Ujeeddo: Tacsi


Marxuum Axmed Muuse Geedi


Hogaanka sare ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) Gudoomiye Faysal Cali waraabe, Gudoomiye ku xigeenka Adan Maxamed Mire Waqaf, Xoghayaha Guud Maxamed Xasan Baashe, Afahayeenka Xisbiga Xasan Xuseen Maxamed, xubnha guddiga Fulinta iyo G/dhexe iyo dhamaan tageerayaasha xisbiga UCID yar iyo weynba waxay tacasi tiiraanyo leh u diryaan Ehliyadii iyo qaraabadii uu ka baxay Xoghayihii hore ee xisbiga UCID.


Marxuum Axmed Muuse Geedi (Sanjab)


Oo shalay magaalada London ee cariga ingeriska u geeriyooday


Waxaanu Eebo uga baryaynaa innu janadii fardowsa ka waraabiyo dhammaan qoysaskii, ehliyadii iyo qaraabadii ay ka baxay, ka wada siiyo samir iyo iimaan.


Marxuum Axmed Muuse Geedi (Sanjab, wuxuu ahaa halgaa weyn oo aan marna ka daalin, danta guud iyo tan xisbiga inuu hawlgalo, xitaa muddadii dambe ee uu xanuunsanayay:


BAROOR DIIQ: GEERI SANJAB BAY SHEEGAYEEN, GACAL HA WAAYEEN,
GABAL BAA U DUMAY, GODANKII UCID TIILE, ABIDKIIBA RAG WAA GU' JIREEN, TANSE WAA GAAR AH.
GAR ADKAATAY, GUURTI KALA MEERTAY, GAAGAABSAYAA IYO QALIN KU GUURYAABA, GEESINIMADIISII GUCANAYAA, MOOYE.
GIDAAR BIR AH AYUU INOO AHAA GEBI AHAANTEEN,SOMALILAND LOOGAMA SOO GELAYN GEESTU KA XIGE, DAGAALKU GALAAN GELIN OGAA, GUCANAYAA, MOOYE
GAR DARRADA SOKEEYA, DAR BAA GEES BICIID U LEH, GAADIID LA DHAANSADUU AHAA, GIBIL MADIIDUHUYE,
GEES KASTOO LA EEGABA, GOD BAA DALLOOSHAMAY, CIDDII GUFAYN LAHAYD GUCANAYAA MOOYE.
U GARGAAR UCID ALLOOW GIBI AHAATEEDBA, GEESIGAASNA NOO GLEI JANNADA, GACMAHAAN HOORSANAYE
U GARGAAR UCID ALLOOW GIBI AHAATEEDBA, GEESIGAASNA NOO GLEI JANNADA, GACMAHAAN HOORSANAYE
Amiin


Amiin


Amiin


أنا لله وأنا إليه راجعون


Alla Mahad Leh
Md Maxaxmed Xasan Baashe
Xoghayha Guud ee Xisbiga UCID
Yasmin Raygal

Xoghaynta Xisbiga UCID
Mobile 252-2-4427304
Tel Xafiiska Xarunta Dhexe
252-2-524326
Hargeysa - Somaliland.


 

Ucidprty cadami

 



Go back to the main page