"Wacdarihii ka dhacay Shirkii ay ku kulmeen Reer Finland, Guddoomiyaha G. Wakiilada iyo Madaxdii Kale Eng. Faysal ma isu taagidoonaa tartanka Madaxweynenimada? ”:


Shirkan oo ka dhacay hoolka shirarka iskuul ku yaalla badhtamaha caasimadda Finland ayaa waxa soo qabanqaabiyey Ururka Jaaliyadda Somaliland .
 

Waxaana kasoo qaybgalay dadkii ugu tirada badnaa ee meel isugu yimaadda inta xusuustu qirayso dadkaas oo aad odhanaysid cidi kamay maqnayn yar iyo weyn intii Helsinki iyo nawaaxigeedda ku noolayd dadka qaarna waxay ka yimaadeen degaammo fogfog.

vvvv
Martisharafta shirka lagu casuumay waxa Guddoomiyaha ku wehelinayey Guddoomiyaha Xisbiga UCID, mudane Kimmo Kiljunen oo xildhibaan ka ah baarlamaanka Finland kana mid ahaa goobjoogayaashii doorashadii baarlamaanka ee dhawaan Somaliland ka dhacday iyo Pitkäyärvi oo machad caafimaadka lagu dhigo macallimad ka ah hadda ka horna laba jeer wadanka u tagtay mashruuc iskuulka nurcing-ka ee Hargeisa lagu hirgelinayo.

Shirkan oo loo soo qabanqaabiyey si aad u heer saraysa xubnaha Guddiga Jaaliyadduna si xilkasnimo leh u soo abaabuleen ayaa waxa makrafoonka hayey Cabdillahi Adan Roble (Cabdillahi Ilkacase) isaga oo hab darandooriya oo shucuuri ku dheehantahay shirka u hagayey. Ugu horeyntii waxa uu mikrafoonka kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Xasan Cali Sadexle uu si diiran dadka ugu soo dhaweeyey ugana mahadceliyey kasoo qaybgalkooda. Intaa kedib, waxa hadalkii lagu wareejiyey Dr. Kimmo Kiljunen.

Dr. Kimmo waxa uu hadalkiisii ku bilaabay qiso ka qabsatay dalka Somaliland intii uu ku sugnaa oo ah, in afar meelood oo kala duwan uu kula kulmay dad afka fiinishka kula hadlay oo weliba ugu hadlayey si fasiixa oo waadixa. Wuxuu sheegay inay fajiciso iyo naxdin ku ahayd inuu Africa badhtameheeda ku isticmaalo luuqaddiisa.

Dr. Kimmo wuxuu tilmaamay inay dhacdooyinkaasi ka turjumayaan faa’iidada reer Somaliland iyo dalkan Finlandba ugu jirta. Intaa kedib, wuxuu Kimmo u dhaadhacay dulucda hadalkiisa waxaana uu tilmaamay in Somaliland tahay waaqic jira oo caalamka hortiisa taalla cidina aanay ka indho qarsankarin horumarka ay iyagu gacantooda ku samaysteen iyada oo aan cidina ku caawinin.

Wuxuu si gaara u sii iftiimiyey in marka laga hadlayo qadiyadda Somaliland khaas ahaan aqoonsiga caalamiga ah in loo baahanyahay inay wadamada afrikaanka ah kasoo bilaabanto waxaana uu tilmaamay in Somaliland xidhiidh fiican oo diblumaasiyadeed la leedahay wadamada Itoobiya, Koonfurta Afrika, Kiiniya iyo kuwo kaleba. Wuxuu Kimmo muujiyey oo si fiican u saafay doodda Somaliland ee helidda ictiraafka caalamiga ah waxaana uu tilmaamay in wadamada Afrika cabsi weyn ka qabaan in haddii la aqbalo kala googo’a wadamada jira aanay jiraynin dawlad is haysata oo ay kala daadandoonaan si ay arrintaa isu hortaagaanna waxay ansixiyeen qodob qeexaya in aan xuduud tii isticmaarka ka dambaysay la aqbalin.

Isaga oo hadalkiisii sii wata si cilmiyaysanna u kala dhigdhigaya arrintan ayuu iftiimiyey in qodobkaasi aanuu Somaliland ku ahayn caqabad. Waxa uu sheegay in iyada oo qodobkaa la daliishanayo la aqoonsaday dalka Eriteeriya waayo xuduudda Itoobiya iyo Eriteeriya waxay ahayd middii uu dhigay isticmaarku waxaana uu sheegay in Somaliland arrinta ay ku doodaysaa kasii xoog weyntahay midda Eriteeriya oo Somaliland mar ayay madaxbanaani heshay oo dawlad gaara noqotay oo la ictiraafsanyahay go’aankeedana kula midawday dawlad kale oo madaxbanaani helaysay maalmo kedib xornimadooda. Dalka labaad ee la ictiraafay intii qodobkaa Ururka Africa (AU) ansixiyey wuxuu ahaa Sub-Sahara oo ka go’day dalka Maroko. Dr. Kimmo waxa uu sheegay in sababta loo ictiraafay tahay dalka Maroko oo aan xubin ka ahayn ururka AU oo beri hore ka baxay.

vvvv
Dr. Kimmo waxa uu hadalkiisii kusoo gebagabeeyey in Somaliland marayso meel fiican laakiin loo baahanyahay in wax laga qabto laba arrimood oo kala ah:

Dumarka oo laga qaybgeliya maamulka iyo hogaanka wadanka khaas ahaan baarlamaanka waayo ayuu yidhi, wadankan Finland oo sanadkan u dabaaldegaya boqol-guuradii baarlamaankooda isla markaana ahaa dalkii ugu horeeyey ee dumarka xaq u siiyey inay waxna doortaan lana doorankaro, waxa uu halkaa kusoo gaadhay kaalinta hogaamineed ee dumarku kaga jiraan dalkan.
Arrinta labaad ee uu tilmaamayna waxa weeyaan la-dagaalanka musuqmaasuqa oo ragaadiyey wadammo badan oo Africaan ah. Taasna wuxuu tusaale usoo qaatay warbixintii ay Transparency International soo saartay sanadkii hore ee ay Finland ku tilmaantay wadanka caalamka ugu musuqmaasuga iyo laaluushka yar.

Intaa kedib Dr. Kimmo oo wakhtigiisu cidhiidhi ahaa shir kalena kusii degdegayey ayaa waxa laga gaadhsiiyey dhawr su’aalood. Su’aashii ugu mudnayd ee inani weydiisay ayaa ahayd, Somaliland haddii wadamada Afrika waxba ja qaban waayaan ictiraafka Somaliland waxa ay wadamada Yurub ama Finlandba khaas ahaan ka yeelidoonaan. Dr. Kimmo waxa uu tilmaamay in mar kasta aanay wadamada Yurub ogolaandoonin dagaal iyo khilaaf kasoo cusboonaada geeska Afrika arrimahana lagu dhamayndoono miiska iyo wada-hadal. Su’aal kale oo aad u muhiim ah ayaa la weydiiyey oo ku saabsanayd riboodh uu ka qoray doorashooyinkii Somaliland qayb uu kaga hadlay wakiilka xafiiska Ururka Midawga Yurub Mr. Axmed Washington taas oo saxaafadda Somaliland qaarkeed faafisay iyada oo lagu taageerayo eryiddii Wasiirka Qorshayntu eryey. Waxa uu Dr. Kimmo waxa uu ku adkaystay kuna celceliyey in ninkaa Axmed Washington hadalkii uu ku hadlay yahay mid ku taagan mawqifka EU-du ka taagnayd Somaliland markaas ee marna aanuu qoraalkiisu tilmaamaynin wax ka baxsan mawqifkaas.

Intaa kedib, waxa Cabdillahi cod-baahiyaha kusoo dhaweeyey Ms. Pitkäjärvi oo ka hadashay mashruucii iskuulkii Nurcing-ka ee Hargeisa iyo sidii ay u tababareen macallimiintii iskuulkaa wax ka dhigijirey iyada iyo Dr. Axmed-Weli Daahir Xaddi. Waxay tilmaantay inay aad ula yaabtay dalka sidii u burbursanaa, iskuulka sidii u burbursanaa iyo macallimiintii wax ka dhigijirey oo u heegan ahaa inay dhidibada u aasaan iskuulkaas. Ms. Pitkäjärvi waxay xustay ammaanna usoo jeedisay laba guddoomiye ee Cabdiraxman iyo Faysal iyada oo sheegtay markii ugu horeysey ee ay Somaliland isu raaceen markaana ay ogaatay in mustaqbalka Somaliland wax weyn kusoo kordhindoonaan labadan mudane.

Intaa kedib, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxman M. Cabdillahi ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasna wuxuu ka jeediyey khudbad isugu jirtay warbixin wadankii ah, hawlaha baarlamaanku qabtay muddadii koobnayd ee uu jiray iyo hawlaha u yaalla. Cabdiraxman waxa uu sheegay in golihii hore u qaybsanaa lix guddi-hoosaad iyaguna ay ku kordhiyeen laba guddi-hoosaad oo midi yahay guddiga la-dagaalanka musuqmaasuga. Cabdiraxman warbixintiisa waxa uu kusoo gabagabeeyey dardaaran uu u soo jeediyey dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan Finland isaga oo ku adkeeyey inay midnimadooda ilaashadaan meelna kasoo wada jeestaan Jaaliyaddana xooliyaan.

vvvv
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa lagu wareejiyey mikrofoonka waxaana uu hadalkiisii ku bilaabay in Illaahay laga baqo adduunkana aan laysa siinin. Kedib wuxuu ka hadlay taariikhdii Jaaliyadda Somaliland ee Finland isaga oo sheegay dhibkii kasoo gaadhay iyo juhdigii uu ku bixiyey. Faisal waxa uu sheegay in dalkeennii maanta marayo marxalad fiican loona baahanyahay in wixii lala qabankaro loo lala qabto. Eng. Faysal waxa uu sheegay in dawladda loo qoro waraaqo lagu adkaynayo inay soo dedejiso dawlad kooban oo tayo leh. Faysal waxa uu Jaaliyadda u dardaarmay inay isku-duubni muujiyaan wada jirkoodana ka shaqeeyaan. Mar Eng. Faysal la weydiiyey in uu isu soo sharaxayo doorashada Madaxweynenimada ee doorka soo socda waxaana uu sheegay in uu marka hore iska soo sharaxayo Shirweynaha Xisbiga UCID ee dhicidoona bisha todobaad kedibna haddii isaga loo doorto inuu musharax u noqdo uu isu taagidoono.

Intaa wixii ka dambeeyey, su'aalo qiime badan ayaa dadku weydiiyeen labada guddoomiye waxaana shirkaasi ku dhammaaday guul iyo farxad.

QARANNEWS 24

 

Ucidprty cadami

 



Go back to the main page