmi waayoo
Aqoonsi maanta ma haynoo
Adduunkaa ina diiday
UBUB baan af-aqoonoo
Albaabii ka xidhmee
DADWEYNOOW UCID DHEH.
UCID DHEH,UCID DHEH,UCID DHEH
DADWEyNOOW UCID DHEH.
UCID

SOGOB
Sogob70@hotmail.com

 

Back to the main page