Ma Laga Yaabbaa In Aynu

Somaliland Dhigno Badka Khamaarka?

 

Waxa lagu jiray wakhtigii ugu adkaa oo uu jiray werwerkii ugu weynaa ee aayaha Siyaasadeed ee Somaliland. Khilaafkii Siyaasadeed, ayaa ku siqayay figtii ugu saraysay, kala qaybsannaanta aragtiduna waxay ahayd mid iscelcelisa, markii uu Koonfur Afrika ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal (Illaahay ha u naxariistee).

Lama filaan-nimada geeridii xaqa ahayd oo iyana werwer guud lahayd, kadib sidii degdegga ahayd ee talada loogu wareejiyay Ku-xigeenkiisii, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynaha hadda ee Somaliland ayaa jawigii cakirnaa wax weyn ka beddeshay. Markiiba waxa xaraaradooda dejiyay Salaadiintii shirweynaha Qaran ku baaqayay iyo siyaasiyiintii la ologga ahaa. Waxa dumay gidaarkii wada-hadalka ku oodnaa, haddii mar la wada-hadlana sida qaalibka ah waxa yimaadda is-faham, taasina waxay horseeday in isbahaysiga mayalkiisu adkaa ee ASAD oo hore u qaadacay hannaanka doorashada isagoo taageersannaa baaqa Salaadiinta ee shirweynaha Qaran uu is-diiwaangeliyo. Isla markaana waxa abuurmay oo is-diiwaangeliyay urur-siyaasadeed cusub oo aragtida hoggaankiisu ahayd mid dhexdhexaad ka ah khilaafkii murugsanaa ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo Mucaaridka, bilihii u dambeeyay nolosha Madaxweynihii hore.

Isbeddelka nabadgelyo ee dastuuriga ah oo dhinaca beesha Caalamka macne weyn sameeyay ka sokow, horumarkan iyo isu soo dhowaanshahan Siyaasadeed, waxa uu salka ku hayaa dhawr qodob oo waaweyn oo ay ka mid yihiin; baxnaannada hoggaamiyaha cusub, xeerin dhaqan iyo debacsanaan daacadnimo, iyo ballanqaadyo wax ku ool ah oo uu sameeyay Madaxweyne Rayaale, maalmihiisii u horeeyay kursiga ee uu la kulmayay Mucaaridka.

Ma cadda, si gun ahna looma oga waxa intaa dhaafsiisan ee la isugu minguuriyay ama lagaga heshiiyay Mawqifyadii kala durugsannaa ee laga taagnaa geeddiga Somaliland. Waxaase meesha ka baxay aragtidii Shirweyne Qaran, waxaana cagta la wada saaray jidka doorashooyinka asxaabta badan, iyadoo toddobaadyadan u dambeeyay xawli laxaad leh lagu dhaqaajiyay ololaha Asxaabta.

Waxa kale oo afka oodda laga saaray, si degdeg ahna loo curdin dhadhiyay haasaasaha muddo-kordhin la rajeynayay in hoggaanka cusubi uu ku tala-jiro inuu dalbado, taas oo ahayd mid gar macquul ah loo arkayay.

Marka Haddaba laga yimaado, dareen si hoose u soo baxaya oo sheegaya in doorashada ugu horreysa ee dawladaha hoose oo loo muddeeyay bisha Oktoobar ee soo socotaa ay tahay mid tijaabo ah oo uu Madaxweyne Rayaale ugu qiil-banaysanayo muddo-kordhin ilaa ay dhacayaan labada doorasho ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo aan iyaga weli wakhtigooda la cayimin, waxa muuqata in ay soo oodmeen dhammaan-ba aragtiyihii iyo tallooyinkii barbaryaallay doorashada hannaanka xisbiyada badan, ama “Nin iyo Codkiisa.” Waxa lagu jiraa geba-gebada muddo-kordhintii u horeysay ee sharcigu oggolaa, taas oo sintay ama wakhti isku dhow ka dhammaanaysa saddexda Gole Qaran, halkii kordhinta ka hor, Golaha Guurtidu uu baaqi noqonayay hal sanno. Sidaa darteed, waa in ay dhacdaa doorashadu, muddada hadhay gudaheeda. Ha dhacdee, jidka keliya ee inoo furani ma yahay mid badbaado oo lagu nabadgeli karo? Mase lagu guuleysan karaa?

Inkasta oo tallaabooyin dhiir-dhiiran la qaaday ilaa hadda, dad badani u darban yihiin doorashada, shuruucdii iyo shuruudihii muhiimka u ahaanna badankooda la fududeeyay, haddana ma werwer la’a marka si dhab ah la isu barbar-dhigo faa’iidada laga eegayo iyo khasaaraha ka iman kara iyo weliba guusheeda iyo fashilkeeda.

Waxaynu haysanaa shan bilood oo keli ah, haddii ururadu ku wada-qancaan qaabka guddida doorashadu ku tala-jiraan in tirakoobka cod-bixyayaasha lagu sameeyo goobaha cod-bixinta u horreysa, Gobolka Sool ee lagu muransan yahay Maamulkiisa hadda la abqaalayo, muddadaa kooban ma tamarin karaa, dadkeeduna ma ugu diyaar garoobi karaa doorasho? Mise sida Aftidii Dastuurka ayay noqon doontaa?

Inta aan taaba la gaadhin koritaanka iyo bislaynta ururada Siyaasadeed, ayaa ah hawl aan la fudaydsan karin. Ururadan oo kuwa ugu da’da weyni gu’ jir yihiin, waxay ku dhismeen xaalad saawa-saawe ah oo jibo iyo yaan lagaa tegin ah, sees adagna aan lahayn. Khilaafkii gudeed ee dhawaan kala dhambalay urur ka mid ah, kuwa ugu laxaadka weyn ururada SAHAN, kaas oo baajiyay Shirweynihiisii, ilaa haddana ku kala maqan “Car iyo Wirtii” madasha shirka la isku mari waayay. Burburka ururka ILAYSKA ka dhigay saddexda fariiqo oo mid waliba ILAYS gaar ah sito, iyo UDUB laftiisa beryahan dambe guux hoose laga sheegayay, ayaa lagu tilmaami karaa astaamo laga saadaalin karo khatar ka iman karta qaan-gaadh la’aanta ururada gudahooda oo haddii murankoodu sii murgo qaabayn kara kooxo iska soo horjeeda oo loo maara waayo, iyada oo ay lama huraan tahay in khilaafka iyo loollanka hadda taagan, hoggaaminta urur uu gaadhi doono bulsho-weynta ama la qiyaasi karo baaxadda uu khilaafka, muranka iyo kala-qaybsannaantu yeellan doono, marka degmo yar oo sabool ah ay iska soo sharaxaan sagaal nin oo isku beel ah, ama beelo kala duwan ah, kuna tartaman. Waxa khilaafaadka noocaas ah, khatar iyo dab sii huriya u ah hubka shicibka gacanta ugu jira.

Dhinaca kale, Madaxweyne Rayaale, ayaa u muuqda inuu durba luminayo kalsoonidii iyo aamminkii ay mucaaridku ugu soo joogsadeen, kadib markii uu toddobaadkan bilaabay inuu dib boodhka uga tumo ururka Xukuumadda ee UDUB, isla markaana uu caddeeyay inuu isagu musharax Madaxweyne u yahay ururkaas, waxaana markiiba ku kulmay weeraro kaga yimi ururada waaweyn ee Mucaaridka. Madaxweyne Rayaale, soo-jiidashadiisii Mucaaridka waxa loo fasirtay inuu dhisayo dawlad dhexdhexaad ah, ama loo dhan yahay oo dalka dhaafisa marxaladdan. Waxa kale oo la filayay, aadna loogala hadlay in uu dhexdhexaad u noqdo ururada Siyaasadda, UDUB iyo dawladdana uu kala saaro, taas oo qayb-weyn ka ahayd arrimihii ay isku hayeen Mucaaridka iyo Madaxweynihii hore. Laakiin, waxaas oo dhammi waxay noqdeen af-gobaadsi, ciyaartuna waxay u muuqataa in ay halkeedii ka bilaabanto.

Ma aha runtii, hungo iyo bar-kuma-taal doorashada xorta ah. Waa imtixaan, haddii aynu ku najaxno laga rajeynayo guriga samo in aynu ku degno. Waxa ugu weyn ee aynu ka filaynaa, waa in beesha Caalamku ina siiso aqoonsiga diblomaasiyadeed ee Somaliland 11-ka sannadood baadi doonka ugu jirtay. Waxana la dareensan yahay in arrintan doorashooyinka ay si weyn u dhiiri-gelinayaan saaxiibadda Somaliland ee dibadda iyo dalalka reer galbeedka qaar ka mid ah oo waxooggaa u qushuucsan dimoqraadiyadda ka soo ifaysa gobolkan yar ee ku yaalla Geeska Afrikada faraha lagaga gubtay. Ma hubo in dhiirintaas iyo boorintaas oo dhammi tahay nasteex, marka aan ogahay sida beesha Caalamku u hagratay Somaliland iyo sidii ay layaabka iyo qaadan-waaga ugu noqotay in dalkan iyo dawladiisu ka soo hadheen Madaxweynihii geeriyooday oo sagaalkii sannadood ee uu ka talinayay ay beesha Caalamku u arkayeen hoggaamiye-kooxeed keligii goostay gobolkaas. Sidaa darteed, waxa laga yaabaa in, in badan oo beesha Caalamka ahi ay u danaynayaan doorashada in ay tahay tajriibadii u dambaysay ee Somaliland quruskeeda meel la iskaga dhigi lahaa ama ay kaga mid noqon lahayd xaaladda Soomaaliya.

Waxayna iila muuqataa in ay badiba Reer Galbeedku quuddaraynayaan dhinaca rajada xun leh, maadaama hannaanka Somaliland yahay mid madaxbannaan oo aanay haba-yaraatee, wax talo iyo tilmaan ah ku lahayn iyagu, kuwaas oo lagu yaqaano in aanay raalli ka noqon wixii aanay gacantooda ku samayn.

Si kastaba ha ahaatee, marka la eego duruufahaas badan, waxa la is-weydiin karaa ma laga baqe-qabaa in wadiiqadan keliya ee aan haysanaa ay inaguna af-beesho sursuur oodan? Mase loo taag hayaa khasaaraheeda, ilayn khayr wax kaama dhibo’e? Runtii waa mid ay tahay in xisaabta lagu darsado, iyadoo la ogyahay in doorashooyinka noocani ay yihiin kuwo daafadoodu ay gilgisho qaramo jirid adag, inta badana ay ku fashilaan qaramada taagta daran ee dunida saddexaad. Somaliland oo ah dal aan la aqoonsanayn oo taag yarna, waa ka sii xag-jiraa, waxayna iila muuqataa khamaar in aynu dhiganay Somaliland, kaas oo ah “Xarash iyo Madax” midna aynu ku helo Qaran-nimada Somaliland, ka kalena la inagaga helo. Marka ilaa xadkee ayaynu isku hallayn karnaa khamarkaa in aynu ku helo. Waxay ila tahay in aanay haboonayn in lagu degdego khamaarka noocaas ah, ama si feejigan oo caynaano leh loo galo.

Nin Alle-ka-kood ahaa, ayaa isna laga hayaa “Kitaab Alle dantay ma oga.” Anigoo aan ka dayrinayn doorashooyinka oo hadda ah jidka keliya ee la isku raacsan yahay, haddana waa in Maskaxda lagu hayaa in beesha Caalamka ee “Ballagga inoo heshay” aanay danteena ogeyn. Sidaas darteed, dhiiri-gelintooda waa in laga hormariyaa talada iyo tawfiiqda gudahee dalkeena.

C/risaaq M. Dubad



Go back to the main page