Justice and Welfare Party (UCID)

 


Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali waraabe ayaa maanta khubad ka jeediyey shirkii ay soo qabanqaabiyeen labada Xisbi

Hargeysa, Somaliland (UCID)



(Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali waraabe ayaa maanta khubad ka jeediyey shirkii ay soo qabanqaabiyeen labada Xisbi)

UCID 2006-07-28 ( JUMHUURIYADA SOMALILAND )
Republic of Somaliland



--------------------------------------------

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali waraabe ayaa maanta khubad ka jeediyey shirkii ay soo qabanqaabiyeen labada Xisbi, iyadii oo qodobaysana waxay u dhignayd sidan:


• Salaan
• Ilaahay hala xasuusto
• Mahadnaq dadka ka soo qab-galay.
• 2004-kii baan u soo badhigay Aqoon Isweydaarsigan Academyg-ga Horumarinta iyo Nabada, haday maanta inoo suura gashay ilaahay mahadii weeyaan.

• Nin baa igu yidhi, Dadkiina idinkaa lumiyey, maantana idinka ayaa luminaya, markaad tidhaahdeen Dalkayagii waanu xoraysanay, ayaad albaabada xidhateen.
• Dhibaatada haysata koonfur waxay ka bilaabantay Waqooyiga.
• Nin ka Dagaal oogaha ah ayaa inagaga ixtiraam badan Caalamka.
• Cunaqabatayn aan aduunka loo sheegin ayaa ina haysata, taas oo Dawlado waaweyn baabiisay.
• Hadaba, waxa isweydiin leh ma ka hawl-galnay, Shacbigii Somalia oo qadiyadeenii ka dhigay min xaaraaan ah, waxaan la sheegaystay dad badan oo Somaliya ah, waxaanay ogayn in la ina baabiyeen, waxay ku odhanayaan oo yaan la baabiin, waa inaynu ka raaridno Dadkeena Somalia qadiyadeena.
• Midnimada Somalia ee Somaliweyn, maaha Somlailand iyo Somalia, waa shanta Somaliyeed waana in loo sheegaa wadama IGAD taas.
• Itoobiya aad baynu u soo dhaweynay gacmaha ayyeynu u furnay laakiin ilaa hadda ma hayno kaalinteenii itoobiya ina siin lahayd, oo inoogama duwana Dawladaha Jaarka, waxay caawinaysaa C/laahi Yuusuf oo aynu Jaar nahay iskuna ahaysano Gobolo.
• Waxa weeyaan inaynu Carabta Si fiican ula xisaabtanaa, Calanka Somalia waxa Arab leage saaray Nin u dhashay Somaliland.
• Inaynu ka shaqaysano ayeynu u baahanay Maraykanka wuxuu la socday oo waa ka war-hayey Xasuuqii, Horumarkii Geesdi Socodka Dimuqraadiyada, waa in laga hawl-galaa sidii looga dhaadhicin lahaa qadiyada Somaliland.
• Ictiraafka looguma ololayn sidii loo baahnaa, waxaad moodaa inuu soo dagaayo, wadamada jaarka qaarbaan ogayn inaynu Lixdankii markii aynu Gobinimada qaadanay aynu ahayn Dawlad gaar ah.
• Waxa la yidhi Inan Aamusnaanta ayaa lagu meheriyaa, labadii sano ee ay Guurguuranaysay dawlada C/laahi Yuusuf, ayeynaan Juuq ka odhan.
• Jaa’isada lagu siiyey C/laahi Yuufus Madaxnimada waxa ka mid ah Laas-caanoodu qabsaday.
• Waxa weeye inaynaan qadiyadeena ka dhigin mid lala dhuumanayo, waa mid loo dhintay laga soo shaqeeyey, dalku marka uu gudaha ka dhisan yahay ayuu dibeda wax ka noqon karaa.
• Waxa haboon innaynu gudaheena hagaajino, waa inaynu dalkeena midayno, waa in la sameeyo Dawlad tayo leh oo UDUB ah. Oo dadka ka haysata Taageero (Support), Dawladu hadaanay shacbiweynaha intiisa badani ayidsanayn dee ma shaqaynayso.
• Waxa ku jira Dawlada Dad aaynaan garanayn meeshay ka yimadeen oo aan S-tiina ku jirin, oo daaqada inaga soo galay, isha alaahu tacaala ilaahay ha inaga celiyo.
• Waxa loo baahan yahay in la adkeeyo Wasaaradda Daakhiliga, oo la adkeeyo Nadabgalyada, oo ay noqotaa mid aduunka wax u doonan karta.
• S/land bilaa roodhiya, bilaa laydh ah, bilaa Shaqo ah, bilaa cadaalad ah miyaa la caabudayaa, waxaad maalin kasta BBC-da ka dhagaystaa dhalinbyaro baduhu liqayaan waa dhalinyarteenii.
• Dhulkii Somaliya la odhan jiray JNA waxay u qoondaysay dhaqaalaheeda, laakiin ma hubno inay Laascaanood dhaqaalaheeda inoo suu dhiibyanaa, haddii ay inoo soo dhiibi waayaan waa inayu cod midaynsan kaga jawaabnaa.
• Waa in Aynu si wada jir ah iskugu nimaadnaa oo aynu ka wada hadalnaa JNA-da kuwa wada oo inaga oo midaysan nidhaahnaa waxaasi qaranimadayada ayey wa yeelaysaa.
• Aaga hore, Cidamada jooga uma tagto, Ciidamadaasi waa go’doon, Ciidamadaas waxa u baxa afar Idaacadood oo aynaan midna lahayn, waxaan jecelahay inaynu u tango oo aynu soo siyaarano, riwaayadihii loo geeya oo mooralkooda la soo dhiso.





 



 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM