UCID PARTY


                  

 

VIDEOHalkan ka daawo socdaalkii ay masuuliyiinta UCID kusoo mareen gobolada wadanka oo dhan iyo wacdarihii gunaanadka ololaha doorashada.


VIDEOHalkan ka Daawo Xisbiga UCID oo Wacdaro ku Sagootiyey Ololihii Doorashada Taariikh Iyo Lama Ilaawaan Ah

VIDEODaawo Xubno Ka Mid Ah Xisbiga UCID Oo Bulshada U Bandhigaya Sifahay Ku Raaceen


VIDEOWacdarihii kadhacay BOORAME iyo Faisal Cali waraabe


VIDEOWacdarihii kadhacay Gobolka sool

VIDEO :MUSHARAXA MADAXWEYNE KUXIGEEN EE UCID DR MAXAMED RASHIID OO BORAME KA HADLAY IYO WACDIRIHII GOOBTA





VIDEO + :WACDIRIHII GOOBTA CEERIGAABO



VIDEO video:Guji halkan Si aad daawatoEng Faysal Cali Waraabe oo magaalada Ceerigaabo kaga Taageero Batay Madaxweyne Rayaale. Maqal iyo muuqaal.



VIDEO + video:Guji halkan Si aad daawato Taagerayaasha xisbiga UCID oo si weyn isugu soo baxay saaka iyo Dareenka shacabka ee dhinaca amniga. Maqal iyo muuqaal.


VIDEO + Sawiro: UCID oo Olole Balaadhan ka Sameeyey Berbera kana Nixiyey Xisbiyada Kale



VIDEO: Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo si ba’an u weeraray Madaxweyne Rayaale iyo hadallo ka soo yeedhay


Guji halkan Si aad daawato Laascaanood oo maanta la ciir ciirtay taageerayaashii xisbiga Caddaalada iyo daryeelka:

Guji halkan Si aad daawato Wacdarihii Xisbiga ucid ka dhigay xarunta gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo:

Guji halkan Si aad daawato Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Eedaymo uu Madaxweyne Rayaale u Jeediyey:


Guji halkan Si aad daawato Xisbiga UCID Oo Maanta Isu-soo-bax La Yaableh Oo Il-yartu Is-qabatay Ka Sameeyey Caasimada Somaliland Ee Hargeysa:

Guji halkan Si aad daawato Dhoolotuskii Ololaha Doorashada Ee Xisbiga Ucid iyo Faysal Cali Waraabe Oo Taageerayaashii Abid Ugu Badnaa Khariyada Burco Kala Hadlay Iyo Yididiilo Hor Leh Oo Uu La Kulmay.:


Guji halkan Si aad daawato Dhoolotuskii Ololaha Doorashada Ee Xisbiga Ucid ee Boorame:
VIDEO: Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlay qorshaha Xisbiga iyo siyaasadda Xukuumadda


VIDEO: Xisbiga UCID oo xilal kala duwan maanta magacaabay iyo weedhaha masuuliyiiinta
May 23rd, 2010


May 21st, 2010


VIDEO: Faysal Cali WAraabe oo Isagoo Nairobi Jooga Farriin Shacbiga U Diray, Komishankana Amaanay  

Musharaxa M/weyne K/xigeenka xisbiga UCID & wafdi uu hogaaminayo oo Soo Gaadhay Borama + Video + Sawiro
 
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya
iyo halka xalkeedu ku jiro  



WARARKII UGU DAMBEEYAY / THE LATEST NEWSES


We Stand For Change and Justice
Qorshaha Waxqabad ee X/UCID Ku hagi doono dalka InshaAllah
UCID Political Platform:

      



“ Aniga oo nasteexadiina eegaya ka codeeya KULMIYE, ka codeeya UDUB oo u codeeya kelimatu Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi.” Musharaxa UCID Eng. Faysal Cali Waraabe -: 26 ,June ,2010
“Marka ugu horaysa ilaahay ayaan u mahad-naqayaa subxaana watacaala. Ta labaad waxa aan u mahad-naqayaa dhamaan shacabka reer Somaliland ee sida il-baxnimada ah ee wanaagsan u gutay waajibaadkii distooriga ahaa. Waxa kale oo aan iyana ammaanayaa saddexda xisbi, oo iyaguna si fiican oo shacriga aaminsan oo welibana xeerka doorashooyinka waafaqsan u gutay ololihii doorashadooda. Waxa kale oo amaantaas oo kale muddan Komishanka qarranka, oo iyaguna hawshoodii si xor ah oo xalaal ah oo aan cidna u habrayn u gutay. Waxa kale oo aan hambalyaynayaa ciidanka Qaranka, oo is-na adkeeyey difaacii Qaranka, iyo Ciidanka ammaanka oo hadh iyo habeen-ba gudanayey waajibaadkoodii nabadgelyada....... ..” , .. ..............”



“Saddexda Musharrax Ee U Tartamaya Doorashada Madaxtooyada Oo Saaka Goob Kaliya Ka Wada Codeeyey Iyo Dadweynaha Reer Somaliland Oo Safaf Dhaadheer Ugu Jira Goobaha Codbixinta +Sawiro -: 26 ,June ,2010
“Saddexda Musharrax ee u tartamaya jagada madaxtinimada dalka Somaliland, ayaa saaka iyagu codkooda ka dhiibtay goobta codbixinta Guriga Shaqaalaha Hay’adda dawladda ee Caasimadda Hargeysa. Iyada oo Magaalada Hargeysa doorashada madaxtooyada looga codaynayo in ka badan 330 saddex boqol iyo soddon goobood oo ay dadweynaha Caasimaddu codkooda ka dhiibanayaan maanta...... ..” , .. ..............”



“Codbixintii Doorashada Madaxtinimada dalka oo si toosa uga bilaabatay Gobolada dalka oo dhan iyo jawiga Burco ee saaka +Sawiro -: 26 ,June ,2010
“Waxaa sakaa salaadii hore intii aan salaada subax la gelin ba lagu arkayey goobaha sanduuqyada codbixintu yaalaan dadweyne safaf dhaadheer ugu jira codbixta doorashada madaxweynaha 5ta sanno ee soo socota, waxaana goobaha codbixinta xattaa u hoyday xalay shacabka ku dhaqan Burco in badan oo ka mid ah, iyadoo ay ka muuqatay farxad iyo rabintaanka doorasho xor iyo xalaal ah oo ay galaan..... ..” , .. ..............”



Video :Halkan ka daawo socdaalkii ay masuuliyiinta UCID kusoo mareen gobolada wadanka oo dhan iyo wacdarihii gunaanadka ololaha doorashada. , 24 June 2010




Musharaxa Madaxweynaha Xisbigay UCID Mudane Faysal Cali Waraabe Oo Khudmbad Dhaxal-gal Ah U Jeediyey Shacabka Somaliland

Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID ah-na Gudoomiyaha xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa bulshada reer Somaliland u jeediyey khudbad culus oo la xidhiidha doorashada madaxtooyada ee dhacaysa 26-ka June, isaga oo si gaar ah ugu baaqay bulshada JSL inay doortaan xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID, oo uu ku tilmaamay ka keliya ee Somaliland ka abuuri karaya isbedel dhab.Waxa kale oo uu khudbadan kaga hadlayaan isbedelada ay waddanka ka hirgelinayaan haddii ay ku guulaystaan talada dalka, isaga oo tibaaxay inay waddanka ku xukumi doonaan shareecada Islaamka





Halkan ka Daawo Xisbiga UCID oo Wacdaro ku Sagootiyey Ololihii Doorashada Iyo Taariikh Lama Ilaawaan Ah Video).
“Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa ololaha doorashada ee maanta la soo gebogabeeyey, waxa uu ku soo khatimay wacdaro uu ka dhigay dhammaan gobollada dalka. Taageerayaasha xisbiga UCID ee gobollada iyo degmooyinka ayaa isu-soo-baxyo aad u ballaadhan oo ay dhigeen, waxa kala qaybgalay masuuliyiinta sarsare ee xisbiga oo diyaarad khaas ah ku duulayey. Murrashaxiinta jagada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee UCID iyo madaxda kale ee xisbigu waxay kumaan taageerayaashooda ah kala qaybgaleen isu-soo-baxyadii ay dhigeen magaalooyinka Ceerigaabo, Burco, Boorama, Hargeysa iyo Saaxil oo ay caawa soo gebogabaynayaan (Video). ... ..” , .. ..............”



“Ceerigaabo=Isusoo-baxa Ugu Danbeeyey ee Taageerayaalka Xisbiga Udic iyo Feysal Cali Waraabe oo Ka Qayb galay +Sawiro -: 23 ,June ,2010
“Faysal Cali Waraabe, waxa safarkiisan uu ku soo afjarayay hawsha ololaha doorashada Xisbigooda oo maalintii u dambaysay maanta isugu soo baxay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka Somaliland, ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), Musharraxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka UCID Maxamed-rashiid Sheekh Xasan iyo Saraakiil kale oo Xisbiga ka tirsan iyo Suxufiyiin isugu jira kuwa waddaniya iyo qaar caalami ah oo iyagu weftiga u raacay inay warka weftiga hay'adaha ay ka hawlgalaan u tabiyaan.... ..” , .. ..............”



“Xisbiga UCID oo ololahii doorashooyinka ku soo khatimay hab cusub oo aan hore loo arag ka dib markii uu dhamaan gobolada dalka diyaarad ku soo maray +Sawiro -: 23 ,June ,2010
“Musharaxiinta xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa maanta si la yaab leh u soo gabagabeeyey ololahoodii doorashada Madaxtooyada, ka dib markii ay diyaarad ku soo mareen magaalooyinka Ceerigaabo, Burco, Boorama, Hargeysa iyo berbera oo caawa u qorshayn inay soo maraan, iyaga oo taageerayaasha xisbiga ee magaalooyinkaas u jeedinayay khudbado taabanaya waxa uu qaban doono xisbiga UCID haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada. Safar-diyaaradeedkan ay labada musharax ee madaxweyenimada Eng. Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa Madaxwynene ku xigeenka Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan... ..” , .. ..............”



“BURCO: Weftigii ugu cuslaa xisbiga UCID oo fagaaraha khayriyadda Burco kala hadlay Kumannaan taageryaal ah, iyo Xamaasaddii fagaaraha ee saaka +Sawiro -: 23 ,June ,2010
“Isu soo bixii u ballaadhnaa ayaa saaka taageryaasha xisbiga UCID isugu soo baxeen magaalada Burco, isu soo baxan saaka oo ka duwanaa isu soo baxyadii hore ayaa aad uga yaabiyey dadka iyo taageryaasha xisbiga UCID, waxaana fagaaraha khayriyadda Burco kala hadlay taageeryaasha xisbiga UCID Masuuliyiinta u saraysa xisbiga UCID oo ay ka mid ahaayeen Guddomiyaha Xisbiga UCID ahna murashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Eng-faysal cali waraabe, Murashaxa madaxweyne xigeenka xisbiga UCID Dr.Maxamed Rashiid Sh.xasan, Guddomiyaha Kuxigeenka 1aad ee xisbiga UCID Aadan M Mire waqaf, waxa iyaguna weftiga la socday balse aan fagaaraha wax khudbado ah ka jeedin G/kuxigeenka 2aad ee xisbiga UCID axmed xuseen fagfagaash, Guddomiyaha Baarlamaanka Somaliland C/raxman Cirro, Xildhiban Xusen Maxmed Cige , saynab xaji maxamed iyo masuuliyiin kale... ..” , .. ..............”



“Taageerayaasha xisbiga siyaasiga ah ee UCID ee Magaalada Gabilay ayaa maanta isu soo baxyo waaweyn oo ay ku taageersan yihiin xisbiga UCID +Sawiro -: 23 ,June ,2010
“Taageerayaasha xisbiga siyaasiga ah ee UCID ee Magaalada Gabilay ayaa maanta isu soo baxyo waaweyn oo ay ku taageersan yihiin xisbiga UCID ka dhigay magaalo madaxda gobolkaas. Taagaageerayaashan oo markii dambe isugu soo uruuray fagaaraha khayrida ayaa waxa kala soo qayb galay xoghayaha xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka dalka ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), guddoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga UCID Saleebaan Daahir C/laahi (Dogox), guddoomiye ku xigeenka ololaha doorashada ee xisbigaas xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa iyo xildhibaan Xaashi Xuseen... ..” , .. ..............”



“Faysal Cali Waraabe oo si Yaab leh kusoo Gabogabeenaya Ololaha Doorashada-: 23 ,June ,2010
“Gudoomiye Faysal waxa uu diyaarad khaas ah kusoo maray Magaalooyina Ceerigaabo iyo Burco iyadoo uu hadda ku sugan yahay magaalada Borama halkaas oo uu kula hadlay bulshada waxana la filaya ilaa makhribka inuu soo gaadho Hargeysa. Xisbiga UCID oo maanta u leh Ololaha ayna tahay maalintii ugu dambeysay ayaa isku dayaya inuu xasuus maguurto ah kaga tago quluubta shacabka Somaliland ... ..” , .. ..............”



Halka Daawo Xubno Ka Mid Ah Xisbiga UCID Oo Bulshada U Bandhigaya Sifahay Ku Raaceen Xisbiga, Ummadda Somalilandna Leh Siiya Codkiina Xisbiga UCID (Video).
“Taageerayaasha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Halkan Daawo Xubno Ka Mid Ah Xisbiga UCID Oo Bulshada U Bandhigaya Sifahay Ku Raaceen Xisbiga, Ummadda Somalilandna Leh Siiya Codkiina Xisbiga UCID (Video). ... ..” , .. ..............”



“Taageerayaal badan oo ka soo jeeda degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa oo ku biiray xisbiga UCID: 21 ,June ,2010
“Gudoomiyuhu waxa uu tilmaamay in xisbiga UCID ay ka go’antahay in waddanka laga hirgeliyo shareecad Islaamka munazalka ah, si loo helo caddaalada iyo horumar, isla markaana waxa uu ifiimiyey inay xisbi ahaan ka go’an tahay in waddanka laga hirgeliyo isbedel dhab ah oo dhinac kasta taabanaya, isaga oo u soo jeediyey guud ahaan shacab-weynaha Somaliland inay codkooda siiyaan xisbiga UCID. .. ..” , .. ..............”



“Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Wax-ba Kama Jiraan Ku Tilmaamay War Been-abuur Ah Oo Ay faafiyeen TV-ga Qaranka Iyo Radio Hargeysa : 21 ,June ,2010
“Waxa aan doonayaa in aan ka hadlo arrinta la yidhi Faysal Cali Waraabe ayaa yidhi UDUB ha la taageero, arrintaasi waa mid aan suurtogal maaha in aan idhaahdo ha la taageero xisibiga UDUB, Anigu waxa aan sheegaa in ay ku guul daraysatay sidii ay dadka wax ugu qaban lahayd oo ay ku fashilantay maamulka, waxa aan mar kale ku celinayaa in madaxweyne rayaale muddo sideed sano ah oo uu dalkan gacanta ku hayay uu ku fashilmay in uu dalka wax u qabto, waxa aan leeyahay shacabka reer Somaliland dadkii dadka isku diri jiray weli way nool yihiin markaa waxa aan idinka codsanayaa in aydaan noo maqlin wax ay dadka kale sheegayaan, waa in aad nagula xisaabtantaan wax aad afkayaga ka maqasheen oo keliya .. ..” , .. ..............”



“Faysal Cali Waraabe oo Si Wayn loogu soo Dhaweeyay Magaalada Borama +Sawiro : 20 ,June ,2010
“ waftigan ayaa hadaba markii ay soo gaadheen magaalada Borama waxaa soo galbiyay boqolaal gaadhiya wadada uu soo marayayna waxaa tubnaa dad kor u dhaafayay kumaan kun waxaana la odhan karaa dadkii joogay magaalada Borama oo dhan ayaa soo wada baxay hadaba markii uu soo gaadhay waftigu khayriyada ayaa halkaas waxaa ku sugnaa taageerayaashii ugu badnaa ee xisbiga ucid ay soo bandhigto waxaana halkaas ka muuqday saxmad aad u badan dadkuna waxa ay saarnaayeen geedaha iyo baabuurta dushooda markii ay qaadi wayday khayriyada Borama waxaana ay dadku iswaydiinayeen dadkan intan le'eg xagiii ay ka yimaadeen iyo goorta ay ku soo biiran Xisbigan qunyar socodka ah. . ..” , .. ..............”



“Xisbiga mucaaradka ah ee ucid ayaa maalintisi 6aad ee olalaha Dorashoyinka somaliland kadhigay wacdaro Gobalka sool iyo Degaano badan oo hoostaga Maqal iyo Muqaal halkan kadaawo: 20 ,June ,2010
“Halkan ka daawo dhoolotus aad loola yaabay oo uu xisbiga UCID ku soo bandhigay cududda laxaadka leh ee uu ku leeyahay Gobaolka sool. ..” , .. ..............”



“Bayaan Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada Iyo daryelka ahana Musharaxa Madaxaweyne :Xujo ayay nagu tahay: 20 ,June ,2010
“ Reer Somalilandow ballanteenu waa inaynu kor u qaadno Tawxiidka Calankeena ku qoran ee “Laa Illaaha Ilallaah, kuna dhaqano Kitaabka Alle (SWT) iyo Sunnaha Nebi Maxamed (SCW). Ballantani dhamaanteen waxay inagu tahay xujo. Haddii aanu fulin wayno anagay xujo nagu noqonaysaa, haddii aad nagu taageeri weydaana idinkay xujo idinku noqonysaa. ..” , .. ..............”



“Wacdarihii UCID ee saka iyo weedhihii C/raxman Cirro uu ka yidhi Fagaaraha."Kelmadda Tawxiidka iyo shareecada islaamka halku ka taaganyahay Mada 20 ,June ,2010
“C/raxman Cirro wuxu ku eedeeyey xisbiga UDUB iyo xukumadda in markii ay burburin kari waayeen dalka oo waxay ku bur buriyaan waayeen in caalamka ay ku casuumaan oo la duqeeyo, magaalooyinka somaliland oo dhan, markii uu tartanka ka hadhayna aanu dan ka lahayn dalka, wuxu ku wacyi geliyey shacabka in ay UCID u codeeyaan, fursaddana aanay iskaga ciyaarin, isagoo waydiiyey su´aalo badan oo ay k amidyihin "miyaynu doonaynaa shan sanno giinbaar sii socoto, miyaynu doonaynaa shan sanno wershado beena dhegaxaan la inoo dhigo, miyaynu doonaynaa shan sanno rajo beela, miyaynu doonayna shan sannoo dastuur ku tumasho ah..........." ayu yidhi Gudomiye cirro..” , .. ..............”



“Xisbiga UCID Oo Maanta Soo Bandhigay Isu-soo-bax Ka Nixiyey Labada Xisbi Ee KULMIYE Iyo UDUB + Sawiro + SAWIRO 20 ,June ,2010
“Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa maanta fagaaraha beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa ku soo bandhigay ku soo ban-dhigay isu-soo-bax ballaadhan oo qayb ka ah ololaha doorashada ee gabagabada ku dhaw. Boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga UCID, ayaa subaxnimadii hore saaka isaga kala yimi degmooyinka magaalada Hargeysa, iyaga oo watay baabuur fara badan oo ay ka lulmanayaan calannada iyo asmaata u gaarka ah xisbiga UCID, iyaga oo markii dambe-na isugu yimi fagaaraha beerta xoriyada, oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin sar sare oo ka mid ah xisbiga UCID.” , .. ..............”



“ Beesha Bariga Hargeysa Oo Si Xoogan U Muujisay Inay Taageero Buuxda Siinayso Xisbiga UCID + Khudbadii Gudoomiyaha Xisbiga + SAWIRO 19 ,June ,2010
“ Waxa uu weliba intaas ku ladhay oo uu yidhi “Anagu marka aanu Gobolada tagno diinta ayaanu ku furnaa. Madaxweyne Rayaale-na markii Balli-gubadle tegay Awr cas iyo Awr Madaw ayuu ku qalay, annagu garan mayno meel uu ka keenay labadaas Awr, laakiin annagu Kitaabka ilaahay iyo Sunnaha Rasuulka ayaanu gaynay, oo aanu annagu aaminsan-nahay, balse ma aaminsanin camal-shaydaanka iyo waxa ay shayaadiintu caabudo. Waddadaas ka bax iyo taas ha marin ma aaminsanin. Magaalooyinka waa weyn ka war-wageeg oo Tuulooyinka u hoyo ma aaminsamin. Waxa aanu aamin-sanahay dalka Somaliland in meel kasta la aamino. Waxa weeyaan, annagu waxa aanu nahay dad iimaankoodu xoogan yahay” , .. ..............”



“ Beesha Bariga Hargeysa Oo Si Xoogan U Muujisay Inay Taageero Buuxda Siinayso Xisbiga UCID + Khudbadii Gudoomiyaha Xisbiga + SAWIRO 19 ,June ,2010
“ Xafladaas oo lagu qabtay Hotel KAAH ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], Xoghayaha Guud ee xisbiga Muuse Inji, Xoghayaha arrimaha Gudaha Maxamed Ibraahim iyo masuuliyiin kale oo oo Golaha dhexe ee xisbiga ka tirsan, madaxda iyo taageerayaasha beesha bariga Hargeysa ee ee sida xoogan taageeradooda ugu soo wareejisay xibsiga UCID.” , .. ..............”



“ Beesha Muusa Dheriyo Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Si Buuxda Taageeradeedii Ugu Wareejisay Xisbiga UCID + SAWIRO 18 ,June ,2010
“ Xafladaas oo lagu qabtay Hotel KAAH ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga UCID oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga Saleebaan Daahir Dogox, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Gudoomiyaha Ololaha doorashada ee Gobolka Maroodi-jeex Mr Jiir, Suldaanka Beesha Muusa dheriyo Suldaan Naasir, odoyaasha, aqoonyahanka, Haweenka iyo dhaliyarada beesha taageeradooda ku soo biiray xisbigab UCID ee Muusa dheriyo. .” , .. ..............”



“ Xisbiga UCID Oo Xaqiijiyey In Dadweynaha Reer Gabilay, Tog-Wajaale iyo Deegaano Kale Oo Hoos Yimaadaa-ba Inay UCID Taageeransan yihiin + Khudbadihii +Sawiro 18 ,June ,2010
“ Wefti ballaadhan uu hogaaminayay Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta safar wax-ku-ool ah ku soo maray Deegaano badan oo hoos yimaada Gobolka Gabiley iyo Maroodi-jeex, isla markaana xaqiijiyey in dadweynaha ku nool deeganadaasi ay intooda badani taageersan yihiin xisbiga UCID.Safarkan kor-meerka ahaa oo qayb ka ahaa ololaha doorashada ee xisbiga UCID oo maalintiisii shanaad ah, ayaa waxa Gudoomiyaha ku wehelinayay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Ololaha doorasharada ee xisbiga Saleebaan Daahir, Xoghayaha guud ee xisbiga Muuse Inji, Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Xogayaha warfaafinta Kaysar Cadbilaahi Maxamed, Xoghaya maamulka iyo qorshaynta Maxamed Xasan Dirir, Gudoomiyaha xisbiga ee London Mustafe Kenedi iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan. .” , .. ..............”



“Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer oo Maanta Banaanbax ka Sameeyay Fagaaraha Khayriyada Burco-: 17 ,June ,2010
“ ageerayaasha xisbiga ucid oo aad u badna ayaa u muuqaday kuwo ku farxsana in ay ay u soo banana baxaan sidii ay tageeradooda ugu mujin laheyn xisbiga ucid ee ay tageersan yihiin. Waxaana halkaasi kala hadlay madaxda xisbigaasi . Ugu horeynba waxaa halkaasi ka hadlay gudomiya xisbiga Ucid ee Gobolka togdheer Md Cismaan Afgaab oo Bulshada halkaasi ku sugneyd u sheegay inaan isbadalka xisbga ucid doona aheyn qof qof lagu badlo ee noqonaayo isbadal dhaqan dhaqaale oo ilama gun iyo baara, X.Xuseen Maxamed Cige ayaa oo isna halakaasi ka hadlay ayaa madax weyne riyaale ku tilmaamay mid aan Togdheer cod iyo cudud tageera toona ka doneyn, isago intaasi ku daray in hadii u Togdheer u bahaan yahay aanu diyaar ku sii dul mareen kuna soo dulmareen, ee u iman lahaa, taasina waxay markhati cad ka tahay ayuu yidhi sida u gobolkan iyo dadkiisaba wax.” , .. ..............”



“DHOOLATUSKII XISBIGA UCID EE CEERIGAABO IYO MAANTA + SAWIRO -: 17 ,June ,2010
“ Iyadoo ay gashay maalintii shanaad ee ololohooda uqoondeeyeen komishanaka qaranka jamhuuriyada soomaaliland ayaa kumanaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga ucid ayaa saaka isaga soo baxay xaafadaha waaweyn ee magaalada cerigaabo waxaana ay sidii caadad ahayd socod kusoo mareen wadooyinka iyo shaaracyada waaweyn ee magaalada iyoga oo sita astaanta xisbiga boodhadh iyo istiigaro ay ku sawiran yihiin musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaana ay taageerayaashu socod ku galeen xarunta fagaaraha beerta xuriyada ee magaalada cerigaabo.” , .. ..............”



“ Taageerayaal Miisaan Culus Ku Lahaa Xisbiga UDUB Oo Ka Soo Jeeda Degmada Axmed-dhagax Oo Taageeradoodii Iyo Xafiisyadoodii-ba Ku Soo Wareejiyey Xisbiga UCID + SAWIRO -: 16 ,June ,2010
“ Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa galabta xaflad ballaadhan oo soo dhawayn u sameeyey masuuliyiin iyo taageerayaal miisaan culus ku lahaa xisbiga UDUB, oo shaaca ka qaaday inay taageeradadoodii iyo xafiisyadoodiiba ku soo wareejiyeen xisbiga UCID. Xafladaas oo lagu qabtay Hotel Scadanevian ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Ciro], Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire Waqaf, Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim, masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga UCID .” , .. ..............”



“Reer Balligubadle Oo Shalay Soo Dhaweyn Uu Heerkeedu Sareeyo Ku Qaabilay Guddoomiye Faysal Iyo Waftigiisa Oo Guure Gal Ku Soo Maray Ilaa Sallaxley -: 15 ,June ,2010
“ Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maalintii shalay ahayd soo dhaweyn laxaad leh kala kulmay dadka ku dhaqan magaalo madaxda gobollka Hawd ee Balligubadle. Guddoomiyaha oo ay socdaalkaa uu ku tagay magaalada Balligubadle ku wehelinayeen guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf, wasiirkii hore ee warshadaha Maxamed Saleebaan Weyne oo hada ka mid ah xisbiga UCID iyo waliba masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbigaas. Guddoomiyaha iyo waftigiisa oo ka soo ka soo kicitimay dhinaca magaalada Hargeysa, ayay taageerayaasha iyo xoghayaha gobolada ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) ay kaga horyimaadeen duleedka magaalada Balligubadle. .” , .. ..............”



“Musharaxa Madaxwayne kuxigeenka UCID oo si diiran loogu soo dhaweeyay Aboqays, Dagmo laqas, Waraqa,Aashocado iyo Holholka +Sawiro + Sawiro-: 14 ,June ,2010
“ Wafti uu horkacayay musharaxa madaxawayne ku xigeenka Xisbiga Ucid Dr:Maxamed Rashiid iyo Xidhiidhiyaha Gobolada Awdal/Salal dhinaca doorashooyinka ee xisbiga Ucid Mudane Axmed Mu’min Seed,Xildhibaan, Axmed siciid iyo xubno kale oo fara badan oo ka tirsan isla xisbigaas ayaa saaka aroortii hore waxa ay u ambabaxeen Deegaanada kala ah Aboqays, Dagmo Laqas, Waraqa , aashacado iyo Holholka. Deegaanadaas ay tageen Mas’uuliyiintaas ka tirsan Xisbiga UCID waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay taageerayaasha xisbiga Ucid ee ku dhaqan deegaanadaas.” , .. ..............”



“DADWEYNAHA REER HARGEYSA OO MAANTA SI CAJIIB AH U SOO DHAWEEYEY GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID IYO WEFTI UU HOGAANINAYAY + KHUBADADII UU U JEEDIYEY + Sawiro-: 14 ,June ,2010
“ Walaalayaal xisbigan caddaalada iyo daryeelka ee UCID waxaynu u samaynay in himada Ummada reer Somaliland 50-ka sano ku hamiyayeen inaanu hirgelino ayaanu doonaynaa, himiladii SNM in aanu hirgelino ayaanu doonaynaa, taas oo ah; kow in Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulka [NBKH] inaynu qaadano oo aynu isku xukuno. Waxaanu ku ballan-qaadnay in aanu Baynal-koodh-kii ka tuurno Maxkamadaheena, inaynu Kitaabka ilaahay qaadano ayaanu ballan ka qaadaynaa. Walaalayaal diinta aynu qaadanaynaa maaha mid culus ee waa tii la wada-tashanayay, waa tii xuquuqda Haweenka, Caruurta, Agoonta iyo xawaanka Ilaahay Sameeyey inta sugaysay, ee Nebiga Maxamed [NNKH] aduunka u soo saaray. Walaalayaal waxa aynu doonaynaa inaanu rogrogno oo aanu Aayad-aayad u raacno, isla markaana noqono Toosh ka soo dhex-baxa Adduunka oo weliba Tusaale u noqda.” , .. ..............”



“BURCO: ENG FAYSAL CALI WARABE IYO WEFTI UU HOGAAMINAYO OO SOCOD DHEER KU KALA BIXIYEY DEGMADA KALBARRE IYO DEEGANO BADAN OO HOOS YIMAADA G/TOGDHER-: 14 ,June ,2010
Musharaxa Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo saaka magaalada Madaxda Hargeysa Dib ugu soo laabtay ,Taageerayasha xisbiga oo gaadhayay kumanaana ay si weyn ay ugu soo dhaweeyeen magaaladda kagana hortegeen Tuulada Halleya..ayaa khudbad uga jeediyay Beerta Xoriyadda Ee Hargeysa taageerayaashiisa Halkan Ka Dhageyso ..............”



“BURCO: ENG FAYSAL CALI WARABE IYO WEFTI UU HOGAAMINAYO OO SOCOD DHEER KU KALA BIXIYEY DEGMADA KALBARRE IYO DEEGANO BADAN OO HOOS YIMAADA G/TOGDHER-: 14 ,June ,2010
“Guddomiyaha xisbiga UCID ayaa ugu horeynba hadalka ku fur furanayey hadalo dar daaran ah oo kula dar daarmayey dadka deeganadaasi cabsida ilaahay, waxaanu u degmo kasta iyo tulo kasta oo u cagta dhigo marka h ore u waaninayey si guud, isago ka wacdinayey waxyaabaha xun xun ee munkaraat ka ah, ugu danbayntii wuxu dadka deeganadaas ka xaal waraysaneyey xaaladooda nololeed isagoo waydiinayey baahiyahooda aasaasiga ah ee ay la’yihiin, wuxuuna u ballan qaaday in waxyaabo badan uu wax ka qaban doono, sidoo kale wuxu dadka deeganadaas guddomiyuhu u sheegay in shareecada , .. ..............”



“XAFLADII XALAYTO EE XISBIGA UCID LONDON IYO SOO DHAWEYNTII DADKII KUSOO BIIREY-: 12 ,June ,2010
“ Waxa Isna hadalkii la wareegay Gudoomiyaha Waqooyiga Magaladan London Rashiid Cali Maygaag Samatar oo sheegay in uu mudo badan uu ahaa taageero xisbigan UCID waxa uu carabaabay waxa xisbiyadu ku kala duwan yihiin isagoo sheegay inuu xisbigani dalka ku xukumi doono Cadaalad iyo Shareecada Islaamka,kuna taliyey in ay dadweynaha reer Somaliland ay u codeeyaan Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID. Waxa kale oo madasha ka hadlay Eng C/lahi Xasan Camay oo ah Xoghayaha Guud ee UK oo marka hore mahadnaq usoo jeediyey xubnaha kusoo biiray xisbiga intaa ka dibna sheegay in xisbiga kaliya ee waxqabad dhab ah keeni karaa uu yahay UCID sidaa daraadeed kula taliyey , .. ..............”



“xisbiga UCID oo maanta xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay taageerayaashii abid ugu badnaa-: 12 ,June ,2010
“ Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa maanta xaflad ballaadhan oo soo dhawayn u sameeyey tageerayaal culus oo ka soo jeeda deegaanka waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa oo ku soo biiray, kuwaas oo shaaca ka qaaday inay tageero hiil iyo hooba la gab taagan yihiin xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, isla markaana ay codkooda siinayaan. Xafladan soo dhawaynta ahayd oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuulitiin sare oo xisbiga UCID ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cabdiraxmaan-Cirro], Musharaxa Madaxweyen ku xigeenka UCID Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Xoghayaha Guud ee xisbiga Muuse Xaaji Maxamed Guuleed [Muuse-Inji], .. ..............”




Wararkii hore oo Keydsan


 


 

 


Copyright © 2000 Ucid somaliland

Take Me To The Top

 


has visited this page.

The political Party  UCID in Somaliland
P.O.BOX
Hargeisa, Somaliland
Tel:   002522424213  Fax.002522134501

  All rights reserved to UCIDPARTY IN SOMALILAND
For comments or questions about this page please contact:

Webmaster 

 

Heeso

Dalmar (M.Huryo)

Swedish-Somaliland Environmental Co-operation, SWE- GOLIS

Hadhwanaag.com

Dahabshiil Sweden

Redsea_Online

StarAir

DamalAir

DaalloAir

Heeso

Ururka Udub

Ururka Kulmiye

somaliland future

Somalilandnews

Qarannews

Halgannews

Hadhwanaagnews

Somalilander.org

Somaliland forum

Somalilandgov

Somaliland Democracy

Somaliland cons

Somalilandweb

Somalilanddk

SomaliLand Env

pastoralism
Radio Horyaal
Radio SomaliLand
Radio Hargeysa
BBC Soomaali 2pm
BBC Soomaali 5pm
BBC Soomaali 9pm
BBC News Arabic
BBC News English

Geeraar

 Press Releases by Somalilandforum Somaliland Forum's Response to the Report of the UN    Secretary-General (S/2001/963) on the Situation in Somalia
    of 11 October 2001