GUDIGA LAANTA XISBIGA UCID EE DALKA NORWAY



 

Shir ballaadhan oo isugu yimaadeen xubnaha guud ee Laanta xisbiga UCID ee dalka Norway todobaadkii hore ayaa falaanqayn dheer ka dib go'aansaday inay magacaabaan guddi cusub oo hoggaamisa laanta xisbiga UCID ee dalka Norway.
Shirkan ay qaateen xubnuhu laanta UCID ee Norway ayaa wuxuu ka dambeeyey talooyinkii ay isla gaadheen shir sannadeedkii Laanta UCID ee Norway oo ka dhacay magaalada OSLO ee dalka Norway bishii Jan. 2004. Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socday dalka Sweden oo ay ka mid ahaayeen Eng. Nasir Xaaji Cali oo ah guddoomiyaha UCID ee yurub iyo Mr. Cali Ducaale oo ah xubin ku jirta Golaha dhexe.
Haddaba iyagoo guddida Laanta ee xisbiga UCID ee Norway ka sii ambaqaadayaan halkaas, ayaa waxay go'aan ku gaadheen sida ay lagama maarmaanka u tahay in la dardargeliyo hawlaha xisbiga ee dalka Norway.




Guddida cusub ee la doortay waxay kala yihiin:

Guddoomiye Cali Ciddin
Guddoomiye xigeen FAADUMO CALI MADAR
Xoghaye CABDIXAKIIM ISMAACIIL X.AXMED
Lacaghaye MAXAMED BAARUUD CIGE
Xidhiidhiye NASRA MUUSE CABDILLAAHI



Ucidprty.



Go back to the main page