Goormay
Haboontay In Ay Doorasho Dhacdo
Waxaa
la ogsoonyahay adduunweynaha ay ka midka nahay ee xornimada iyo
dimuqraadiyadu u tahay saldhiga noloshooda, isla markaas dadku
markay donaan inay cabiraan codkooda, waxaa horta la sugaa
xuduudaha ay gobol waliba iyo degmo walba ay ta kale la leedahay.
Waxaa
jirtay xadkii Hargeysa iyo Boorama, wuxuu ahaa Koonfur galbeed oo
uu ka bilaabmayay Garba-haadlay, Waxaanu marayay Jufada, dabadeeto
wuxuu ku soo dhacayay dooxa Dila.
Marka
aynu eegno xuduudka dhinaca bari, wuxuu ahaa laanta Cawda (Bullo-xaar),
taas oo ku cad maababkii mustacmarkii Inigiriiska.
Haddaba
shirkii ay OAU-du ku qabatay Cairo 1904-kii (Cairo Acode), waxay
go’aamiyeen inaan xadadka Ingiriisku dhigay aan la beddlein gudo
iyo dibedba.
1964-kii,
waxaa degmo buuxda laga dhigay Gebilay, xadkeeduna waxa uu ahaa;
Koonfur bari; Kaabaddii Wado Makaahiil.
Waqooyi
galbeed; Laanta Cawda (Lughaya).
Waqooyi
Bari; Agabar iyo inta ay xukunto.
Dhowaan
waxaa ka go’day degmada Gebilay Allay-baday oo xadkeeda bari
Yahay Wado Makaahiil, dhinaca galbeed Gebilay iskuma haystaan
xuduudka Allay-baday.
Waxaa
iyana xusid mudan dhaq-dhaqaaqii wadaniga Soomaaliyeed (SNM), oo
1988 gobol ka dhigtay Allay-baday, Badhasaabna u samaysay Marxuum
Daa’uud X. Gaydh.
Waxaa
lala yaaban Yahay, waxa ay u hana-qadi weyday oo wixii ay
mutaysatay loo siin waayay.
Haddaba,
xududuaha caynkaas u cadi ma aha in mugdi la geliyo. Sidaas awgeed,
doorasho waxay dhacdaa dadku markay kalsooni ka qabaan xuduudahoga
oo sugan, si ay codkooda u dhiibtaan.
Waxaanu
sidaa ku taageersanahay muwaadiniintii wargeyska Haatuf ku qoray
“Ilaa xuduudaha la sugo in aanay doorasho dhacayn.”
Aadan
Xaaji Gaydh, Hargeysa.