Xisbigu waxa uu u taagan yahay in uu dhiso dowlad
Shareecada Islaamka iyo Dastuurka dalku yihiin hay, adaha ugu saareeya
dalka. Dowlad dadku u Simanyahay oo ka shaqaysa Daryeelka guud iyo
Demokraadiyada shacbiga, ku yar iyo ku wayn, rag iyo dumar, faqiir iyo
taajir. Waxa uu xisbigu hirgalin doonaa dowlad loo wada dhanyahay oo
ku SALAYSAN DARYEEL LOO DHAN YAHAY qofna la dhaafayn (inclusive
welfare state).
Xisbigu waxa uu dhisayaa dowlad Xukunku kala
qaybsanyahay kana kooban;
Garsoorka (Judiciary)
Baarlaman
Madaxtooyo
Waxaa la baabi’in doonaa wasaarada Caddaalada.
Maxkamaduhu cidna ma hoos imandoonaan ee iskood ayey u
madaxbanaandoonaan. Waxaa la soo afjari doonaa habkii laga dhaxlay
Afweyne ee xukunka la gu soo ururinayay hal qof. Waxaa la siin doonaa
mushahaaro ku filan Muddanayaasha Baarlamaanka si aanay u habran oo ay
waajibkooda si sharaf leh u gutaan.
Xisbiga waxaa ka go'an in uu dhiso dowlad ka kooban
wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno tiro yar, laakiin aqoon leh, kuna
salaysan qaab beelood iyo gobalo. Waxaa la dhisi doonaa dowlad
firfircoon oo adag si baxsanna uga turjumaysa rabitaanka dadka iyo
himiladooda gaamurtay. Dowlad shariciga iyo nidaamku ka sareeyo
danaysiga shakhsiga una dabacsan baahida iyo qanciska bulshada. Dawlad
la jecelyahay lagana baqo oo aan la karhin.
Xisbigu wuxuu u taagan yahay sidii loo dhisi lahaa
dowlad hay'bad leh guddo iyo dibadba.
Waxaa laga shaqayn doonaa sidii loo dhisi lahaa
bulsho dhaqaalaheedu isku dhowyahay (More Egalitarian Society) oo aan
kala fogaan xaga hantida. Waxay dowladu ka shaqayn doontaa sidii ay u
xoojin lahayd laxaadka dadka sida ay u shaqayn lahayeen (To optimize
people's capacity to work). Waxay dowladu ka shaqyn doontaa awooda
dadka sida ay u heli lahaayeen shaqo "to optimize the ability of
the people to find work". Waxay dowladu ka shaqayn doontaa sidii
loo heli lahaa mujtamac ku nool sharaf iyo karaamo oo uu ka soo jeedo
qoysas dhisan oo is haysta, qoysas aanay buburin shaqo iyo
ilbaxnimaduba.
Xisbigu wuxuu u taagan yahay in uu dhiso dowlad
awooda iyo taladu qayb-santahay, dowlad ka caagan musuq-maasuq, eex
iyo amar ku taaglayn. Dowlad aan noqon "ONE MAN SHOW", amaba
dowlad beeleed iyo iwm. Si loo helo dowlad qof kastaba uu u madax
banaan yahay howshiisa, taladuna ku soo ururin gacanta madaxweynaha,
waxa laqaybin doonaa awooda madaxtooyada iyadoo hawsha maxadweynaha
iyo ku xigeenka lakala qeexi doono. Waxaa laga ilaalin doonaa in Ku
Xigeenka Madaxweynuhu noqdo magac kaliya. Sidoo kalena waxaa la qeexi
doona howsha wasiirada iyo ku xigeenada.
Xisbigu wuxuu ka shaqaynayaa sidii dumarka
Somaliland ay maamulka dalka iyo taladiisa gacan ugu yeelan lahaayeen.
Si loo dhiiri galiyo xisbigu waxa uu ku talajiraa ugu yaraan laba jago
oo heer wasiir ah in uu u qoondeeyo dumarka sharafta leh ee
Somaliland. Isla markaa sidoo kale xisbigu wuxuu dhiiri galindoonaa
dadkii la yareeysan jiray ee laga fogeeyay talada dalka sida Beelaha
Farsama-yaqaaniinta ah, beelahaa waxa loo qoondeyn doonaa jagooyin
heer wasiir iyo wixii la mid ah ee u dhigma.
Xisbigu wuxuu dhisi doona Wasaarada Bulshada iyo
Horumarinta dadka (Ministry of Social and Human Development).
Wasaaradaa ayaa ka shaqayndoonta sidii dadka Somaliland AQOONTOODA loo
xoojin lahaa si ay nolashoodu kor ugu kici lahayd. Wasaarada waxaa xil
wayni ka saarnaan doonaa kor u qaadka tacliinta iyo xirfad siinta
dadka ay saylada shaqadu reebtay ee shaqada waaya (Unemployment).
Waxay Wasaaradu ka shaqayn doontaa sidii loo
baabi'in lahaa FAQRIGA iyo GAAJADA (HANGER AND THE POVERTY) FAQRIGA
oon ku iman lacag la'aan kaligeed, laakiin ku timid Cunto yari
(Inadequacy of Food), Dhar la'aan, (Lack of Clothes), Biyo nadiif ah
la'aantood (Lack of Pure Water), Guri la’aan (Lack of Shelter),
Tacliin la'aan (Lack of Education) iyo Daryeel Caafimaad la'aan (Lack
of Health Care).