Barnaamijka Siyaasadeed ee Urrurka Caddaaladda &Daryeelka :


Hordhac


Dalka Xisbiga laga aasaasey waa Jamhuuriyada Soomaaliland. Soomaaliland waa Jamhuuriyada Soomaaliland ee maanta oo intii 1960 ka horaysay loo yiqiin (British Soomaliland Protectorate).

Soomaaliland waxa ay xoriyaddeedii ka qaadatay dalka Boqortooyada Ingiriiska 26kii June 1960, waxana ay la midowday Koonfurta Somaaliya 1dii July 1960.

Somaliland waxa ka soo gaadhay isku darkii iyo xukunkii ay la wadaagatay Koonfurta Somaliya dhibaatooyin badan iyo dib-u-dhac ku yimid dhinaca dhaqaale iyo bulshadaba. Wadanku wuxuu soo maray 20 sanadood oo gacanta ku hayay keligii-taliyihii Maxamed Siyaad Barre (1969-1991). Dagaalkii xoraynta ee Ururka SNM uu kala hortegay keligii-taliyahii waxa dadwaynaha Soomaaliland ka soo gaadhay, burbur, xasuuq, iyo baro kac qaatay in ka badan toban sanadood.

Somaliland waxa ay dhulkeedii iyo xoriyadeedi la soo noqotay, markii ururka SNM uu gacanta ku dhigay dalka Somaliland kana guulaystay xukunkii keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre bilowgii sanadkii 1991.

Si loo xaslado madaxbanaanida iyo aayo ka talinta Soomaaliland, waxa ay Guurtida Soomaliland iyo Golayaasha SNM ay soo saareen Baaqii Burco (The Declaration of and Resolutions of Burao Congress and National Destiny 27/04/ - 05/05/ 1991). Baaqa Burco wuxu si toosa u cadeeyay in Ummada Somaliland ay maalintaas laga bilaabo ay tahay dawlad madaxbanaan oo Xoriyadeedii la soonoqotay oo una madaxbanaan sidii ay u xorowday 26kii June, 1960.

Si loo hanto, dhidibkana loogu adkeeyo madaxbanaanida Jamhuuriyada Soomaaliland, Waxa guurtida iyo golayaashii SNM ay qabteen Shirkii Borama oo socoday muddo 4 (Afar) bilood ah. Shirkaas waxa lagu doortay:

Golaha Guurtida Somaliland.

Golaha Wakiilada Somaliland.

Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen.

Golayaasha la doortay waxa lagu mudeeyay waqtiga xilkooda 2 sanadood.

Shirka Borama waxa kale oo uu soo saaray Axdi Qarameedkii Dalka (National Charter) oo qeexaaya xilka u gaarka ah golayaasha, tilmaamayana calanka iyo xuduuda Jamhuuriyada Somaliland.

Dalka Somaliland oo ay ka dhacday xiisado iyo dagaalo sokeeye ayaa golayaasha loo kordhiyay xiligii xilkooda oo loogu daray 18 bilood. Sanadkii 1996, bishii October ilaa 23kii Apriil 1997 ayaa la qabatay Shir-beeleedkii Hargeysa, kaas oo lagu xaliyay xiisadihii iyo is af-garan-waagii. Waxa shirka lagu soo doortay, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Madaxwayne iyo madaxwayne-ku-xigeen. Muddada xilka Golayaasha waxa lagu xadiday 5 sanadood. Isla shirka waxa lagu soo saaray Dastuur ku meel gaadh ah oo la ansixin doono markii dadka afti looga qaado oo la ansixiyey 31kii May, 2001.Dastuurku wuxuu tilmaamayaa in marka xilka golayaasha iyo madaxwaynuhu uu dhamaado in la qabto doorahso madaxbanaan oo ay u tartamaan xisbiyo tiro badan.

Somaliland waxay tariikhdeedu gashay marxalad cusub oo ah dismaha xisbiyo tirobanda iyo doorashada xorta ah, waxa laga soo guurayaa waqtigii beelaha. Goorkasta ujeedadu waa hanashada iyo u heegan ahaanta si aanay marnaba shaki u gelin madaxbanaanida Soomaaliland.

Qof kasta oo muwaadina waxa saaran waajib in uu masiirka dalkiisa ka taliyo ogaadana dhanka xeegadu u socoto. Xisbigan Cusub waxa aanu u aasaasaynaa anaga oo ka duulayna dhibaatooyinkii inna soomaray oo kale in aanay marnaba lagu kicin. Waxa aanu jecelnahay in aanu ka baxno waajibka nasaaran, waxa aanu doonaynaa in aanu barbaarta maanta iyo tan beritooleba loo carbiyo hogaaminta dalkooda. loona xulo hogaamiye noqda kan mudan in lagu daydo iyo Hay'ad Xisbi Siyaasiya oo noqda kii lagu hiran lahaa, dadwaynuhuna ka gami'lahaayeen xoriyadooda iyo madaxbanaanidooda iyo Horumarkooda (NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN, XILBAAD SIDAA HASEEXAN - SOOMAALILAND SAHAN WANAAGSAN)

Si looga guuro habka beelaha oo loo dhiso bulsha cusub iyo qaran casriya wax loo baahan yahay in la abaabulo xisbiyo ku kala duwan Afkaar iyo Barnaamijyo. Iyada oo laga ambaqaadayo baahida loo qabo in Somaliland la gaadhsiiyo dalalka aduunka ee horumaray si ay ula jaan qaado casrigan loo bixiyay (Post modern), ee Tignoolajiga sare la adeegsanaya iyo Warfaafinta Tignoolajiga IT/Information Technology, waxa la ma huraan ah in laga badalo bulshada habka Aqoondarada iyo Jahliga ee beelaha iyo qabyaalada loona hogaamiyo habka casriga ah iyo ummadanimada.

Xisbigu wuxuu horsidayaa sidii Somaliland uga guuri lahayd habkan Jahliga ee sababay Gaajada, Aqoon-darada, Dirirta Qabiil-qabiilka, Qaran Dumiska iyo Fawdada.

 



Go back to the main page