GUDDOOMIYAHA G. WAKIILADA IYO GUDDOOMIYAHA UCID OO CARUUR IYO CIROOLEBA KU SOO DHAWEEYAY FINLAND:







Guddoomiyaha G. Wakiilada Md. Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa dadka reer Finland kusoo kaga hortageen Madaarka Helsinki-Vantaa si ay ugu soo dhaweeyaan saacaddu markay ahayd sideedii fiidnimo. Qaybta madaarka ee dadku kasoo degaan ayaa ilyartu is qabatay oo dadka reer Somaliland buuxiyeen iyaga oo sita oo lulala calanka Somaliland. Soo dhawayntan oo aan loo kala hadhin si heer qaran ahna loo agaasimay ayaa waxa kasoo qaybgalay rag, dumar, dhalinyaro waayeel iyo xataa caruur yaryar. Waxaa si gaara xusid u mudan sidii loogu xoomay ee la isla oogsaday markii ay albaabka kasoo baxeen Cabdiraxman iyo Faysal iyadoo dadka qiiro wadaninimo iyo xamaasadi wada saaqday.

vvvv

Soo dhawayntan oo dadka reer Somaliland si weyn u abaabulayeen maalmihii lasoo dhaafay khaas ayaan Jaaliyadda Somaliland ee dalka Finland ayaa ahayd mid dadka oo dhami ku midaysnaayeen cidina aanay ka hadhin soo dhawaynta labada guddoomiye oo kasoo dhoofay dalka Ingiriiska. Jaaliyadda Finland ayaa kiraysay bas dadka lagu soo daabulay dad kalena waxay ku yimaadeen gawaadhi iyo basaska caadiga ah. Dadka reer Finland ayaa soo dhawayntan u arkayey fursad ay u heleen labada Guddoomiye oo hore dalka Finland u degenaan jiray kana mid ahaa jaaliyadda Somaliland ee Finland ku dhaqan.

vvvv

Guddoomiye Cabdiraxman waxa uu dadkii saf kala maray gacan-qaad waxaana isla madashaa ka jeediyey khudbad kooban oo uu dadka uga mahadcelinayo dedaalka ay galeen iyo midnimada ay muujiyeen isaga oo u sheegay in wadankiina sidaa looga midaysanyahay horumarka wadankana meel looga soo wada jeestay. Dadka reer Somaliland ee Finland ku dhaqan ayaa shir weyn oo Jaaliyaddu soo qabanqaabisay kula kulmidoona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 18.3.2006.
vvvv

Guddoomiyaha G. Wakiilada ayaa ilaa toban maalmood ku sugnaan doona dalkan Finland isaga oo kulamo badan la samayndoona madax sarsare oo wadankan ka tirsan.


Qarannews24
FINLAND




Ucidprty cadami

 



Go back to the main page