GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO KULAN BALLAADHAN LA YEESHAY JAALIYADDA SOMALILAND EE GÖTENBORG, SWEDEN:





Stockholm (UCID)13/02/2006 Waxaa shalay oo taariikhdu ay ahayd 12 February 2006 ka dhacay magaalada Götenborg ee dalka Sweden shir ballaadhan oo lagu soo dhaweynayay gudoomiyaha Xisbiga UCID ee mucaradka ah ee Somaliland, Inj Faysal Cali Waraabe.

vvvv

Shirkaas oo jawi wanagsan ku dhacay ayaa waxaa ka soo qaybgalay jaaliyadda reer Somaliland iyo dadweyne farabadan oo reer Somaliland ah, kana kala yimi magaalada Gothenburg iyo nawaaxigeeda.

Gudoomiyaha oo halkaas hadal dheer ka soo jeediyay, ayaa waxa uu ka hadlay sida ay lagama maarmanka u tahay in jaaliyaddaha reer Somaliland ee debeda ku maqan, looga baahan yahay inay muujiyan fir fircooni dheeraad ah, si ay dadkooda iyo wadankooda wax ugu qabtaan. Isagoo sheegay haddii qof kastaba, halka uu joogo, xil iska saaro in Somaliland ku talabsan doontohorumar wax ku ool ah.

vvvv

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey socdaalkiisan uu ku marayo waqooyiga Yurub, waxa uu sheegay in ay ugu weyn tahay, sidii caalamka aanu u gaadhsiin lahayn, qadiyada Somaliland oo ay ugu weyn tahay aqoonsiga.  Isagoo  intaas ku sii  daray in wadamo fara badani, ka soo debceen mawqifkoodii hore ee ay ka qaben Somaliland.

Waxaa halkaas iyana ka hadlay xubno ka socda xisbiga social demokratiga ee wadanakan Sweden, ahana xisbiga talada haya, qaybta loo yaqaano palmecentret oo sheegay inay jiraan mashaariic ay ka wadan meello  ka mid ah wadanka Somaliland.  Iyagoo isla marka ku amanaya nabada iyo demuquraadiyadda ka hirgashay wadanka Somaliland.

Dadweynaha shirkaas ka soo qaybgalay oo ay ka muuqatay shucuur wadanimo, ayaa halkaas ku weydiiyay gudoomiyaha su’aallo dhowr ah, islamarkaana ku amaanay gudoomiyaha iyo xisbigiisa guusha ay gaadheen muddadii gaabneyd ee uu jirey xisbigu

vvvv

Ugu danbeyntii waxa uu gudoomiyuhu amaan u soo jeediyey ururka jaaliyadda reer Somaliland ee Gothenburg, sidii wanagsaneyd ee ay u soo dhaweeyeey.  Isagoo 13 bishana la kulmi doona  maamulka golaha Deegaanka (Gothenborg kommun),  si uu warbixin uga siiyo hannanka demuquraadiyadda iyo sida ay uga hirgashay Somaliland iyo guud ahaan xaalada wadanka.

Gudoomiyuhu wuxuu u anbabaxay xaga iyo dhinaca magalo madaxda Sweden ee Stockholm halkaas oo uu bookhasho qaadan doonta laba maalmood ku tegi doono, uuna kula kulmi doono madaxda sarsare ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm iyo nawaaxigeeda.  Natiijada shirarka Stockholm, waxaanu idinka soo siin doonaa warar faahfaahsan, inshaa allaahu, marka ay soo dhammaadaan.

Elmi Abdiweli.

Studio Golis Gothenburg Sweden

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID):

Jamhuuriyadda Somaliland.

www.ucidparty.com

 


 

 

Ucidprty cadami

 



Go back to the main page