QORAALADA IYO SAXAAFADA YAAN LOO ADEEGSAN QABYAALADA:

Posted to the web Wed, 18 Sep 2002 14:55:14 Sabax Ahmed .


As-salaamu Calaykum Walaalayaal:



As-salaamu Calaykum Walaalayaal:



Waxaan ahay gabadh soomaaliyeed oo la yidhaahdo Sabaax Axmed. Runtiina waxaan si joogta uga akhrista wararka Soomaalida ee lagu soo qoro shabakada ah internetka, gaar ahaan ku af soomaliga ah.  Runtii dhowr jeer ayaan arkay warar lagu soo qoray shabkadaha internetka oo sal iyo baal toona yeelan waayay ama iska noqday wax ku tidhi ku teen ah.  Aniga oo runtii taas la yaaban ayaan dhowr jeer arkay warar aan macno lahayn oo aan u qaatay in garab ama afaaro qabiilnimo lagu soo qoray shabakada internetka oo joogto laga dhigtay.

Waxaase iigu sii yaab badnaa, maqaal ku qornaa Somaliland Democracy Watch Organization oo ahaa"Ururka Ileyska iyo Riyadii Beenowday" oo uu qoray ninka la yidhaahdo Siciid Cadaani bisha 17/09/02.  Runtii qof kasta oo akhristaa wuu garan karaa in ay tahay "QABIILOOYINKII QORIGA KU DAGAALAMI JIRAY OO QALLINKA IYO QORAALADA U BEDLAY DAGAALKII". Waxaana kuu cadeyn kara taasi inta qof ee ku shuraakowday maqaalkan aan nahda iyo macnaha lahayn ee la rabo in cid lagu xumeeyo ama lagu duro. Waxaana taas kuu cadaynaysa in tahay sheeko ujeedo leh, meesha lagu qoray rayiga oo ah halka wararka(News-ka).  Waxaa weliba ka sii daran rayigu maha war cusub ama xiiso leh(Current news) ee waa arrin ay ka badheedheen weriyaha Jamhuuriya ee la yidhaahdo khadar(London) iyo nimanka ku haya gacanta web-page-ka Somaliland Democracy Watch Organization oo iyagu cadeystay IN YIHIIN MOORYAANADA QALLINTKA KU DIRIRA AMA KU DAGAALAMA.

Haddaba, waxaan ka codsan lahaa nimanka ka mas'uulka ah shabkadaha internetka in aan loo adeegsan afaaro qabiilo iyo wax la mid ah in lagu soo qoro iyo weliba in lagu af lagaadeeyo shakhsi, koox ama xisbi iyada oo loo maagayo nin aanu isku qabiilnahay ma haysto.  Qabyaalada iyo qalin-jiifnimada yaan la gelin saxaafada.  Waxaana dhici doonta in reer weliba yeesho web-page uu ku af lagaadeeyo reerka kale, hadii sida ay ku sii socoto.  Waxaanad walaalayaal ogaataan in aanay DUGSI LAHAYN QABYAALADI. Bartana "Ethics" saxaafada.

Siciid Cadaanina ninka la yidhaahdo, ma garanayo meesha uu joogo, hase yeeshee waxaan odhan lahaa Ileyska aad sheegayso ma waxaad ugu baxday waxaa la dooran waayay nin aad isku qabiil tihiin?  Waayo hore u maad hadal markii la doortay musharaxa Cumar la yidhaahdo ayuu noqon waayay ninkaad rabtay ee reerkiina ahaa.  Ninbaa lagu yidhi hebel wuu ka baxay diintii islaamka, markaasu ninkii ku jawaabay"Allahayow futu xumo ma kale baxay diinta".  Siciid Caddaaniyow waxaan ku odhan laha "Allahayow Ileys ma kale baxday fikir xumo iyo qabyaalad". Runtii qoraalkaaga ayaa ka dhadhansaday waxay tahay ujeedadaadu.  Waxaana isweydiin leh sida aad Ileyska ku gashay, se waxaan qaatay uun in dantaad ka lahay socon weyday.  Haddii aad daacad tahay waxaa kumaad badhaaciseen. Haddii ay jirto dowlad aad leedahay ama reerkiinu haysataa oo ku maqlaysaa ku dheh "ILEYS KA JOOJIYA DOORASHOOYINKA".


Waad mahadsan tihiin



For comments or questions about this ARTICLE please contact:
Sabaax Axmed :Toronto, Canada

 



Go back to the main page