Ciidamada Duulimaadka Ku Qabsaday Laascaanood Oo Hal Nin Ku Dilay
Saddex Kalena Ku Dhaawacay



    Laascaanood (Halganews): Hal Nin ayaa dhintey saddex kalena way ku dhaawacmeen
    ka dib markii ciidamada duulimaadka ku qabsaday magaalada Laascaanood ay rasaas
    ooda kaga qaadeen gaadhi ay saarnaayeen koox ka tirsan ciidamada deegaanka
    Laascaanood ee taageersan Somaliland oo ka soo baxay saldhig ay ku leeyihiin duleedka galbeedka ee magaalada Laascaanood oo doonayey inay magaalada galaan, markii uu ku soo dhawaaday kaantaroolka galbeed ee magaalada Laascaanood oo ay joogaan ciidan ka tirsan ciidamada maamul goboleedka C/laahi Yuusuf oo salaasadii todobaadkii hore duulimaad ku qabsaday magaalada Laascaanood saaka.
    Ciidamada duulimaadka ku qabsaday Laascaanood ayaa la sheegay in ay rasaasta ku
    fureen markii uu ku soo dhawaaday gaadhiga ay wateen Dad rayid ah oo watay gaadhigaasi iyagoo ahaa dadka taageersan Somaliland, taas oo sababtey inay tacshiirad isweydaarsadaan, isla markaana uu halkaa ku dhinto nin Saarnaa gaadhigaasi   halka ay saddex
    kalena ku dhaawacmeen.

    Ninka dhintey ayaa la sheegay in maantaba lagu aasay magaalada Laascaanood, iyadoo ay dadka magaaladuna arrintaa aad uga gadoodeen, isla markaana gebi ahaanba magaalada
    Laascaanood laga dareemayey jewi colaadeed.

    Ugu yaraan 9 jeer ayey odayaasha iyo waxgaradka magaalada Laascaanood u tageen ciidanka duulaanka
    ku qabsaday magaalada, isla markaana ay u sheegeen inay  isaga baxaan, balse
    taasi dheg umay dhigin, inkasta oo ay koonfurta magaalada Laascaanood oo uu degen yahay Garaad  C/Qani Garaad Jaamac ay joogaan ciidan beeleed
    hubaysan oo ilaalinaya, taas oo sababtey inaanay ciidamada duulaanka ku qabsaday magaaladu u
    gudbin dhinaca Koonfurta magaalada, iyaga oo ka baqe qaba inaanay isku dhicin
    ciidamada ilaalinaya guriga Garaad C/Qani, halka ay dhinaca galbeed ee magaalada
    meel aan sidaa uga fogeyn oo ay rasaastoodu is-gaadhayso oo la yidhaahdo Xergaga
    ay hoganayaan cutubyo ka tirsan ciidanka Somaliland, kuwaas oo ah ciidankii
    deegaanka oo Caynabo hore loogu raray balse imika u soo guurey dhinaca magaalada
    Laascaanood.

    Laakiin saaka ayaa gaadhi ka tirsan ciidankaasi damcay inuu u soo baxo dhinaca magaalada, balse
    markii ay ku soo dhawaadeen kaantaroolka galbeed ee magaalada ayey rasaas ooda
    kaga qaadeen ciidanka duulimaadka ku qabsaday magaalada oo kaantaroolka ku
    sugnaa, taasina waxa ay sababtey inuu hal nin ku dhinto saddex kalena ku
    dhaawacmaan, ninkaasna waxa lagu aasay magaalada, laakiin dadkii magaalada oo nka cadhaysan dilka ay geysteen ciidamada duulimaadka ku qabsaday magaalada ayaa
    ilaa imika is-urursanaya.” Sidaa waxa yidhi nin weriye ahaan jirey oo lagu Naanayso Shoode oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay.

    Wararka kale ee aanu ka helnay Laascaanood ayaa sheegaya in dadka deegaanku gawaadhi badan siiyeen ciidanka deegaanka ee taageersan  Somaliland, laakiin waxa ay wararku intaa raaciyeen in ciidamada ku soo duulay magaalada ee ka yimi dhinaca Garoowe tiradoodu tahay ilaa 70 nin oo wata lix gaadhi oo ay saran yihiin qoryaha baroonka loo yaqaan.

    Ilaa hadda ciidamada Somaliland uma gudbin dhinaca magaalada Laascaanood balse
    waa ay dul-joogaan meel aan waxba ka fogeyn.

    Dadka deegaanka Laascaanood ee maatada iyo haweenka ayaa iyagu aad uga walaacsan xaalada, iyaga oo ka cabsi qaba dagaal halkaa ka qarxa, laakiin dad kale ayaa jira oo iyaguna aaminsan in cidii qabsataaba cidii kale tahay, halka ay dadka waxgaradka ah intooda badanina aaminsan yihiin in loo baahan yahay in ciidamada  soo duulay ay isaga baxaan magaalada.

    Si kastaba ha ahaatee ilaa hadda lama sheegin wax intaa dhaafsiisan oo ka soo baxay dhinaca xukuumada Somaliland, balse wararka dhinaca Laascaanood waxa ay intaa ku darayaan in maanta gabalku ugu dhacay dhibaato la’aan marka laga reebo dhimashada iyo dhaawacaa. Laakiin dadka deegaanka ayaa aad uga cadhaysan waxaanay wararku sheegayaan inay jiraan ciidamo badan oo is abaabulay oo doonaya inay dagaal ku qaadaan ciidamada soo duulay, ee qabsaday magaaladoodii.

    Wixii warar ah ee ka soo kordha waanu idinla socodsiin doonaa

    M. Amiin Jibriil Halganews


    correspondent In Somaliland

     

    CADAMI.

 



Go back to the main page