Xisbigu wuxuu sameyn doonaa isbadal weyn oo Qaran
iyo Bulsho, waxa uu ku dhaqaaqi doona in uu gunta ka jaro habdhaqankii
iyo maamulkii ku dhisnaa Musuqmaasuqa, Caddaalad darada, Diin la'anta
iyo Beelaha. Wuxuu ka shaqayn doonaa in u aabaabulo bulsho Iimaan iyo
Aqoon leh, ku abtirsata Diinta Islaamka iyo Sunihii Nabigeena Suuban
"SWCS". Wuxuu xisbigu u taagan yahay sidii Somaliland looga
hirgalin lahaa dowlad casri ah oo ku dhisan sharci iyo nidaam
dimuqraadi ah dadkuna u siman yahay sida ay ugu siman yihiin Illaahay
hortii iyo sharciga hortiisaba. Dowlad ku dhisan nidaam, sharci, kala
dambeyn iyo hay’addo, bulsho wax u cunta in ay noolaato ee aan u
noolayn in ay wax cunto "Society eats to lives but, not lives to eat.