Dalka Xisbiga laga aasaasey waa Jamhuuriyada
Soomaaliland. Soomaaliland waa Jamhuuriyada Soomaaliland ee maanta oo
intii 1960 ka horaysay loo yiqiin (British Soomaliland Protectorate).
Soomaaliland waxa ay xoriyaddeedii ka qaadatay
dalka Boqortooyada Ingiriiska 26kii June 1960, waxana ay la
midowday Koonfurta Somaaliya 1dii July 1960.
Somaliland waxa ka soo gaadhay isku darkii iyo
xukunkii ay la wadaagatay Koonfurta Somaliya dhibaatooyin badan iyo
dib-u-dhac ku yimid dhinaca dhaqaale iyo bulshadaba. Wadanku wuxuu soo
maray 20 sanadood oo gacanta ku hayay keligii-taliyihii Maxamed Siyaad
Barre (1969-1991). Dagaalkii xoraynta ee Ururka SNM uu kala hortegay
keligii-taliyahii waxa dadwaynaha Soomaaliland ka soo gaadhay, burbur,
xasuuq, iyo baro kac qaatay in ka badan toban sanadood.
Somaliland waxa ay dhulkeedii iyo xoriyadeedi la soo noqotay, markii
ururka SNM uu gacanta ku dhigay dalka Somaliland kana guulaystay
xukunkii keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre bilowgii sanadkii
1991.
Si loo xaslado madaxbanaanida iyo aayo ka talinta Soomaaliland,
waxa ay Guurtida Soomaliland iyo Golayaasha SNM ay soo saareen Baaqii
Burco (The Declaration of and Resolutions of Burao Congress and
National Destiny 27/04/ - 05/05/ 1991). Baaqa Burco wuxu si toosa u
cadeeyay in Ummada Somaliland ay maalintaas laga bilaabo ay tahay
dawlad madaxbanaan oo Xoriyadeedii la soonoqotay oo una madaxbanaan
sidii ay u xorowday 26kii June, 1960.
Si loo hanto, dhidibkana loogu adkeeyo madaxbanaanida Jamhuuriyada
Soomaaliland, Waxa guurtida iyo golayaashii SNM ay qabteen Shirkii
Borama oo socoday muddo 4 (Afar) bilood ah. Shirkaas waxa lagu doortay:
Golaha Guurtida Somaliland.
Golaha Wakiilada Somaliland.
Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen.
Golayaasha la doortay waxa lagu mudeeyay waqtiga
xilkooda 2 sanadood.
Shirka Borama waxa kale oo uu soo saaray Axdi
Qarameedkii Dalka (National Charter) oo qeexaaya xilka u gaarka ah
golayaasha, tilmaamayana calanka iyo xuduuda Jamhuuriyada Somaliland.
Dalka Somaliland oo ay ka dhacday xiisado iyo
dagaalo sokeeye ayaa golayaasha loo kordhiyay xiligii xilkooda oo
loogu daray 18 bilood. Sanadkii 1996, bishii October ilaa 23kii Apriil
1997 ayaa la qabatay Shir-beeleedkii Hargeysa, kaas oo lagu xaliyay
xiisadihii iyo is af-garan-waagii. Waxa shirka lagu soo doortay,
Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Madaxwayne iyo
madaxwayne-ku-xigeen. Muddada xilka Golayaasha waxa lagu xadiday 5
sanadood. Isla shirka waxa lagu soo saaray Dastuur ku meel gaadh ah oo
la ansixin doono markii dadka afti looga qaado oo la ansixiyey 31kii
May, 2001.Dastuurku wuxuu tilmaamayaa in marka xilka golayaasha iyo
madaxwaynuhu uu dhamaado in la qabto doorahso madaxbanaan oo ay u
tartamaan xisbiyo tiro badan.
Somaliland waxay tariikhdeedu gashay marxalad cusub
oo ah dismaha xisbiyo tirobanda iyo doorashada xorta ah, waxa laga soo
guurayaa waqtigii beelaha. Goorkasta ujeedadu waa hanashada iyo u
heegan ahaanta si aanay marnaba shaki u gelin madaxbanaanida
Soomaaliland.
Qof kasta oo muwaadina waxa saaran waajib in uu
masiirka dalkiisa ka taliyo ogaadana dhanka xeegadu u socoto. Xisbigan
Cusub waxa aanu u aasaasaynaa anaga oo ka duulayna dhibaatooyinkii
inna soomaray oo kale in aanay marnaba lagu kicin. Waxa aanu
jecelnahay in aanu ka baxno waajibka nasaaran, waxa aanu doonaynaa in
aanu barbaarta maanta iyo tan beritooleba loo carbiyo hogaaminta
dalkooda. loona xulo hogaamiye noqda kan mudan in lagu daydo iyo
Hay'ad Xisbi Siyaasiya oo noqda kii lagu hiran lahaa, dadwaynuhuna ka
gami'lahaayeen xoriyadooda iyo madaxbanaanidooda iyo Horumarkooda (NIN
LAGU SEEXDOW HA SEEXAN, XILBAAD SIDAA HASEEXAN - SOOMAALILAND SAHAN
WANAAGSAN)
Si looga guuro habka beelaha oo loo dhiso bulsha cusub iyo qaran
casriya wax loo baahan yahay in la abaabulo xisbiyo ku kala duwan
Afkaar iyo Barnaamijyo. Iyada oo laga ambaqaadayo baahida loo qabo in
Somaliland la gaadhsiiyo dalalka aduunka ee horumaray si ay ula jaan
qaado casrigan loo bixiyay (Post modern), ee Tignoolajiga sare la
adeegsanaya iyo Warfaafinta Tignoolajiga IT/Information Technology,
waxa la ma huraan ah in laga badalo bulshada habka Aqoondarada iyo
Jahliga ee beelaha iyo qabyaalada loona hogaamiyo habka casriga ah iyo
ummadanimada.
Xisbigu wuxuu horsidayaa sidii Somaliland uga guuri
lahayd habkan Jahliga ee sababay Gaajada, Aqoon-darada, Dirirta
Qabiil-qabiilka, Qaran Dumiska iyo Fawdada.