Madaxweyne Riyaale Sidani Ma ka Tamar baa? Ma ka Daacad Daraa?:



Justice and Welfare Party (UCID)

 




’THE RIGHTS WE ENJOY REFLECTS THE DUTIES WE OWE’’


Date, April 11, 2006

 

 

Marka aynu eegno habka madaxweyne Riyaale u hogaamiyo dalka aad bay uga duwantahay marxuum Cigaal, oo talo iyo taageeraba ka heli jiray guurtida iyo Salaadiinta.. Riyaalle oo dhaxlay dustuur laa ansxiyey, wasaarado dhisan oo shaqeynayey ilaa shan sano iyo xisbiyo, wuxuu door biday in uu iska dhaafo hayadaha qaran oo uu ku soo koobo talada dalka koox aan ka badnayn 7 wasiir. Riyaale wuxuu ciijiyey hayadihii iyo golayaashi qaranka, waxay taasina keentay in hayadihii isku bedelaan ashkhaas. Waa la arki jiray xukuumad ka kooban koox laakiin kooxdu waxay lahaan jirtay hadaf iyo qorshe siyaasadeed.
 

Casaabadda Riyaale ma leh wax siyaasad ah iyo qorshe dalka lagu wado. Xukumadda Riyaale waxay baabiisay dhammaan ujeedooyinkii laga lahaa geedi socodka dimuqraadiyadda iyo doraashooyinkii dalka sida:

1. Fidinta maamulka
2. Talo waadaag
3. Baahinta awoodda
4. Kobcinta hayadaha dalka
5. Isku dheelintirka awoodda


Markii madaxweyne Riyaale la doortay waxaa lagula taliyey madaama uu ku helay dorooshada tiro yar oo muran ka dhacay, una codeeyeen boqolkiiba 42% in uu dhiso dawlad dadka midaysa oo haddii aanu dhisi karayn dawlad wadaag ( coaliton Government) uu dhiso dawlad aqoonyahan ah ( professional Government) oo dadku ku kalsoonyahay. Riyaale wuxuu dhisay dawlad ka kooban 47 wasiir, wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru dawlayaal intooda badani aanay dalka iyo beelahooda midna sumcad ku lahayn aqoon iyo khibrad ay dal ku hogaamiyaanna lahayn.

Madaxweyne Riyaale waxa lagula taliyey in uu dhiso wasaarad arrimo dibadeed lana hawl geliyo dadkii aqoonta u lahaa arrimaha caalamka, la dhiso xafiisyo ka hawl gala magaalooyinka Nairobi, Addis Ababa, Washington, London iyo Brussels. Waxa lagula taliyey in wafti qaran loo diro dhammaan dalalka IGAD iyo kuwa khuseeya arrimaha soomaalida iyo ururrada caalimiga ah iyo kuwa goboleedka ah sida UN, AU, EU, waxkhtigaas oo uu socday shirkii dib-u-hishiisiinta ee Soomaaliya ee Kiiniya.

Wasaaradda arrimaha dibadu maanta waxay ka koobantahay Marwo Adna Aadan, xafiisyaddi dibadda iska daa in la xoojiyo ee dhaamaantood waxaa laga jaray kharashkii ay ku shaqayn lahaayeen wax siyaasad iyo arrin ahna looma sheego. Xafiiskii Nairobi cid lama geynin waadna la socotaan in Nairobi deganyihiin dhammaan Safaaradaha ka masuulka ah arrimaha Somaliland iyo Somaliya iyo hayadaha caalamiga ah ee ka howl gala Somaliland. Dhawaan markuu gudoomiyaha wakiilada Mud. Cirro siyaartay wasaaradda arrimaha diba ee dalka Birtain, sarkaalad ka soo noqotay shir reer Yurub kaga hadlayeen arrimaha Soomaalida oo ka dhacay Nairobi, waxay gudoomiyaha waydiisay sababta keentay in aynu ka maqnaano Nairobi.

Riyaale taladii ahayd in loo diro wafti Qaran adduunka wuxuu ku bedeley socdaal isagu ku tagay dalka UK bishi March 2004 oo uu la kulmay xildhibaanno wakiilada UK ka tirsan, arrintaas oo ku filnayd in uu tago gudomiyihii wakiilada ee xiligaas oo u dhigmayey. Madaxwynuhu markuu yimi carriga ingiriiska wuxuu sameeyey laba balamood oo dalka ahmiyad weyn u lahaa.


1. Baarlamaanka Ingiriiska oo aad u daneynayey in ay dooraashada wakiilada Somaliland qabsoonto intii ka horaysay markii dalka Ingiriisku qabanayey madaxnimada Midawga Yurub ee1st July 2005, sii ay ugu sahlanaato dawladda Ingiriiska in ay qaddiyadda Somaliland ka dhaadhiciyaan Midawga Yurub, madaxweynuhuna wuxuu ka balanqaaday baarlamaanka in ay doorashadu dhicidoonto bisha March 2005.


2. Shacbiga reer Somaliland ee London isugu yimi si ay madaxweynaha
iyo waftigiisa u soo dhaweeyaan wuxuu ugu balanqaaday oo dad tiradoodu gaadhayso 1500 oo qof in uu dawlad yar oo taya leh dhisidoono markuu dalka ku noqdo.


Madaxweyne Riyaale wuxuu la bahoobay xoogaggii ka soo horjeeday in la qabto dooraashooyinka wakiilada, waxaa la siin jiray noqol ( copy) ku saabsan mashruuc xeerkii doorashooyinka intaan la keenin Golaha wakiilada oo aan la ansixin, sida la wada ogsoonyahay xeerkaas oo si toos ah u deedafaynayey in doorasho ka hirgasho dalka, Riyaale wuxuu siiyey xildhibaanada Okey. Markii ay ansixiyeen goluhu xeerkii xanibaadda ahaa ee xaraaradda siyaasadda ee Somaliland cirka isku shareertay madaxwyne Riyaale wuxuu socdaal ugu baxay dalka Koonfur Afrika socdaalkaas oo lagu micneeyey tamashle iyo bayac mushtari ( Tourism and Business Trip), socadaalkaasi tamashlaha iyo baayac mushtariga ahaa wuxuu kalifay cashuurbixiyeyaasha reer Somaliland lacag dhan 150,000 USD oo ay ku jirto lacagtii Radio Somaliland miisaaniyaddii sanadkii hore loo qorsheeyey wax socdaalkaa laga macaashayna aaney jirin habayaraatee illaa hadda.

Waa nasib darro ah in Riyaale ku faano in uu dabada ka riixay doorashaadii wakiilada, iyada oo la wada ogsoonyahay inuu is daad raaciyey shacbiga, asxaabta mucaaradka ah iyo komishanka qaranka ee doorashooyinka (NEC) oo sabab u ahaa inay doorashooynku dhacaan.

Doorashadii wakiilada wuxuu Riyaale isku dayey in uu soo saaro wakiillo magac-u-yaal ah, nin kasta oo wasiira wuxuu u dhiibay lacag waxaanu ku taliyey in ay keenaan xildhibaano aan ka hor iman wixii loo keenana saxeexa. Iyada oo la ogyahay in taageerada Riyaale iyo xukuumadiisu ka yartay 15% waxayna ku guulaysteen in ay hab xaaraan ah ku helaan 33 gursi oo u dhigma 38% tirada guud. Waanu ogolaanay natiijadii doorashooyinka anaga oo eegayna sumcadda iyo mustaqbalka Somaliland sida ku cad warbixinadii ay soo saareen qaar ka mid ah Goob-joogayaashi caalamku.

Riyaale sidii caadada u ahayd isaga oo doonaya in uu baabiiyo nidaamka xisbiyada ayuu casuumay wasiiro beel kaliya ka tirsan wuxuuna yidhi "Waxaa cadaatay in beeshiinnu ugu wakiilo badatay markaa hubaal gudoomiyuhu wuxuu noqonayaa beeshiinna ee anigu waxan door biday Mr. X."

Riyaale isaga oo og inaan xisbina ku guulaysan in uu helo tiradii u saamixaysay in ay gudoomiyaha wakiilada kaligood doortaan, loona baahan yahay isbahaysi laba xisbi, ayuu damcay arrintiiba in uu ubedelo arrin beeleed si loo kala saaro xubnaha wakiilada iyo xisbiyada ay ka tirsan yihiin, goluhuna aanuu waxba ka duwanaan kii hore ee beelaha ku dhisnaa. Riyaale wuxuu sameeyey tab kasta oo uu ku horjoogsan lahaa doorashada shirgudoonka ee labada xisbi ee mucaaradka ahi soo xuleen wuxuuna ummadda ka lumiyey waxkhti iyo lacag fara badan oo uu ku bixiyey hawlo xaaraan ah ilaa haddana wuxuu ka shaqaynayaa sidii Golaha Wakiilada uu uga dhigi lahaa qaar ku hawl gala hab qabyaaladeed.

Ugu dambaym markii bishii distoorka ahayd ka dhammaatay ee la filayey in uu diyaariyo Xaflad balaadhan oo sharaf leh laguna furayo baarlamankii ugu horeeyey ee Somaliland si xor ah lagu soo doortay ilaa 1960kii, wuxuu la yimi khudbad 29 bog ah oo aanuu garanayn waxa ku qoran dhammaanteedna wada been ah oo aan munaasabadeedii ahayn, ujeedada laga lahaana ahayd oo kaliya in wakhtiga lagu dilo si aan shirgodoonka loo dooran. Wax xaflad ah iyo damaashaad ah oo uu u diyaariyey munaasabada tariikhiga ah may jirin, dhinaca kalena wuxuu ugu talo galay qas iyo dib u dhac doorashada shirgudoonka ku tilmaadda.

Madaxweyne Riyaale waxaa mujiinaysa sida uu uga soo horjeedo in Somaliland shaqeyso danna aanuu ka lahayn jiritaanka iyo qaranimad Somaliland, shirgdoonkii uu soo sharaxay 29kii Nov. 2005, kuwaas oo sidii wasiiradiisa uu iskii usoo magacaabay:

1. Gudoomiyaha UDUB.
2. Gudomiye ku-xigeenka 1aad xubintii UCID ka eriday xisbiga.
3. Gudoomiye ku-xigeenka 2aad UDUB xubinta kaliya ee degmada Saylac.


Halkii laga sugayey in uu dhiso dawlad cusub oo la jaan qaadfa taariikhdan cusub ee Somaliland gashay iyo inuu ka jawaabo rabitaanka shacbiga Somaliland iyo aduunka inna taageera, fuliyana balamihii uu u qaaday ummada, wuxuu iskaga socdaalay yurub halkaas oo uu ku maqnaa 50
maalmood. Arrinuna waxay maraysaa ( HA FADHIDO FARAW). Adduunkii wuxuu inna wada leeyahay maxaad arintiinna adduunka uga raaridi weydeen ee
la fadhisateen Hargeysa?

Ilaa hadda sida muuqataaRiyaale uma diyaar aha in uu dhiso dawlad dalka hanan karta, taasi waxay keeni karta kacdoon shacbi iyo Somaliland oo gasha xaalad deganaansho la'aan iyo mustaqbal aan la hubin.

Waxaa ay u muuqataa in shacbiga Somaliland oo ka sugaayey isbedel ballaadhan doorashada ka dib, dadaal weynna u galay in doorashooyinku hirgalaan anay u dul qaadan karin xalaaddan raja la'aanta ah ee dalku ku jray afartii sanadood ee Riyaale hogaaminayey.

Waxaa muuqata in aanuu Riyaale ogoleyn in uu shilin ku baxo cid aan isaga ahayn, haddi wafti baxayo in u isagu noqdaa. (Dalku waa ANIGA, ANIGA, ANIGA... . Waxa ii yimi, waxa ii imanaya) oo hadal hays u noqotay madaxweyne Riyaale.


Waxaa beryahan dambe laga warqabaa in maamulka Majeerteeniya iyo Cabdillahi Yusuf ay ka heleen hub badan dalalka Talyaniga iyo Yaman. Ujeedada hubkaa laga leeyahayna tahay laba arimood:

1. In Cabdillahi Yusuf helo hub iyo ciidamo shiishaye oo u qabta magalooyinka Muqdhisha iyo Kismaayo.
2. In Somaliland lagu soo duulo si ay u qabsadaan gobolada Sanaag iyo Sool.


Madaxda konfurta Soomaliya aad bay uga dhiidiyeen arrimahaas digniinna waxay u direen labada dal iyo aduunkaba waanay ka diyaargaroobeen sida ay arrimahaas uga hortagi laahayeen.

Marka la eego Somaliland wax hadal iyo talaabo ah oo ay arrimahaas ka tidhi xukumadda Riyaale ma jiraan, waxay u dhaqmayaan sidii oo aanay ku oolin gobolkaba.

Cadde Muse,(Riyaale Saaxiibkii) wuxuu bilaabay hirgalintii qorshihii
laab-la-kaca ahaa waxaanuu weeraray bariga Sanaag.

Markaynu hadaba darisno hab dhaqanka xukuumadda Riyaale, dhibaatada dhaqaale, nabadgelyo, baahida balaadhan iyo baylahda dalka, waxaa la is weydiin karaa su'aalahan: Riyaale ma ka tamar baa? Ma ka daacad-darraa ? Somaliland sidan ma ku sii jiri kartaa laba sano oo dambe iska dhaaf aqoonsi ay heshee?

GUDDOOMIYAHA XISBIGA UCID

Eng. Faysal Cali Waraabe



Our porpose is PEASE, our password is FREEDOM, our aim is QUALITY
 

Milgaheennu waa NABAD, Furaheennu waa Xorriyad, mabd'eenu waa TAYO
 



Ucidparty cadami

 

 



Go back to the main page