KULANKII FAYSAL CALI WARAABE IYO JAALIYADDA SOMALILAND EE NORWAY ”:


Oslo(11.02.06) Waxaa shalay gelinkii danbe uu Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Inj.Faysal Cali Waraabe uu shir balaadhan oo ka dhacay Hoteelka Anker ee magaalada Oslo kula hadlay dadweyne aad u tira badan oo reer Somaliland ah,kuwaasoo ay ka muuqatay niyad wanaaga iyo jacaylka ay u qabaan waddankooda hooyo; waxaa sidoo kale shirka xaadir ku ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Noorway Mudane Siciid Faarax, Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Noorway Mudane Maxamed Aadan ”Lenin” , aqoonyahanno iyo marti-sharaf kale.

vvvv

Waxaa Guddoomiyuhu uu ka hadlay wadciga ka jira Somaliland siiba habka maamulku u shaqeeyo hadda, taasoo uu ku tilmaamay mid gaabis ah, shacbigana aan horumar u wadin; waxaanu farta ku fiiqay siday dawladdu u gabtay dhinaca arrimaha dibedda oo aanay jirin buu yidhi cid u olalaysa qaddiyadda Somaliland oo u taagan, geysana arrimaheenna xafiisyada saxa ah ee quseeya  waxna ka qaban kara sida Ururka Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay; waxaana ka maqan buu yidhi dawladdeenna barnaamij-siyaasaddeed oo gudo iyo dibeedba leh.

vvvv

Wuxuu sheegay Guddoomiyuhu inuu Madaxweyne Riyaale ballan qaaday in uu dhisi doono dawlad kooban oo tayo leh; waxaanan u sheegay buu yidhi in la hagaajiyo Maxkamadaha, adeega bulshada, in ciidamada la siiyo darajo iyo in la keeno Idaacad dalkoo dhan wada gaadha, arrimahaas oo dhaanna wax uu ka qabtay ama fuliyay aanay jirin, dawladduna ay khuuro gashay ayuu yidh; waxaanu caddeeyay in Madaxweyne Riyaale uu dhammaysan doono inta uga hadhay muddadii la doortay, macquulna maaha buu yidhi in la yidhaa Baarlamaanku cod ha u qaado ”impeachment” maadaama aanay faa’iido u yeelin doonin Somaliland. Waxaanu intaa ku daray in Baarlamaanka Somaliland uu noqon doono mid saxa dawladda ee aanu noqonayn mid dadweynihii soo doortay ay ka qoomameeyaan, waxaanu uga digay dawladda inayna anshaxa iyo qaabka dimuqraadiyaddeed ee aynu ku dooranay Baarlamaanka aan la beela-beelayn sidii Golihii Deegaanka ee lagu khasaaray.

vvvv

Waxaa ayaandarro ah buu yidhi Guddoomiyuhu in wasiirka Maaliyaddu uu laba saacadood ka hadlayay wax aan qusayn shaqadii loo igmaday ee ahayd dhaqaalaha dalka, ka dibna Guddidii dhaqaalaha ee Baarlamaanku ay ansixin waayeen miisaaniyad-ku-sheegii uu soo bandhigay, taasoo ahayd mid aad uga fog xaqiiqada dakhliga dalka, sidaa awgeedna laga codsaday in sida uu dhigayo distoorka dalku uu saddex bilood sii isticmaalo miisaaniyaddii 2005tii, soona sameeyo miisaaniyad cilmiyaysan oo ka tarjumaysa dakhliga dhabta ah ee dalka, isla markaana aan lagu jaangoyn kontonka wasiir ee uu Madaxweynuhu ballanqaaday inuu yaraynayo.

Hadda waxaa soo ifbaxaya in dawladdu doonayso inay shacbiga iyo ciidamada dalka ka horkeento Baarlamaanka, iyadoo dalabka Golaha ee ah soo hagaajiya miisaaniyada u badalaysa in Baarlamaanku shaqadii ka xayiray, sidii ay horeba ciidamadii cusbitaalka galay canaantii looga soo jeediyay ay ugu badaleen in shaqadoodii laga hor-joogsaday, taasina ay horseeday inay isku eegaan dadkii iskaga horyimi jagadii ex.inji, keentayna khasaare badan, khalkhal aan hore loo aragna gelisay nabadgelyada aynu ku caanomaalnay ayuu yidhi guddoomiyuhu; waxaanu Jaaliyadda ka codsaday inay xildhibaanada Baarlamaanka gacan ka siiyaan dedaalka ay ugu jiraan dib-u-habaynta maamulka Dalka.

vvvv

Mar uu Guddoomiyuhu ka hadlayay mashruuca ay wadajirka u wadaan Qaramada Midoobay iyo Baanka Adduunka ee loo yaqaan JNA ayuu sheegay in labada Xisbi ee Ucid iyo Kulmiye ay si wada jira u taageereen in mashruucaas laga qaybqaato Dawladdana ay ku dhiirri geliyeen inay oggolaato, kaasoo ah buu yidhi mashruuc faa’iido badan u leh dib-u-dhiska waddanka, qaranimadeenna iyo madaxbannaanideennana wax u dhimayn.

 

Waxaa uu Guddoomiyuhu hadalkiisa ku soo gebgebeeyay in wadajir iyo midnimo lagu horumarin karo Somaliland.

Wuxuu maanta Guddoomiyuhu u ababaxay waddanka Sweden magaalada Gothenberg.

Posted by C/Xakiim Ismaaciil X.Axmed

 

Ucidprty cadami

 



Go back to the main page