ERAYGU WUXUU GUDBIYAA HAL FARRIIN, SAWIRKUNA KUN FARRIIMOOD


MA TAQAAN AMIIR CAAMIRKA SOMALILAND: CABDIRASHIID

Haantuuf (Hargeysa) Wargeysa maalinlaha ah ee ka soo baxa mgaalo madaxda Somaliland ee hargeysa waxaa ku soo baxa sawir gacmeed uu soo sawiro farshaxan aad u weyn oo la yidhaahdo Cabdirashiid. Cabdirashiid wuxuu aad Ilaahay ugu manaystay hibada farshaxanimo, taasi oo uu ku bixiyo faallooyin, reeba ma hadhooyin iyo xusuus dhaxalgal ah, oo weliba ay cid kasta si hawl yar u fahmi karto. In kasta oo uu Cabdirashiid, u dhigmo farshaxanka kale ee arrimahan sawir gacmeedda ku caan baxay ee la yidhaahdo Amiin Caamir, haddana dad reer Somaliland iyo Soomalida kale toona aad uma yaqaaniin Cabdirashiid.

Anigu , mar aan kula kulmay Cabdirashiid magaalada Hargeysa, waxaan aad ugu qushuucay hawlaha wax tarka leh ee uu qabto Cabdirashiid, waxaanan aad ula yaaban nin sidaas iyo heerkaas wax u samayn kara oo haddana dadku u qiimeyn heerka uu gaadhsiisan yahay.

Waxaan xita la hadlay Wasaaradda Waxbarashada oo uu Cabdirashiid uu u sameeyo dhammaan sawirada ku yaal buuggaagta loogu talogalay in ay noqdaan manhajka carruurtu wax ka barato. Kuwaasi oo aan kula taliyay inay tababar dhinaca dhaatada ah siiyaan Cabdirashiid, si uu hawlihiisa ugu taabo geliyo dhinaca dhaatooyinka.

Waayo haddii uu Cabdirashiid u adeegsado sawirradiisa dhaatooyinka iyo borogaraamada ku shaqo leh, waxa aad kor ugu kici lahaa tayada sawiradiisa.

Si kastaba ha ahaate, waxay ila noqotay in website'kan Ucidparty.com iyo kuwa kale ee Somalilandba ay Cabdirashiid gacan ka siiyaan, sidii uu hawlihiisa sawir gacameedka ah uu aad ugu faafin lahaayeen, gaadhsiin lahaayeenna akhristayaasha ugu badan ee suurto gal ah, isla markaasna ay saxaafadda somaliland u soo bandhigaan Cabdirashiid heerka uu ka taagan yahay sawir gacmeedka, si uu u helo qiimeynta uu mudan yahay.

Bal akhriste halkan ka dhuugo qaar ka mid ah sawirro gacmeeddeedyo uu Cabdirashiid ku soo saaray wergeysa Haatuf ee yaabka leh, qaar ka mid oo boggan ucidparty.com uu halkan ku soo ururiyay:

Inshaa Allaah, waxaanu ku dadaali doonnaa inaan wareysi la yeelanno Cabdirashiid dhawaan.

Axmed Cabdillahi Cawaale
Tafatiraha
Ucidparty.com

Ku noqo bogga kowaad

 

Eeg bobba 5:aad

Eeg bogga Afraad

Eeg bogga 3:aad

Ku noqo bogga labaad

 

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM