OGEYSIIS - OGEYSIIS - OGEYSIIS


STOCKHOLM, (UCID) Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe, oo bookhan doona Magaalada Stockhom ee dalka Sweden

 

Waxaa muddooyinka dambe booqasho ku kala bixinayay dalalka Waqooyiga Yurub Guddoomiyaha Xisbiga UCID inj. Faysal Cali Waraabe, haddaba, waxaa lala socodsiinyaa Dhammaan dadweynaha Somaliland ee ku nool magaalada Stockholm iyo nawaaxigeeda, in uu Guddomiyaha Xisbiga UCID, uu Maalinta Isniinta iyo Salaasada uu bookhanayo magaalada Stockholm.

Haddaba, haddii aad ku nooshahay Stockholm iyo nawaaxigeeda u dhaw dhaw, waxaa lagula socodsiinayaa in Ururka Guud ee Xidhiidhka Jaaliyaddaha Somaliland uu qabanqaabiyay shirweyn oo lagu soo dhawaynaayo Guddoomiyaha Xisbiga UCID, uu ka dhici doono Xaafadda Rinkeby, Guriga Folket Hus.

Shirkaas, oo looga hadli doono arrimaha Somaliland, waxaad nasiib u yeelan doonta inaad dhegaysto warbixinno uu ka soo jeedo  Inj. Faysal Cali Waraabe, oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, oo ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee Somaliland iyo guud ahaanba xaaladdaha uu marayo dalka hooyo.

Meesha:  Folket Hus, Rinkeby

Wakhtiga: 14. 02.2006, Salaasadda

Saacadda.  17.00 - 20.00

Haddaba, iyadoo uu shirkaas muhiim yahay, Guddoomiuhuna uu ina siin doono warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladdihii u dambeeyay ee dalka hooyo, waxaa laga codsanaya dadweynaha Somaliland inay si weyn uga soo qeybgalaan.

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh: Ahmed Abdillahi Awale, 073 945 19 57

SOMALILAND DALKEYGA, SOMALILAND DADKEYGA.


UCIDPARTY.COM