Marka hore waxaan salaan u diray dhammaan ummada reer
somaliland ee ku nool dacallada aduunka, waxaan
kale oo aan salaan gaar ah u dirayaa dhammaan dhalinyarada
reer Somaliland ee ku howlan dib u dhiska dalkooda hooyo, waxaan iyana
si gaar ah salaan hawada u soo marinayaa dhammaan
saxaafadda xorta ah, gaar ahaan kuwa sida
gaarka ah ugu howlan inay xidhiidhiyaan ummada reer Somaliland,
meel ay joogaanba.
Intaas markaan ka soo gudbo, waxaan ahay nin
reer Somaliland ah, dhalinyarona ah, islamarkaana
ah dadka sida gaarka ah u la socda arrimaha siyaasadeed ee Somaliland,
gaarahaanna, waxaan
aad u la socdaa dhaqdhaqaaqa xisbiyada reer Somaliland. Waxaanan ku noolahay wadanka
boqortooyada ingiriiska, gaar ahaan London.
Waxaan beryahan dambe boggaga somalilanders, aan ku arkayey warar aad iskaga soo horjeeda oo ku saabsan Xisbiga
Ileyska. Iyada oo uu xisbigii u kala jajabay
qeybo badan,
islamarkaasna ay ummada reer Somaliland aanay Ilaa hada xaqiiqada hayn,
waxa jiraanna aanay la socon. Sidaas daraadeed waxaan jeclaystay inaan
wax kaga qoro
maqaalkan aan ugu magac daray: Maxaa ku Habsadey Xibigii Ileyska Somaliland Yaase
ka Masuula ah?
Anigoo ah nin si gaar ah u daneeya Xisbigii ILEYSKA Somaliland
, kana mid ah
taageerayaasha waaweyn ee xisbigu lahaa, mudo aad u
badana, ka qeyb gali jiray
shirarka iyo xafladdaha uu ururka qaban jiray,
saaxiibo badana ku leh
ururka dhexdiisa, golaha dhexe iyo xubnaha guudba,
isbidayay inaan ahay
nin xoogagaal u ah ururkaasi.
Mudo hadda laga joogo laba sanadood ayay ahayd markii lagaga dhawaaqay magaalada London
Xisbigii Ileyska Somaliland , kuwaas oo ay ku
dhawaaqeen dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka kala yimid cirifyada Somaliland ,
oo gartay inay waajib ku tahay inay waxa u qabtaan dalkooda hooyo.
Waxaa u muuqatay in sida keli ah ee ay wadankooda kaga saari karaan
hab siyasadeedka soo
jireenka ah ee ku habsadey, una keenay horumar
la¡Šaanta, inay dhalinyaradu yihiin kuwa ka
saari kara mugdigaas ay
ummadoodu mudada dheer ku soo jireen,
Waxaanay garteen inay sameeyaan Xisbigaasi.
Xisbiga Ileyska Somaliland waa bilowgii guusha, waxqabadka,
caddaaladda, wadajirka,
horukaca iyo xoriyadda ee Faca cusub. Xisbigani waxa uu ku salaysan yahay afkaar
siyaasi ah oo mideysan, kana fog koox, qabiil iyo gobolba, kana duwan
ururradii iyo
kooxihii siyaasadeed ee dalka soo maray iyo kuwa hadda jiraba.
Ereyadaasi iyo qaar kale oo aad u badani, waxay ka mid ahaayeen halkudhigyadii faraha
badnaa ee astaanta u ahaa xisbigii ILEYSKA Somaliland.
Aad bayse u qurux badnaan lahayd inay arrintu sidaasi ahaato, (Waase waxa la waayey).
Islamrkaasna xisbigii baa burburay. Waydun la socotaan dhalinyaradii hadaladaasi
halkudhiyada u ahaayeen, in ay maanta ku
dambeeyeen burbur iyo kala qaybsanaan ,
(Waase Waxa Laga Naxo).
Waxaase hubaal ah in ay dad aad u badani ay is waydiinayaan Sideed ayey waxa u dhaceen,
maxaase sabab u ahaa???
Mudo hadda laga joogo sanad ayaa golahii dhexe ee xisbigu
lahaa oo ka koobnaa 18 qof, shir ay isugu yimaadeen ay ku doorteen inuu gudoomiye ka
noqdo Mde: Ibraahim Sulayman Ducaale, isaga
oo xilka kala wareegay ninka la yidhaa Mde:
Cusmaan Abokor.
Muddo aad u yar kadib, ayaa xisbigii waxaa
ka dhex dhashay muran iyo is afgaran waa aad
u weyn, kaasi oo keenay in ay lunto kalsoonidii uu xisbigu lahaa markii hore.
Murankaas oo ka dhashay qaabka uu Mr: Ibraahim Talaabo u maamulayey xisbiga,
iyado ay u
muuqatay inuu ka leexday hadafkii iyo ujeeddadii loo aasaasay xisbiga
Muddo yar kadib, waxaa xisbigii laga eryey Mde:
Cusmaan Abokor oo markaas ah Afhayeenka Guud
ee Xisbiga iyo Xubno kale. Mde: Cusmaan Abokor waxa uu ahaa aasaasayaashii
xisbiga, islamarkaasna waxa uu ka midka ahaa dhalinyarada, kuwa ugu firfircoon ee xisbiga ku
jiray.
Kadib, waxaa xisbigii ku soo batay murankii iyo is afgaranwaagii, waxayna dhalisay inay
Xubno badan oo ka tirsan golaha dhexe ka baxaan xisbigii iyagoo aan ku qanacsanayn
habka uu Mr: Ibraahim Talaabo u wado iyo arrimo
kale oo badan. Markaasi ayey ahayd
markii ugu horaysay ee ay luntay kalsoonidii loo qabay xisbigaas.
Mar labaad, waxaa dhalatay is afgaran waa aad u
weyn oo keenay in golahii dhexe
ee xisbiga ee markaas joogay ay kala jabaan,
sababta oo ahayd in ay xubnaha intooda
badani ku soo oogeen in gudoomiyuhu uu ku xadgudbay,
islamarkaasna uu si toosa u
jabiyey dastuurkii uu xisbigu lahaa, sababo jira awgood.
Sidaas daraadeed, ayaa xubnaha intoodii badnayd ay garteen in
xisbigii Ileyska
Somaliland uu marayo meel aad u xun, islamarkaasna ay
habboontahay in la helo si kale oo lagu gaadho hadafkii iyo ujeedooyinkii Xisbiga loo abuuray.
Waxayna garteen in sida taas lagu gaadhi karaa ay tahay ama ay
habboontahay in lagu biiro
asxaabta kale ee jirta, kii ay isugu aragti
dhawyihiin. Waxayna garteen in Xisbiga Hormood yahay ka
buuxiyay
fikirdahaas ay qabaan.
Taasi oo ay taageero aad u badan ka kaga heleen ummada reer Somaliland ee ku
kala nool dacallada adduunka. Waxaase halkaas ka muuqata dhalinyaradii isu timid
ee gartay in ummaddoodu iyo wadankoodu u baahanyihiin
isbedel siyaasadeed, aanay isku
si wax u wada wadin, laakiinse ay isugu jireen laba qaybood oo kala ah :
1:Dhalin yaro ay daacad ka tahay hadafka
iyo ujeedooyinka ay u sameeyeen xisbiga , kuwaas oo aan qabo
inay yihiin kuwa
gartay in loo baahan yahay xal kale oo lagu gaadho hadafkaasi iyo ujeedooyinkaasi
loo sameeyey xisbiga, gartayna (Gacmo wadajir bay waxa ku gooyaan).
Haddii aanu
nahay taageerayaasha guudna, waxaanu taageero buuxda u soo jeedinaynaa dhalinyaradaa
garatay in xisbi nin keli ahi wato, aanu wax horumar keeneynin.
2: Iyo dhalin yaro ujeedadoodu ahayd:
wax noqda oo raadsada sidii aydun waxa u heli
lahaydeen , islamarkaasna ay ku jirtay
xukun jaceyl iyo munaafaqado kale , gartayna in ay beenabuur madaxtinimo ku
raadasadaan, iyadoon wakhtigeedii la joogin,
islamarkaasna beeneeyey hadaladii ay ku
dhawaaqi jireen ee ahaa: waxaanu nahay FACA CUSUB.
Waxaanu si cad u
cambaaraynaynaa
dhalinyarada sida xun, ugu tagri fashay magaca Xisbiga. Hadaba akhristoow ma ka
jawaabi kartaa su'aashii ahayd ; Maxaa ku Habsaday
ILEYSKA ,Yaase ka Masuula ah?????? .
3-: Waxaa
ka mid ahayd mabaadiidiin Ururka in loo hawlgalo sidii dalka oo dhan looga dhegaysan lahaa Radio Hargeysa oo
wax weyn ka tari lahayd warbaahinta iyo wacyigelinta dadweynaha. Waxa kale oo ay ururku u
mahadnaqeen guddiga dooroshoyinka Somaliland iyo golayaashii qaranka ee dhamaystiray
shuruucdii loo baahnaa.
Jawaabtu waxay tahay burburka iyo baaba'a,
waxaa ka masuul ah dhalinyarada, aan ku
soo qeexey qodabka labaad(2:d), gaar ahaan kuwa
weli wax raadiska ah.:-
For comments or questions about this ARTICLE please contact:
Saeed Ali Mohamed.