"Wacdarihii ka dhacay
Shirkii ay ku kulmeen Reer Finland, Guddoomiyaha G. Wakiilada iyo
Madaxdii Kale Eng. Faysal ma isu taagidoonaa tartanka
Madaxweynenimada? ”:
Shirkan oo ka
dhacay hoolka shirarka iskuul ku yaalla badhtamaha caasimadda Finland ayaa waxa
soo qabanqaabiyey Ururka Jaaliyadda Somaliland .
Waxaana kasoo
qaybgalay dadkii ugu tirada badnaa ee meel isugu yimaadda inta xusuustu qirayso
dadkaas oo aad odhanaysid cidi kamay maqnayn yar iyo weyn intii Helsinki iyo
nawaaxigeedda ku noolayd dadka qaarna waxay ka yimaadeen degaammo fogfog.
Martisharafta shirka lagu casuumay waxa Guddoomiyaha ku wehelinayey Guddoomiyaha
Xisbiga UCID, mudane Kimmo Kiljunen oo xildhibaan ka ah baarlamaanka Finland
kana mid ahaa goobjoogayaashii doorashadii baarlamaanka ee dhawaan Somaliland ka
dhacday iyo Pitkäyärvi oo machad caafimaadka lagu dhigo macallimad ka ah hadda
ka horna laba jeer wadanka u tagtay mashruuc iskuulka nurcing-ka ee Hargeisa
lagu hirgelinayo.
Shirkan oo loo soo qabanqaabiyey si aad u heer saraysa xubnaha Guddiga
Jaaliyadduna si xilkasnimo leh u soo abaabuleen ayaa waxa makrafoonka hayey
Cabdillahi Adan Roble (Cabdillahi Ilkacase) isaga oo hab darandooriya oo
shucuuri ku dheehantahay shirka u hagayey. Ugu horeyntii waxa uu mikrafoonka
kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Xasan Cali Sadexle uu si diiran
dadka ugu soo dhaweeyey ugana mahadceliyey kasoo qaybgalkooda. Intaa kedib, waxa
hadalkii lagu wareejiyey Dr. Kimmo Kiljunen.
Dr. Kimmo waxa uu hadalkiisii ku bilaabay qiso ka qabsatay dalka Somaliland
intii uu ku sugnaa oo ah, in afar meelood oo kala duwan uu kula kulmay dad afka
fiinishka kula hadlay oo weliba ugu hadlayey si fasiixa oo waadixa. Wuxuu
sheegay inay fajiciso iyo naxdin ku ahayd inuu Africa badhtameheeda ku
isticmaalo luuqaddiisa.
Dr. Kimmo wuxuu
tilmaamay inay dhacdooyinkaasi ka turjumayaan faa’iidada reer Somaliland iyo
dalkan Finlandba ugu jirta. Intaa kedib, wuxuu Kimmo u dhaadhacay dulucda
hadalkiisa waxaana uu tilmaamay in Somaliland tahay waaqic jira oo caalamka
hortiisa taalla cidina aanay ka indho qarsankarin horumarka ay iyagu gacantooda
ku samaysteen iyada oo aan cidina ku caawinin.
Wuxuu si gaara
u sii iftiimiyey in marka laga hadlayo qadiyadda Somaliland khaas ahaan
aqoonsiga caalamiga ah in loo baahanyahay inay wadamada afrikaanka ah kasoo
bilaabanto waxaana uu tilmaamay in Somaliland xidhiidh fiican oo
diblumaasiyadeed la leedahay wadamada Itoobiya, Koonfurta Afrika, Kiiniya iyo
kuwo kaleba. Wuxuu Kimmo muujiyey oo si fiican u saafay doodda Somaliland ee
helidda ictiraafka caalamiga ah waxaana uu tilmaamay in wadamada Afrika cabsi
weyn ka qabaan in haddii la aqbalo kala googo’a wadamada jira aanay jiraynin
dawlad is haysata oo ay kala daadandoonaan si ay arrintaa isu hortaagaanna waxay
ansixiyeen qodob qeexaya in aan xuduud tii isticmaarka ka dambaysay la aqbalin.
Isaga oo hadalkiisii sii wata si cilmiyaysanna u kala dhigdhigaya arrintan ayuu
iftiimiyey in qodobkaasi aanuu Somaliland ku ahayn caqabad. Waxa uu sheegay in
iyada oo qodobkaa la daliishanayo la aqoonsaday dalka Eriteeriya waayo xuduudda
Itoobiya iyo Eriteeriya waxay ahayd middii uu dhigay isticmaarku waxaana uu
sheegay in Somaliland arrinta ay ku doodaysaa kasii xoog weyntahay midda
Eriteeriya oo Somaliland mar ayay madaxbanaani heshay oo dawlad gaara noqotay oo
la ictiraafsanyahay go’aankeedana kula midawday dawlad kale oo madaxbanaani
helaysay maalmo kedib xornimadooda. Dalka labaad ee la ictiraafay intii qodobkaa
Ururka Africa (AU) ansixiyey wuxuu ahaa Sub-Sahara oo ka go’day dalka Maroko.
Dr. Kimmo waxa uu sheegay in sababta loo ictiraafay tahay dalka Maroko oo aan
xubin ka ahayn ururka AU oo beri hore ka baxay.
Dr. Kimmo waxa uu hadalkiisii kusoo gebagabeeyey in Somaliland marayso meel
fiican laakiin loo baahanyahay in wax laga qabto laba arrimood oo kala ah:
Dumarka oo laga qaybgeliya maamulka iyo hogaanka wadanka khaas ahaan
baarlamaanka waayo ayuu yidhi, wadankan Finland oo sanadkan u dabaaldegaya
boqol-guuradii baarlamaankooda isla markaana ahaa dalkii ugu horeeyey ee dumarka
xaq u siiyey inay waxna doortaan lana doorankaro, waxa uu halkaa kusoo gaadhay
kaalinta hogaamineed ee dumarku kaga jiraan dalkan.
Arrinta labaad ee uu tilmaamayna waxa weeyaan la-dagaalanka musuqmaasuqa oo
ragaadiyey wadammo badan oo Africaan ah. Taasna wuxuu tusaale usoo qaatay
warbixintii ay Transparency International soo saartay sanadkii hore ee ay
Finland ku tilmaantay wadanka caalamka ugu musuqmaasuga iyo laaluushka yar.
Intaa kedib Dr. Kimmo oo wakhtigiisu cidhiidhi ahaa shir kalena kusii degdegayey
ayaa waxa laga gaadhsiiyey dhawr su’aalood. Su’aashii ugu mudnayd ee inani
weydiisay ayaa ahayd, Somaliland haddii wadamada Afrika waxba ja qaban waayaan
ictiraafka Somaliland waxa ay wadamada Yurub ama Finlandba khaas ahaan ka
yeelidoonaan. Dr. Kimmo waxa uu tilmaamay in mar kasta aanay wadamada Yurub
ogolaandoonin dagaal iyo khilaaf kasoo cusboonaada geeska Afrika arrimahana lagu
dhamayndoono miiska iyo wada-hadal. Su’aal kale oo aad u muhiim ah ayaa la
weydiiyey oo ku saabsanayd riboodh uu ka qoray doorashooyinkii Somaliland qayb
uu kaga hadlay wakiilka xafiiska Ururka Midawga Yurub Mr. Axmed Washington taas
oo saxaafadda Somaliland qaarkeed faafisay iyada oo lagu taageerayo eryiddii
Wasiirka Qorshayntu eryey. Waxa uu Dr. Kimmo waxa uu ku adkaystay kuna
celceliyey in ninkaa Axmed Washington hadalkii uu ku hadlay yahay mid ku taagan
mawqifka EU-du ka taagnayd Somaliland markaas ee marna aanuu qoraalkiisu
tilmaamaynin wax ka baxsan mawqifkaas.
Intaa kedib, waxa Cabdillahi cod-baahiyaha kusoo dhaweeyey Ms. Pitkäjärvi oo
ka hadashay mashruucii iskuulkii Nurcing-ka ee Hargeisa iyo sidii ay u
tababareen macallimiintii iskuulkaa wax ka dhigijirey iyada iyo Dr. Axmed-Weli
Daahir Xaddi. Waxay tilmaantay inay aad ula yaabtay dalka sidii u burbursanaa,
iskuulka sidii u burbursanaa iyo macallimiintii wax ka dhigijirey oo u heegan
ahaa inay dhidibada u aasaan iskuulkaas. Ms. Pitkäjärvi waxay xustay ammaanna
usoo jeedisay laba guddoomiye ee Cabdiraxman iyo Faysal iyada oo sheegtay markii
ugu horeysey ee ay Somaliland isu raaceen markaana ay ogaatay in mustaqbalka
Somaliland wax weyn kusoo kordhindoonaan labadan mudane.
Intaa kedib, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxman M. Cabdillahi ayaa si
diiran loogu soo dhaweeyey halkaasna wuxuu ka jeediyey khudbad isugu jirtay
warbixin wadankii ah, hawlaha baarlamaanku qabtay muddadii koobnayd ee uu jiray
iyo hawlaha u yaalla. Cabdiraxman waxa uu sheegay in golihii hore u qaybsanaa
lix guddi-hoosaad iyaguna ay ku kordhiyeen laba guddi-hoosaad oo midi yahay
guddiga la-dagaalanka musuqmaasuga. Cabdiraxman warbixintiisa waxa uu kusoo
gabagabeeyey dardaaran uu u soo jeediyey dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan
Finland isaga oo ku adkeeyey inay midnimadooda ilaashadaan meelna kasoo wada
jeestaan Jaaliyaddana xooliyaan.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa lagu wareejiyey mikrofoonka waxaana uu
hadalkiisii ku bilaabay in Illaahay laga baqo adduunkana aan laysa siinin. Kedib
wuxuu ka hadlay taariikhdii Jaaliyadda Somaliland ee Finland isaga oo sheegay
dhibkii kasoo gaadhay iyo juhdigii uu ku bixiyey. Faisal waxa uu sheegay in
dalkeennii maanta marayo marxalad fiican loona baahanyahay in wixii lala
qabankaro loo lala qabto. Eng. Faysal waxa uu sheegay in dawladda loo qoro
waraaqo lagu adkaynayo inay soo dedejiso dawlad kooban oo tayo leh. Faysal waxa
uu Jaaliyadda u dardaarmay inay isku-duubni muujiyaan wada jirkoodana ka
shaqeeyaan. Mar Eng. Faysal la weydiiyey in uu isu soo sharaxayo doorashada
Madaxweynenimada ee doorka soo socda waxaana uu sheegay in uu marka hore iska
soo sharaxayo Shirweynaha Xisbiga UCID ee dhicidoona bisha todobaad kedibna
haddii isaga loo doorto inuu musharax u noqdo uu isu taagidoono.
Intaa wixii ka dambeeyey, su'aalo qiime badan ayaa dadku weydiiyeen labada
guddoomiye waxaana shirkaasi ku dhammaaday guul iyo farxad.
QARANNEWS 24