Taageerayaasha UCID Oo Ee Gobolka Minnesota Oo Guddi Cusub Samaystay



 

Minneapolis (UCIDMEDIA)-Minnesota; Maalintii Sabtidii ee ay bisha April ahayd 4 ayaa waxaa magaalada Minneapolis lagu qabtay shirweynihii xisbiga UCID ee gobolka Minnesota. Shirkaas oo ay kasoo qaybgaleen dad badan oo isgu jiray taageeryaasha xisbiga UCID iyo dad goobjoog ah, ayaa ahaa mid is wanaagsan u dhacay. Ujeedada ugu weyn ee shirka loo qabtay waxay ahayd in maamul loo sameeyo xisbiga UCID, garabka Minnesota (UCID-MN) iyo in ay dadka xisbiga taageeraa ka wada tashadaan arrimaha iyo waxqabadka xisbiga iyo xaaladdaha arrimaha ka taagan Somaliland.

Markii ay dhammaadeen qudbadihii iyo hadalladii halkaas laga soo jeediyay, waxa halkaas lagu doortay gudiga maamulka xisbsiga UCID, laanta Minnesota.



Guddida cusub ee la doortay waxay kala yihiin:

Guddoomiye Mudane Abdillahi Daud
Treasurer Mudane: Fosi Mustafa (Isxaaq)
Community Outreach Mudane Rashid Sheekh & Mudane: Hassan Ali
Media Mudane: Jamal Ali (Khadar)
Public Relations Mudane: Martin Mohamed
Events Coordinator Mudane Abdi-Aziz Ahmed


                          


Ucidprty.



Go back to the main page