Maadaama Ilaalahay inagu manaystay xoolo badan iyo
xeeb dheer, waxaa ka go'an xisbiga inuu fiiro gaar ah laba dhinac ee
hore loo baahan yahay.
Wuxuu xisbigu samayndoonaa Waasaarad ballaadhan oo
loo bixindoono Waasaarada Horumarinta Xoolaha iyo Khayraadka Badda.
Waasaradu waxaa loo goyndoona loona qoondayndoonaa lacag badan oo ay
ku horumariso dhaqniinka xoolaha iyo lasoo baxa kalluunka badda. Waxaa
la samayndoonaa hooy lagu baadho nolosha xoolaha iyo sidii loo
horumarin lahaa.
Wuxuu xisbigu samayndoonaa BAAN U GAAR AH
HORUMARINTA XOOLAHA IYO KHAYRAADKA BADDA. Waxaa la amaahindoonaa dadka
xoolaha dhaqda iyo dadka soo saara kalluunka lacag amaah ah oo aan
lahayn dulsaar iyo muddo dheer oo ay ku bixiyaan. Waxaa lacagta loo
siindoonaa sida ay u kala xoola badanyihiin, xoolo badanow hel amaah
badan, isla markaa waxaa la amaahin doonaa lacag badan qofkii amaba
shirkadii soo qaabata kalluun badan.
Waxaa la casriyayndoonaa magaalooyinka xeebta
tiiyoo loo samayndoono wadooyin fiican iyo isgaadhsiinta casriga ah..
Waxaa laga dhaafi doonaa cashuurta qaboobiyayaasha lagu isticmaalo
magaalooyinka xeebta iyo talaajadahaba. Waxaa la khafiifindoonaa
cashuurta shaqaalaha iyo dukaamada ka furan magaalooyinka xeebta.
Waxaa la siin doonaa mudnaanta mashaariicda la galinaayo xoolaha soo
saarka kaluunka iyo daryeelka reer guuraaga iyo kaluumaysatada. Waxaa
la dhiiri galindoonaa dhoofista kalluunka, xoolaha iyo milixda. Waxaa
la dhiirigalindoonaa maal galinta dhinacyada xoolaha iyo kalluunka ee
dalka. Waxaa isla markaa la wacyi galindoonaa shacbiga iyadoo loo
sheegayo nacfiga iyo nafaqada cunitaanka kalluunka. Waxaa laga
shaqayndoonaa sidii loo samayn lahaa shirkado wadani ah oo u khaas ah
dhoofista kalluunka.
Xisbigu wuxuu qaadi doonaa siyaasad weerar ah oo
lagu raadinaayo suuqyo loo diro xoolaheena kana baxsan kuwa Carabta.
waxaa la badali doonaa habkii gaboobay ee aynu xoolaha u raaci jirnay
una dhoofin jirnay. Waxaa si tartiib ah loo soo afjari doonaa xoolihii
noolaa ee loo dhoofin jiray, tiiyoo lagu badali doono dhoofista
hilibka. Waxaa la sugi doonaa hantida iyo xuquuqda xoolo iyo kaluun
dhoofsatada. Waxaa kor loo qaadidoona nadaafada iyo caafimaadka
goobaha xoolaha lagu qalo iyo kaydinta kalluunka.
Waxa la samayndoonaa waaxyo wasaarado ah oo ka
mas'uul ah ka hortaga abaaraha, iyadoo lagu qasbi doono gaadiidka
biyaha qaada iyo baabuur gurta xoolaha, hadii loo baahdo in xoolaha
laga raro meelaha abaarta ah.Waxaa lagu daadaali doonaa sidii mardambe
biyo la'aani u hesheen xoolaheena.
Waxaa la samayn doonaa kuliyado aan ku koobnayn hal
gobol ee gobolada xooluhu ku badan yahayba laga hirgalin doono. Waxaa
la dhiirigalidoonaa barashada dhaqniinka dakhtarada xoolaha. Waxaa
xisbigu ku dadaalidoona sidii loo samayn lahaa meel lagu baadho GEELA,
iyo sidii loo horumarin lahaa cunitaanka hilibka geela ee dadka
aduunka. Waa in la qaadaa olole lagu barayo bulshada caalamka
cunitaanka hilibka geella, waa in la muujiyaa manfaca iyo caafimaadka
ku jira hilibka iyo caanaha geella.
Waxaa si wayn loo dhiiri galindoonaa dhaqashada
xoolaha, tiiyoo culays la saari doono sidii loo baabi'in lahaa isku
xidhka xoolaha iyo badaw nimada. Waxaa la dhiiri galindoonaa habka
casriga ah ee loo dhaqo xoolaha iyadoo dhaqniinka xoolaha la
casriyayndoono. Waxaa laga shaqayn sidii dadku aanay ugu soo durdureen
una soo guureen tuulooyinka iyo magaalooyinka, si taas loo hirgaliyo
xisbigu wuxuu ka shaqayn doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha
miyiga iyo reer guuraaga. Waxaa la horumarin doonaa daaqsinta xoolaha
tiiyoo dhulka lagala dagaalami doono nabaad guurka iyo xaalufka. Waxaa
la samayndoonaa koox dhakhaatiir ah oo guurta kuna soo wareegta dhulka
miyiga si ay u ilaaliyaan caafimaadka xoolaha.
Waxaa la casriyayn doonaa goobo caafimaadka ee
tuulooyinka miyiga dhaw si dadka xoolaha dhaqataa uga faa'iidaystaan
caafimaadka reer guuraagana kor loo qaado, kana maarmaan magaalooyinka
waaweyn. Waxaa loo qoondayn doonaa miinsaaniyad wayn hormarinta
xoolaha iyo xoolo dhaqatadaba. Waxaa culayska la saaridoona sidii loo
horumarin lahaa daaqsinta xoolaha iyo biyaha ay cabaan.
Waxaa la samayndoonaa maalin lagu xuso reer miyiga
iyo xolaha (tiiyo dadka laga dhaadhicinayo faa'iidada xoolaha ay u
leeyihiin dadka iyo dalkaba) kaas oo lagu qaadaa dhigo dhaqanka iyo
nolosha reer guuraaga. Waxaa lagu dari dadka xoolo dhaqatada
gudiyaasha iyo hogaamiyayaasha Wasaarada Xoolaha iyo Khayradka Badda.
Waxaa laga barandoonaa daaweynta xoolaha ee soo jireenka ahayd si ay
uga faa'iidaystaan dhakhtarada waqtigani. Waxaa lasoo afjaridoonaa
hoos u dhiga ka jiray xoolo dhaqatada ee loo qabay wax laga ilbxo.
Xisbigu wuxuu mudnaanta siindoonaa hagaajinta iyo
sidii loo wanaajin lahaa nolasha, waxbarashada iyo caafimaadka xoolo
dhaqatada. Waxaa la sahamin doonaa sidii xoolaha loo yarayn lahaa in
ay guur-guuraan, isla markaa loo beeri lahaa cawska iyo dhirta geelu
jecel yahay in uu cuno. Geela oo ah calaamad dalkeena ku caan yahay
noolasheena iyo dhaqankeena ku lifaaqantahay waxaa lagama maarmaan ah
in culays la saaro sidii loo kordhin lahaa tiradiisa iyo tarankiisaba.