Sawirro la xidhiidha dhaqdhaqaaqa ururka UCID

Naasir Xaaji Cali, Xaaji Ibraahim Isxal iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID
Feysal Cali Waraabe, oo ka soo qeybgalay shirkaasi ka dhacay Falkenberg
Shir balaadhan oo shalay sabtidii oct. 3rd. ka dhacay
magaalada Jönköping ee dalkan Sweden.
halkaasoo ay ku kulmeen xubno fara badan oo ka tirsan ururka UCID Party ee
bariga, koonfurta iyo badhatamaha sweden. Waxayna ku gorfeeyeen:
1. Sidii taageero hiil iyo hooba loogu fidin lahaa ururka.
2.Sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha ururka iyo sidii wacyi gelin loogu
samayn lahaa bulshada reer Somaaliland ee degen Sweden inay ka qayb qaataan
isbedelka imminka socda.
3. Sidii loo adkayn lahaa jiritaanka Somaliland, loogana hortegi lahaa
cadowgeeda.
Halkaas waxa kaloo ka soo qayb galay dad aan iminka xubno ka ahayn ururka
UCID oo su'aalo badan soo bandhigay si ay wax uga ogaadaan siyaasadda guud
ee ururka.
ugu dambayn halkaa waxa lagu doortay guddi ay yeeshaan galbeedka, koonfurta
iyo badhtamaha Sweden ee ururka UCID, waxayna kala yihiin sidatan:
1. Nasir Hagi Ali (Falkenberg)- Guddoomiye
2. Abdi Abdillaahi Ibrahim (Linköping)- Guddoomiye ku xigeen
3. Amina Hussein (Falkenberg)- Xooghaye.
4. Nasir Yasin (Jönköping)- Lacaghaye.
5. Ali Du'ale (Göteborg)- Hanti Dhawr.
Xusuus: Wixii warar ah iigu soo hagaajiya e-mial-ka
nasir_hagi_ali@hotmail.com