Xisbiga UCID Oo Naqdiyey Miisaaniyadda:
Justice and Welfare Party
(UCID)
‘’THE
RIGHTS WE ENJOY REFLECTS THE DUTIES WE OWE’’
Hargeysa UCID Xisbiga Cadaaladda iyo
Daryeelka ayaa si weyn u naqdiyey kuna tilmaamay Miisaaniyadda 2006 ee
Somaliland oo hadda hortaalla Golaha Wakiiladda mid mad madaw badani ku jiro.
Shir Jaraa'id oo uu maanta Xafiiskiisa ku qabtay
Afhayeenka Xisbiga UCID Md Xasan Xuseen Maxamed ayuu ku sheegay in khalad weyn
iyo mad madaw aan qarsoodi lahayn uu ka muuqdo Miisaaniyaddani, Mudane Xasan
Xuseen wuxuu ugu baaqay Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Gaar ahaanna kuwa ku
abtirsada Xisbiyada Mucaaridku inay wax ka bedel iyo kaabid weyn ku sameeyaan
Miisaaniyaddani.
Mudane Xasan oo ka hadlaaya nidaamka ay
Miisaaniyaddu u degsantahay ayaa sheegay in aan laguba tilmaami karin
Miisaaniyad maadama aanay meeshaba oolin Xisaab Xidhyadii sannadahii ka horeeyey,
Waayo ayuu yidhi Md. Xuseen Caqliga saliimka ah ee caafimaadka qaba ee aqoonta
iyo cilmiga leh ma qaadan karo wax duuduuban in liq lagu yidhaahdo, taasina
waxay ka dhigantahay ayuu yidhi sida Foolxumada leh ee ay Wasaaradda maaliyaddu
usoo mal maluuqday Miisaaniyaddani, Mudane Xuseen wuxuu xasuusiyey Mudanayaasha
aqalka wakiiladda inay u taaganyahiin maanta kalsoonida Shacabka, laba arrimood
midkoodna ay ummaddu ka sugayso inay lumiyaan kalsoonida Shacabka oo ay
Miisaaniyaddani sideeda ku sii daayaan iyo inay xasuustaan ballantii ay ilaahay
iyo ummadda u qaadeen.
Mudane Xasan Xuseen Maxamed Wuxuu sheegay in
mawqifka Xisbigiisa UCID uu ka taaganyahay arrimaha miisaaniyaddani tahay in si
weyn wax loo saxo, dibna loogu noqdo miisaaniyaddani oo wax weyni ka maqanyahiin,
wuxuu sheegay in ay xaq tahay in la helo Dakhligii dekedda Berbera oo uu sheegay
inaanay miisaaniyaddani la soconin, wuxuu Mudane Xuseen tibaaxay in dakhli
farabadan oo kale ka maqanyahay qasnadda Miisaaniyaddani, iyadoo uu ku tilmaamay
in jeebado kale uu dakhligaasi ku maqanyahay.
ugu danbayntii Wuxuu Afhayeenka Xisbiga UCID
kula dar daarmay Mudanayaashu inay wixii ay qarranka ugu xil saarnaayeen
qiimeeyaan, ogaadaana in ay matalaan shacab aradan oo wax allaala iyo wax u
yaalla aanay jirin.