GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND OO SOCDAAL DIBEDA UGU SOO BIXI DOONA:





Stockholm (UCID) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa dibedda ugu soo bixi doona socdaal rasmi ah, oo uu ku kaga qeybgeli doono munaasabad guri baarlamaanka WALES loo dhisaayo, taasi oo ku beegan March 1, 2006, kana dhici doonta CARDIFF.  

Guddoomiyuhu Waxaan magaalada London ku soo beegnahay Feb 27, 2006, Waxaana uu Carriga Ingriiska uu joogi doonaa ilaa  march 13, 2006.  

Muddada uu guddoomiyuhu jooggo Carriga Ingriisa waxaa la filayaa inuu la kulmo Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan carrigaas Ingriisa iyo madax sarsare oo ka tirsan Xukuumadda iyo Baarlamaanka Ingriiskaba.


Waxaa kale oo iyana uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee Somaliland wakiilka uga ah carriga Ingriiska.

Socdaalka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ah kii ugu horeeyay ee uu dalka dibeddiisa uga soo baxo, marka laga reebo mid shaqsi ahaa oo uu ku gaadhay dalka aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tiri doono sidii loogu guuleysan lahaa qadiyadda SOMALILAND.  

 

SOMALILAND DALKEYGA
SOMALILAND DADKEYGA.

 

 

Ucidprty cadami

 



Go back to the main page