GUDIGA CUSUB EE LAANTA XISBIGA UCID EE DALKA DENMARK



 

Shir ballaadhan oo isugu yimaadeen xubnaha guud ee Laanta xisbiga UCID ee dalka DenmarK shalay oo ay taariikhdu(2005.08.05 ) ayay falaanqayn dheer ka yeesheen hawlaha xisbiga ee ku wajahan doorashada iyo guud ahaanba qorshaha laanta ee sanadka soo socda. Xubnuhu waxay iska dhex doorteen guddi cusub, sidoo kalena waxay sameeyeen xil wareejin ay samaysay guddoomiyhii hore ee laanta Ikraan Xuseen Yuusuf

Ikraan Xuseen oo hore u ahaan jirtay gudoomiyihii Denmark, waxay hadda u guurtay dhinaca  Uk magaalada Swendom Isku dubba ridkii iyo hawlihii ay Ikraan qabatay intii ay xilka Gudoomiyaha haysay ayaa ah mid aan la iloobi karin, doorkii ay ka soo qaadatay waditaanka hawlaha ururka Ucid iyo wadanka Denmarkba ayaa ah qaar ay Ikraan ku mutaysatay in la gudoon siiyo abaalmarinta Nobel Price.

Waxaanu leenahay Ilaahay ha kuu fududeeyo geediga cusub ee aad gashay  meel aad joogtaba sii wad hawlaha Ururka 

Waxaan filayaa inay aad ugu farxi doonaan bahda Ucid ee reer UK, lana qaban doonto socodsiinta hawlaha ururka

Barre CPH.




Guddida cusub ee la doortay waxay kala yihiin:

Guddoomiye Mudane Maxamed Xasan Caabi
Guddoomiye xigeen Marwo: Faa'isa Sh. Yuusuf sh. Madar
Xoghaye Mudane Cusmaan Yuusuf
Lacaghaye Mudane: Cabdiwahaab Shariif


                          


Ucidprty.



Go back to the main page