Xisbiga qaran ee Ucid wuxuu cabaaraynaynayaa weerarka ay budhcadda
majeerteen ku soo qaadeen Xuduuda bari ee Somaliland:
Justice and Welfare Party
(UCID)
‘’THE
RIGHTS WE ENJOY REFLECTS THE DUTIES WE OWE’’
Hargeysa UCID Xisbiga qaran ee Ucid wuxuu cabaaraynaynayaa
weerarka ay budhcadda
majeerteen ku soo qaadeen Xuduuda bari ee Somaliland ee Gobolka
Sanaag,taas oo aan ahayn markii ugu horeysey ee ay weerero noocaasa ku
soo qaadaan gudaha Somaliland.waxaa ka mid ahaa falkii lagula kacay
madaxweynaha ee Laascaanood, iyo tii Adhicadeye.
Waxaana hubaal ah haddii aan talaabo adag
laga qaadin inay marar kale iyo meelo kalena soo
weerari doonaa,waana yogolbaadh iyo hordhicii weerar balaadh oo la
doonayo in lagu khalkhal geliyo nabadgelyadeena ,ka dib markay arkeen
in caalamku inoo soo jeestay waana falal qorshaysan,dulqaadka intaa ka
badanina waa doqoniimo iyo dembi laga gelayo qaranka,
Weerarkan hadda socdaa oo loola jeeday in
Godadkii hore macdanta
looga qodi jiray lagu AASO hadhaaga SUNTA warshadaha oo ay heshiis ku
wada galeen Mafiyda Talyaaniga iyo Mafiyada majeerteen mudadii uu
qabqable Cadde Muuse ku sugnaa dalka Garmalka, lana siiyey lacag dhan
1million oo Euro ,markabkii sunta sidayna soo gaadhay biyaha
Boosaaso18/03/2006, sugayana intay qabsanayaa degaanada loo qorsheeyey
in lagu aaso,
waxaanu halkan hambalyo iyo taageeroba uga diraynaa shacbiga ku dhaqan
degaankaas ee sida geesinimada ah u difaacay dalkooda iyo
degaankoodaba ,waxaanu u sheegaynaa in aanu hiil iyo hooba la garab
taaganahay,
waxaanu canaan u soo jeedinaynaa xukuumadeena aan ilaa hadda ka hadal
weerarkan lagu soo qaaday dalka ee reer Baydhabo ka hadlayaan,waxayna
u muuqataa inay gabtay waajibkeedii difaaca qaranka ee loo igmaday,
Waxaanu ugu baaqayaa xukuumadda inay si degdeg ah talaabada ugu
haboon ka qaado isla markaana gurmad degdeg ah oo dhinac walba ah la
gaadho muwadiniinta naftoodii u huray difaaca dalka iyadoo la
kaashanaysa dhamaan madax dhaqmeedyada ,siyaasiyiinta iyo wax garadka
degaanka sidii waajibkooda loo marin lahaa budhcadda majeerteen.
Waxaanu ka codsanaynaa Golaha Wakiiladda iyo Golaha Guurtida inay xil
iska saaraan arinkan kana wada arinsadaan iyaga iyo xukuumaddu iyo
weliba xisbiyada qaranka.
Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan shicibweynaha inay hiil iyo hooba isla
garab taagaan Dawladda talaabo wal oo ay qaado sidii horeba looga
bartay.
Difaaca Dalku Waa Waajib ina Wada saaran
Guul Guul Guul
Alla Mahadle
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka
Jamhuriyadda Somaliland