Justice and Welfare Party (UCID)

 


GUDOOMIYAHA CUSUB EE UCID EE GOBOLKA HARGEYSA OO XILKII LA WAREEGAY

Hargeysa, Somaliland (UCID)


UCID 2006-07-28 ( JUMHUURIYADA SOMALILAND )
Republic of Somaliland



--------------------------------------------
Hargeysa (UCID) Gudoomiyaha cusub ee xisbiga UCID ee gobolka Hargeysa Xasan Suldaan C/laahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa shalay xilkii kala wareegay gudoomiyihii hore Cumar Aw Cilmi Jaamac oo uu ka wakiil ahaa gudoomiye xigeenkiisa 1-aad Kamaal Cali.

Xaflad loo sameeyey xilwareejintaas oo lagu qabtay xarunta gobolka Hargeysa ee xisbiga UCID, waxa ka soo qayb-galay qaar ka mid ah madaxda xisbigaasi, garabka dhalinyarada ee xisbiga UCID iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyn halkaas hadal kooban ka jeediyey C/naasir Yuusuf Cismaan oo ah xoghaya fulinta xisbiga UCID ee gobolka Hargeysa, waxaanu ka waramay ujeedada garabka dhalinyarada ee xisbiga UCID ee gobolka, isaga oo intaas ku daray inay soo dhoweyn doonaan gudoomiyaha cusub ee xisbiga ee gobolka Hargeysa, gobol ahaan iyo ka degmo ahaanba. Waxa kale oo xoghayuhu sheegay in doorashooyinkii wax yari ka hadhsan yihiin, isla markaana kuwii hore guulo badan ka soo hooyeen, tan soo soctana ay rajaynayaan inay ku guulaysan doonaan.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee UCID una soo wakiishay gudoomiyihii xilwareejintaas, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Runtii Xasan Suldaan kuma cusba xisbiga ee xilka iyo kursiga ayuu ku cusub yahay, markii horena aad buu noola shaqayn jirey, imikana kursiga uun buu ku soo wareegay, waxa loo socdaana waa horumarinta xisbiga, kolay cidina mushahar kuma qaadato, qof kastaa isaga ayaa wakhtigiisa gaeliya, lacagtiisa geliya, ujeedada iyo hadafkuna waa in aynu wax u qabano dalka”.

Waxa kale oo isaguna halkaas hadal ka heediyey gudoomiyaha gobolka Hgeysa xisbiga UCID ee hada xilka loo magacaabay Xasan Suldaan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Muddo sanad ah waxaan hayay xilka xoghayaha abaabulka gobolka ee xisbiga UCID, xubin fulinta ka mid ahna waan ahaa, qaybaha kala duwan ee xisbigana waan ka soo shaqeeyey, waxaanan wakhtigayga u soo huray maadaama xisbiga cadaalada iyo daryeelku uu yahay aqoonyahankii dalka ee gudo iyo dibadba isugu tageen, barnaamijkiisa siyaasadeedna uu hiil u yahay mujtamaca ku dhaqan Somaliland.

Waxaan balan-qaadayaa in aan si hagar la’aan iyo karti iyo daacdnimo ku jirto ugu shaqayn doono shacbigayga iyo xisbigaygaba. Hadaan xaalada dalka wax ka yara taabto waxaynu wada ogsoonahay maanta dalkeena dhibaato badan baa haysata, dhaliilo badan baana inoo muuqta, waxaanaynu kaga bixi karnaa samir, wada tashi, wax qudha inoo taalaana waa in aynu dastuurka ilaalino, xukuumada talada haysaana maanta wax dhaxal ah oo ay ummadda iyo dalka uga tegaysaa ma jirto” ayuu yidhi Xasan Suldaan.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay C/laahi Siciid oo ka mid ah madaxda sarsare ee xisbiga UCID, gudoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga UCID.
Xafladaas oo si heer-sare ah loo soo agaasimay ayaa shalay ka dhacday xarunta gobolka Hargeysa ee xisbiga UCID.



 



 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM