PICTURES FROM SOMALILAND:
Mashruuca Jaamacadda
Burco
To: Axmed Adan Jaamac
Ka: Maxmed Xuseen Adan
Ugu horayn walaal Axmed Adan Jaamac iga gudooma dhammaantiin
salaanteen Islaamka (ACW)
|
Axmedaw Allaha
Kariimka ah, ayaa kaa baal marin doona dadaalka
weyn aad ugu jirto kaqayb galka adeeg joogtada
ah ee aad ka muujisay wax u qabadka acmaasha
khayriga ah ee ka socota Gobolkan Togdheer ee gacantan ay
ku hayso gudiga Iskaa Wax U Qabso ee Gobolka.Gudigani
waxay Alle Hortii idiinka ballan qaadaysaa wixii loogu
deeqo mashaariicdan khayriga ah in aan loo
leexin meel kale oo aan ahayn mashaaiicda
khayriga ah ee socota,sidaas darteed, waxaan
u tibaaxayaa waqtigan lagu jiro, waxaa aad u yar
inta wax lagu aamini karo. Burco kuma cusba
hirgelinta acmaasha khayriga ahi. Sidaad la
soceteen 1998/99 waxaa ka hirgaly Burco dib u
dhiskii adeegyadii bulshada ee ku burburay
dagaaladii la soo maray, sida cusbitaalka weyn
ee burco, kan .T.Bga, 3 M.C.H., 8 dugsi hoose
dhexe, 3 saldhig, Qaybta booliska iyo in badan oo kale.
Waxaana ka qayb qaatay qurbajoogga Somaliland iyo
dadweyneheena gudaha. Runtii dadka reer
Somaliland waa u diyaar inay wax qabsadaan gudo iyo
dibedba, haddii la helo Hoggaan Alle ku xidhan
oo nabad gelinaya amaanooyinka loo dhiibto.
Axmedaw igu salaam dhammaan walaaleheen intii aad ka
gaadhi karto ee inagula bahawdey acmaashan
khriga ah ee noo socota.
Allaa Mahad leh
Maxmed Xuseen Adan
Mashruuca Jaamacadda
Burco
Back to the main
page