Wuxuu hirgelin doona:
- Demuqraadiyada Wakiilnimada "Representative Political
Democracy". Taas oo uu qof kastaa oo muwaadin ah u
ogalaanaysa in la doorto waxna uu doorto. Doorashooyinka Wakiilada
waxaa la wadi doona ilaa heer Tuulo, Degmo, Gobol iyo Qaran.
Wakiilnimo toos ah. "Direct Representative". Waxaa la
hirgelin doona in la qabto AFTIYO "Referendums", marka
loo baahan yahay in dowladu qaado go’aamo culus sida Aftida
Distuurka, Aftida ka noqosho xubin Urur Gobol ama Caalami, sida
ururka jaamacada carabta.
Arimahaa qofku si toos ah ayuu xaq u yeelan doonaa
in uu codkiisa dhiibto. Codaynta noocaas ah waxay ka kooban tahay HAA
iyo MAYA oo kaliya.
Xisbigu wuxu dhiiri gelin doonaa ka qayb galka
bulsho ee hogaanka iyo go'aaminta arrimaha dalka, taas oo kor loo
qaadi doona barashada siyaasada iyo aqoonta guud ee bulshada. Wuxuu
dhiiri gelin doona ka qayb galka doodaha ee bulshada siiba mujtamaca
ku nool magaalooyinka dibadooda, sida miyiga iyo tuulooyinka, si looga
ilaaliyo in danaystayaal siyaasiyiin ahi uga faa’iidaystaan.
Wuxuu xisbigu dhiiri galin doona ka qayb qaadashada
Demuqraadiga ee ku salaysan diinta oon ahayn tan reer galbeedka (Participatory
Democracy). Wuxuu xisbigu dhiiri galindoonaa samaynta Ururada Bulshad
"Civil Organisation" si loo xoojiyo barnaamijka ka qayb
qaadashada demuqraadiga "Participatory Democracy". Waxaa la
xoojin doonaa Media, sida Raadiyowga, Telefiishanka iyo soo saarida
Jaraa'idka, tiiyoo la maalgelin doono Jaraa'idka urrurada bulshada.
Xisbigu wuxuu u taagaan yahay hirgelinta maamul
fidsan oo aan urursanayn "Decentralized System" oo casri ah.
Bulsho isku kala raacda, dan iyo aqoon isla markaana ku midaysan danta
guud. Xisbigu wuxuu ku dadaali doona hir-gelinta mujtamac ku qalban
shacaa’irka Islaamka, Anshaxa iyo Asluubta Islaamka, ku faana
taariikhdiisa, isku kalsoon shaqeeyana. Xisbigu wuxuu ka ilaalin
doonaa mujtamaca wax alaaliyo wixii sumaynaya oo badhxaya Asluubta iyo
hab dhaqanka iyo ku dhaqanka Islaamka.
Siyaasada guud ee xisbigu waxa u saldhig ah
dimuqraadinimo iyo furnaan (Democracy and Openness). Xisbigu wuxuu si
gaar ah u ilaalin doona daryeelka dadka laga faraha badan yahay iyo
dadkii wakhtigii jahliga hoos loo eegi jiray. Xisbigu wuxuu ka shaqeyn
doonaa sidii loo horumarin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhka
Dhaqaalaha Iskaashi iyo siyaasadeed ee Somaliland iyo dalalka kale ee
aynu dariska nahay sida dalalka Bariga Afrika, dalalkaas oo inaga
dhexeeyo xidhiid ganacsi iyo dan aynu wadaagno. Waxaa laga
shaqayndoona sidii dalalkaa la isugu xidhi lahaa xaga dhulka, cirka
iyo isgaadhsiintaba. Si dhaqaalaha wadamadaas iskugu tiirsadaan waa in
la dabciyaa sarrifaada iyo cashuuraha la saaro alaabta u kala gudubta
dalalkaas.
Xisbigu wuxuu ilaalin doona danaha, xuquuqda iyo
hantida dadka ku soo jeeda Somaliland ee degan dalalka dibada, sida
Somaliya, Jabuuti, Kiiniya iyo dalalka Carabta. Wuxuu soo afjaridoona
xisbigu markii la boobi jiray, la bahdili jiray dadka dhulalka ku
dhaqan ee ka soo jeeda Somaliland.
Xisbigu wuxuu ku dadaali doonaa hirgalinta nidaam
xafidi doona nolosha bulshada (Social Security system). Nidaamkaas oo
ugu danbaynta hubin doona in qof kasta oo muwaadini helo in uu ku
noolaado nolol sharaf leh (Decent life). Si loo helo waayaha iyo
xaalada muwaadin kastaa waxaa la tiirindoona dadka loona samayn doono
nambaro lagu kala saaro. Habkaas oo wax ka tari doona qorsheynta iyo
diyaarinta dhaqaalaha dalka iyo adeega guud ee bulshada. Isla markaa
wuxuu xisbigu u taagan yahay sidii loo hirgalin lahaa ugu danbaynta
Daryeel Guud ee Caafimaad iyo Waxbarasho Guud, (General Health Care
and Universal Education).
Xisbigu wuxuu dhiirigalindoonaa hirgalinta iyo
hanaqaadka Urruro Madaxbanaan oo Shaqaale
(Labour Organisation) oo casri
ah si ay u ilaaliyaan midhaha dimuqraadiyada iyo xuquuqda xoogsatada
iyo xafidaada daryeelka bulshada.
Si loo helo bulsho hirgalisa isla markaana hanata
barnaamijyada xisbiga, waxa xooga la saaridoona sidii lacag badan loo
galin lahaa waxbarashada iyo caafimaadka "Eeg siyaasada
Waxbarashada iyo caafimaadka"