Madaama qoysku yahay unuga mujtamaca iyo asaaska
bulshada, xisbigu wuxuu u taagan yahay hagaajinta nolasha, caafimaadka
iyo aqoonta qoyska. Tiiyoo laga bilaabidoono haagaajinta caafimadka
hooyada iyo caafimaadka dhalaanka. Waxaa lala socondoona caafimaadka
hooyada ilaa maalinta ay dhaleyso.
Waxaa kor loo qaadidoonaa xaalada Malcaamad
Qu'aanadii, iyado loo badalindoono xarumaha barbaarinta. Waxaa
xarumahaa gacan-weyn ku yeelandoona dawlada hoose ee dalka iyo
Wasaarada Waxbarashada ee degmada. Waxaa wax ka dhigidoona maclimiin
aqoon u leh sida dhalaanka wax loo baro, kuna takhasusay barashada
Qur'aanka, Diinta Islaamka iyo Akhlaaqda iyo dhaqanka muslimka.
Caruurtu Xarumaha ay wax ku baranayaan Qur'aanka iyo tacliin kale ka
horeeysa bilawga dugsiyada.
Waxaa ka mas'uul ah Waasaarada Tacliinta ee heer
degmo qorshaha miisaaniyada iyo maamulka xarumaha. Waa wajibka
dawladaha hoose in ay ilaaliyaan hab u socodka xarumaha iyo aqoonta
maclimiinta ka howl galeysa. Qofkii la yimaada shuruudaha iyo aqoonta
looga baahaan yahay maclimiinta xarumaha waa la qaadan doona.
Dawlada hoose ayaa jaangoyndoonta qorshaynta iyo
meelaha looga baahanyahay in laga dhiso xarumaha.
Xarumaha barbaarinta dhalaanka kuma eekaan doonaan
oo kaliya u diyaarinta waxbarashada dugsiyada iyo barashada Qur'aanka
iyo Asluubta Muslimka, ee isla markaa caruurta waxaa loo samayn doonaa
meelaha ay ku ciyaaraan. Wakhtigooda waxaa loo qaybindoonaa,
waxbarasho, wakhti ciyaaro iyo wakhti nasasho.
Waxaa isla marka la baridoona sheeko caruureed ,
ciyaarihii dhaqanka iyo wax alaaliyo wixii caruurnimada lagu baran
jiray miyiga- sida GOO-GAALAYSIGA. Waxaa caruurta lagu ababindoonaa
Muqadisnimada Diinta Islaamka, iyo waajiibadka muwaadinka ka saaran
midnimada dalka iyo difaaciisa, danta guud ee shacbiga isla markaa
waxaa la baridoona ilaalinta degaanka, dhirta iyo oogaada.
Waxaa dowlada hoose la socon doontaa tayada iyo
caafimaadka xarumaha iyadoo oo uu xil dheerad ahi ka saaranyahay
hubinta ka qayb qaadashada caruurta qoysyada dan yarta ah. Waxaa la
hubindoonaa in caruurta kaloo qaadanayo xarumaha in ay ku noolaayeen
degmada mudada loo jaro in ay xaq ku leeyihiin ka qayb qaadashada
waxbarashada xarumaha barbaarinta. Intay caruurta ku jiraan xarumaha
waxaa lala socon doona caafimaadkooda waxaana la qiyaasidoonaa heerka
fahmadooda IQ.
Dhinaca kale waxaa xooga la saaridoonaa caafimaadka
hooyada iyo kor u qaadista aqoonteeda si ay u hanato xanaanada
ubadkeeda iyo barbaarinta caruurta. Hooyada waxaa la baridoona
xuquuqda ILLAAHAY ku manaystay ee cidna ka qaadi karin.